Haddii Aad Qalniin Gelayso, Dhakhtarka Ku Qalayaa Ha Noqdo Gabadh Da’deedu 60 Sano Jir Gaadhay, Sababtuna?

30
2984

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis lagu sameeyey dalka Maraykanka ayaa lagu ogaaday in xirfadda dhakhaatiirta qalniinku ay sii wanaagsanaagto mar ay da’doodu weynaato, waxa kale oo ay meesha ka saartay in ragga iyo dumarku ay ku kala fiican yihiin qalniinka. Waxa kale oo ay daraasaddu ogaatay in bukaanka u dhinta qalniinno dhakhtar dumar ahi ku sameeyey ay celcelis ahaan ka tiro yar yihiin kuwa u dhinta qalniinka dhakhaatiirta ragga ahi samayso.

Dr. Yusuke Tsugawa oo kaaliye bare-sare ka ah kuliyadda caafimaadka ee David Geffen oo ka tirsan jaamacadda California, gobalka Los Angeles ayaa warbixin ay isaga iyo dhakhaatiir jaalkiisa ahi ku faafiyeen Joornaalka caafimaadka ee Ingiriiska ‘British Medical Journal’ (The BMJ) waxa ay ku sheegeen in tirada bukaanka geeriyooda bisha ku xigta qalniinka ay hoos u dhacdo mar kasta oo dhakhtarta qalniinkaas ku sameeyey ay da’diisu weyn tahay. Dr. Tsugawa oo taleefanka ugu warramay wakaaladda wararka ee Reuters, qaybteeda caafimaadka ayaa yidhi, “Tirada ugu yar celcelis ahaan ee bukaanka qalniin lagu sameeyey u geeriyooday, waxa ay noqotay qalniinnada ay sameeyeen dumar ku jira da’da lixdameeyaha”

Intii ay tijaabada daraasaddani socotay waxa ay cilmibaadhayaashu si gaar ah ugu kuur galeen xaaladda dhimasho ee 30 kii maalmood ee ugu horreeyey qalniinka kaddib ku timid bukaanka, intii u dhexeysay sannadihii 2011illaa 2014. Waxa aana daraasadda tijaabadeeda ka qaybgalay 892 kun iyo 200 oo bukaan ah oo dhammaantood lagu sameeyey qalniino kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here