“Haddii Aanu Nahay Xisbiga Waddani Waxaanu Dadka U Balanqaadaynaa In Aanu Hantidooda U Ilaalin Doono”

34
3043

Murashaxa madaxweyne-xigeen ee WADDANI Ambassador Maxamed Cali

Hargeysa (Geeska)-Musharaxa Madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Dr Maxamed Cali Cabdi iyo Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcadde, ayaa dhaliilo aad u culus u soo jeediyey Xukuumadda iyo Xisbigeeda Kulmiye, waxayna tilmaameen, in Xukuumadda Kulmiye ay muddii ay taladda dalka haysay inay ku fashilantay, isla markaana maanta dadku u baahan yahay is bedel, waxayna xuseen in is bedelku yahay Xisbiga Waddani oo la doorto, si uu dalka iyo dadka u badbaadiyo.

Musharaxa Madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Dr Maxamed Cali Cabdi iyo Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcadde, oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale jawaab adag ka bixiyey dhaliilaha Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda, ee ku waajahan Xisbiga Waddani, waxaana ugu horeyn Musharaxa Madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Dr Maxamed Cali Cabdi hadalkiisi ku bilaabay sidan“Doorashadu waxay muhiim u tahay dalka iyo dadka, waxaana leeyahay dadku ha u codeeyaan halkay ay dantoodu ku jirto, oo ah Waddani, oo ah Xisbi is bedel doon ah, waxaana dhab ah in Xisbiga Waddani xaaladan adag ee uu maanta dalku marayo, ee Xukuumaddan iyo Xisbigeeda Kulmiye ay sabab u yihiin, in Xisbiga Waddani uu ka saari doono, haddii aanu nahay Xisbiga Waddani waxaanu dadka u balanqaadayna in aanu hantidooda u ilaalin doono, oo sicir bararka aan meesha ka saari doono, oo dadkayga iyo dalkaygaba daacad u nahay haddana, una ahaan doono, insha allaah marka aanu taladda dalka ku guulaysano”.

Musharaxa Madaxweyne ku xigeen mar uu ka hadlaayey eedaha Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye ay u jeediyaan Waddani ayaa yidhi “Cida ay afkiisa ka soo baxdo Somaliya ayaa xidhiidh la leh, Somaliya waa dal aanu daris nahay, darisnimo ayaa inaga dhexeysa, laakiin waxaanu kala nahay Somaliland iyo Somaliya, Xisbiga Waddani mawqifkiisu waa meel oo waa Somaliland, in aanay marnaba Somaliya ka mid ahayn, kana mid ahaan doonin, laakiin cida wada hadalada la furtay Somaliya waa Xukuumadda Kulmiye, wada hadaladiina meel may gaadhin, cida leh Waddani ayaa xidhiidh la leh Somaliyana, waa cid iska hadashay”.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcadde, oo isna ka hadlaya rajadda Xisbigiisa ayaa yidhi “Xisbiga Kulmiye muddo dheer buu xilka dalka hayey, waanu ku fashilmay dalka xukunkiisa, waanu ku guuldaraystay inuu horumar sameeyo, oo sicir bararkii ayeynu maanta arkaynaa, oo waxay u haystaan wax caadiya, oo Xukuumadda iyo Xisbigeeda wax ka hadlayaa ma jiraan, dalkana wuxuu u baahan yahay is bedel, Shacabka reer Somaliland waxay caddeeyeen is bedelka loo baahan yahay, insha allaah,maalinta doorashada ugu horeeysaba waxaanu ku rajo weynahay in galinka horeba Xisbiga Waddani guulaysanayo”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Dalkani maaha dal runtii qaadi karayey tirada Wasiiradda xadka ka baxay ee Xukuumaddan, Xukuumaddan tiro badnaan iyo tayo xumo ayey isku darsatay, waxaana run ah in Wasiiraddii aanay iyagiiba is garanyn,dawladnimo ayey Xukuumadda Siillaanyo ka dhaxashay Xukuumaddii Daahir Rayaale,   balse  nidaamkii iyo kala dambayntii uu dalkani lahaa qabiil bay u bedeshay,oo astaantii Dawladnimada Xukuumaddani wey dishay, oo heerka aynu ka maraynayey Caalamka weynu ogayn, iyo heerka ay maanta ina dhitay, taladdeeddii waxay noqotay cid baa Somali weyna, umaddana mawqif bay qaadatay”.

Xoghayuhu mar uu ka hadlaayey ilaalinta hantida qaranka ayaa yidhi “Waa nasiib daro Xisbi dhan oo Madaxweynihiisi raaci waayey, waana nasiib daro Somaliland ku dhacday, waayo kala dambayntii iyo nidaamkii ayaa meesha ka baxay, si qaawan ayeyna u ololeynayaan Agaasimayaashii, oo qaarkood inay sax yihiin bay u arkaan, kolay Xisbiyada Mucaaradku wey qaateen wareegtadaas Madaxweynaha, weyna tixgeliyeen, laakiin Xisbiga Kulmiye, Wasiiraddii, Agaasimayaashii, Maareeyaashii, iyo shaqaalaha dawladda qaarkood, siday doonaan ayey u dhaqmayaan, oo Xisbigii Kulmiye ayey si sharci daro ah hantidii qaranka ugu ololeynayaan,m waxaanad mooda in nidaamkii dawladnimada ay ka baxeen, laakiin komishanka Qaranka waxaan ugu baaqayaa inay Xisbiga Kulmiye ku soo dabaalan inuu raaco nidaamka iyo sharciga Doorashooyinka lagu galayo iyo wareegtooyinkii uu Madaxweynuhu soo saaray”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here