Dhaxalka Uu Madaxweyne Siilaanyo Dalka Uga Tagayo 7 Sannadood Oo Uu Xilka Hayay

28
2847

Warbixin taxane ah oo uu Geeska Afrika diyaariyay

Hargeysa(Geeska)-Toddoba sannadood iyo shan bilood, ka dib waxa la filayaa in Madaxweyne Siilaanyo talada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland wareejiyo bisha December ee 2017, ka dib doorashada 13 November loo dareerayo ee madaxtooyada.

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu talada Somaliland la wareegay iyadoo ay shacabku u oomanaayeen isbedel hoggaamineed, maadaama oo uu aad ugu ololeeyay isbedel dhinacyo badan oo uu shacabka muddo 8 sannadood oo uu mucaarad ahaa u balan qaadayay.

Xukuumad tiro yar

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu ololaha ku galay waxa ka mid ahaa inuu dhisi doono xukuumad tiro yar oo tayo leh, isagoo madaxweyne Rayaale ku eedayn jiray inuu dhisay xukuumad tiro badan oo bilaa tayo ah oo aanu dalku dhaqaale ahaan iska xejin karin. Waxaanu fagaarayaal iyo goobo kaleba ka balan qaaday inuu dhisi doono xukuumad kooban oo dalka iyo dadka wax u qabata. Waxaanu madaxweyne Siilaanyo markii u horaysay dhisay xukuumad ka kooban 26 xubnood oo ahaa 20 wasiir iyo 6 wasiir-xigeeno kooban.

Laakiin bisha December oo uu Madaxweyne Siilaanyo xilka wareejinayo, wuxuu wareejinayaa gole xukuumadeed oo ka kooban 70 xubnood kuwaas oo ka dhigay madaxweynihii ugu wasiiro badnaa ee dalka soo mara. Waxa intaas dheer la taliyayaal aan tiradooda si rasmi ah loo hayn oo aad u badan kuwaas oo ka qayb ah maamulkiisa xukuumadeed. Si kale haddii loo dhigo madaxweyne Rayaale oo uu dhaliili jiray wuxuu dhisay xukuumad ka kooban 54 xubnood, halka uu madaxweyne Siilaanyo maanta marayo 70 xubnood.

kobcin dhaqaale iyo la dagaalanka musuqa

Kobcin dhaqaale iyo hantida umadda oo la ilaaliyo ayaa qayb ka ahaa ololihii uu madaxweyne Siilaanyo kaga guulaystay madaxweyne Rayaale. Waxa kordhay miisaaniyadii qaranka, waxaana mushaharaadka loo kordhiyay shaqaalaha dawladda iyo ciidamada qalabka sida. Laakiin kor u kaca miisaaniyadda ayaa waxaan la socon wax qorshe ah, waxaana kor u kaca miisaaniyadd ka dhashay sicir barar aan dalka hore ugu jirin oo gaadhay halkii ugu sareeyay kaas oo saamayn ku yeeshay bulshada Somaliland ee danyarta ah. Laakiin mudadaas madaxweyne Siilaanyo joogay lama arag shaqaalaha dawladda dhexe oo aan bil ka  mid ah bilaha sannadka qaadan mushaharkooda. Taas ayaa ah talaabo wanaagsan.

La dagaalanka musuqa, ayaa isna noqday hal bacaad lagu lisay, waxaana mudadii uu Madaxweyne Siilaanyo talada hayay kor u kacay musuqa iyo boobka hantida umadda oo wejiyo kala duwan leh.  Warbixino ay soo saareen hay’ado caalami ahi ayaa madaxweyne Siilaanyo ku calaamadiyay in xukuumadiisu noqotay tii ugu musuqa badnayd ee Somaliland soo marta.

Qoyska madaxweyne Siilaanyo ayaa noqday qoyskii ugu horeeyay ee madaxweynaha oo talada haya lagu eedeeyo inay awood ku leeyihiin talada dalka. Waxa sidoo kale qoyska madaxweynaha lagu eedeeyay musuq-maasuq iyo hanti dawladu leedahay oo ay la wareegeen. Inkastoo ay qoysku eedaynahaas iska difaacaan oo beeniyaan, haddana waxa jira waxyaabo badan oo markhaati loo qabsan karo. Tusaale ahaan gurigii caanka ahaa ee Hargeisa Women’s club oo ahaan jiray hoy ay wax ku bartaan haweenka aan fursada u helin waxbarasho toos ah, waxa uu hadda noqday qayb ka mid ah hudheel ay qoysku leeyihiin oo la balaadhiyay. Qoyska ayaa ku dooda in dugsigaas uu iibsaday nin ganacsade ah oo dawladu sifo sharci uga iibisay, laakiin bulshadu waxay aaminsantahay in qoyska madaxweyne Siilaanyo yahay cidda la wareegtay dhismahaas.

Qodobka 85aad ee distoorka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa mamnuucaya inaanay qoysaska madaxweynaha iyo madaxweyne-xigeenku gelin karin ganacsi mudada ay xilalka qaranka hayaan.

Tahriibka iyo Qabyaaladda

Madaxweyne Axmed Siilaanyo, mudadii uu mucaaradka ahaa wuxuu samaystay halku dhegyo caan noqday oo ahaa “UDUB way tagaysaaye ha tahriibin walaal.” laakiin mudadii uu talada hayay waxa ay noqotay mudadii ay Somaliland ka tahriibeen dhallinyaradii ugu badnayd oo qaar badan oo ka mid ahi ay biyaha badda ku dhex dhinteen.

Qabyaaladda ayaa iyaduna gaadhay halkii ugu saraysay, waxaana muuqata inay shacabka Somaliland hadhsadeen qabyaaladda halkii ay waayadii hore ka hadhsan jireen dawladnimada. Markii uu Madaxweyne Siilaanyo talada qabtayba waxa bilaabay shirar beeleedyo halis geliyay nidaamka dawladnimo ee Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo oo caan ku noqday isku shaandhayn, bedel iyo xil ka qaadis wasiiro, mudadaas toddobada sannadood ah lama arag madaxweyne Siilaanyo oo xilka ka qaaday mid ka mid ah wasiirada awooda badan ee beeshiisa. Ragga ay xil ka qaadista madaxweynuhu ka war-wareegto wax ka mid ah wasiirada macdanta, madaxtooyada, hawlaha guud iyo dib u dejinta. Haddii laga tagi waayo wasiirul dawlihii duulista iyo hawada Mr. Faahiye ayaa noqday masuulka keliya ee ka soo jeeda beesha madaxweynaha ee xilka laga qaaday. ….La soco

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here