Ma ogtahay in dadka dunida guusha ka gaadhay badankoodu si kasta oo ay u mashquul yihiin ay qasab iskaga dhigaan in ay yeeshaan waqti wax akhris?! Ma ogtahay in madaxweynaha dalka Maraykanka oo la aaminsan yahay in uu hayo xilka adduunka ugu mashquulka badan, markii uu Barak Obama joogay in uu waajib iskaga dhigay in uu maalin kasta hal saac wax ku dhex akhriyo xafiiska?
Ma is weydiisay sababta Warren Buffet oo ah maalgashadaha loo qirsan yahay in uu yahay kii ugu fiicnaa ee soo maray taariikhda adduunka, in uu waqtigiisa boqolkiiba 80 ka mid ah geliyo akhriska iyo ka fikirka siyaabaha uu u sii horumarin karo xirfadihiisa shaqada?
Waa maxay sababta ninka adduunka ugu maalqabeensan ee Bill Gates, uu toddobaad kasta u dhammeeyo akhriska hal buug, isaga oo shaqadisia caadiga ahna waqti ku filan gelinaya? Ma se is weydiisay sababta ku kalliftay dhaqanka ah in uu sannad kasta hal mar qaato fasax laba toddobaad ah oo uu safar ugu baxo keliya si uu wax u soo akhriyo?
Isku soo wada duuboo waa maxay sababta dadka adduunka ugu mashquulka badan, uguna horumarka iyo maskaxda badani ay maalin kasta ugu yaraan hal saac u qoondeeyaan wax akhriska, iyada oo dad badan oo aan hawl muhiim ah haynin ama waqtigoodu buuxin ay maalin kasta ku marmarsoodaan in mashquulku uu ka hor istaaga wax akhriska?
Jawaabtu waa ay fududahay: Waxa aynu ku koobi karnaa, in dadkani ay fahmeen in waxbarashadu ay tahay waxa ugu fiican ee aynu waqtigeenna ku maalgashan karno Benjamin Franklin oo ahaa madaxweynihii lixaad ee Maraykanka oo sida oo kalana ahaa hal-abuur, qoraa iyo saynisyahan ayaa mar uu ka warramayey waxtarka akhriska waxa uu yidhi, “Maalgashiga cilmiga aad geliso ayaa dheefta ugu fiican laga helaa” Bilyaneerka Paul Tudor Jones ayaa isaguna waxbarashada ka yidhi, “Raasamaalka maanka quudiya ayaa mar kasta ka sarreeya raasamaalka lacagta ah”
Xeerka shanta saac
Xeerka Shanta saac waxaa markii ugu horreysay fikirkiisa keenay Michael Simmons oo ah aasaasaha xarunta epact, oo aad wax uga qoray xeerkan. Xeerkani fahamkiisu waa uu fududyahay, waxad aanu ka duulayaa xaqiiqada ah in dadka adduunkan soo maray ee guulaystay si kasta oo ay mashquul u yiiin in ay ugu yaraan hal saac maalintii ama isku dar shan saac toddobaadkii wax akhris iyo waxbarasho iyo daraasayn sameeyaan.
Simmon waxa uu aragtidan ka soo dheeganayaa Benjamin Franklin, oo caado aanu weligii jarin ka dhigtay in uu yeesho waqti uu naftiisa la gaar noqdo oo uu waxbarasho, wax akhris iyo fikir ugu talagalo.
Franklin aadadan waxa uu inta badan samayn jiray subaxdii, oo inta uu goor hore kaco uu saacad ku qaadan jiray wax akhris iyo wax qoris.
Iskama uu socon uun ee waxa uu naftiisa u dhigay yoolal ay beegsato, waxa aanu raacay natiijada ka dhalata. Maanta dunda waxaa caan ka ah waxa loo yaqaanno naadiyada buugta, laakiin isagu 230 sano ka hor in uu abuuray naadi ay isugu yimaaddaan baayacmushtarka iyo hal-abuurku oo kaddibna ay sameeyaan aqoon iyo waayoaragnimo is dhaafsi iyo falanqayn la xidhiidha horumarinta nafahooda. La soco…