Hargeysa (Geeska)- Hurdo la’aanta oo keliya ma’aha sababaha keena tamar la’aantu, balse waxaa jira wax yaabo yaryar oo badan oo aynu samayno, kuwaas oo jidh ahaan iyo maskax ahaanba daal iyo burbur badan innagu keena, haddaba qormadeenan waxa aynu ku soo qaadanaynaa qaybtii saddexaad ee caadooyinka ay khubaradu sheegeen in aanay fiicnayn oo ay keenaan daal iyo burbur, waxa aanay yihiin:
– Buun buuninta badan iyo ku talax tagga: Haddii marka uu maamulahaaga shaqadu shir degdeg ah kuugu yeedho aad markaba u qaadato in uu shaqada kaa eryayo, ama aad ka baqdo in aad gaadhigaaga kaxayso meelaha qaar adiga oo ka warwarsan in aad shil gasho iyada oo baabuurta kalaba si caadiya u marayso, waxa aad ogaataa in aad qabto cudurka ay khubarada caafimaadka nafsiga ahi afka qalaad ku yidhaahdaan Catastrophizing taas oo ah in qofku uu mar kasta niyadda ku hayo in xaaladda uu joogo mid ka xumi ay dhacayso. Xaaladdani qofka waxa ay ka dhigtaa qof aan waxba qabsan karin maskax ahaanna mar kasta niyad jabsan. Haddii ay maskaxdaada arrintan oo kale ku soo dhacdo inta aad xoog u neefsato waxa aad nafta weydiisaa sida ay waxan xun oo keliyi u dhici karaan ee aanay wax fiican u filan karin.
Dawada ugu fiican ee aad kula dagaalami karto cudurkan Catastrophizing; waa adiga oo bulshada dhex gala oo iska ilaaliya guri joogga kelida ah, jimicsi aad samayso, dhibta aad tabanayso oo aad saaxiibkaaga dhow la kaashato, waayo waxaa laga yaabaa in uu ku caawiyo iyo adiga oo mar kasta naftaada u sheega in aanay khayaaliga iyo malo-awaalka isu dhiibin.
– Quraac la’aanta: Cuntadu waa shidaalka jidhka, marka aad seexatana jidhku weli shaqada waa uu sii wadaa isaga oo isticmaalaya cuntadii aad siisay, shaqooyinkaas waxaa ka mid ah in dhiiggu si dabiici ah u wareego iyo in neefta muhiimka ah ee Oxygen ay gaadho dhammaan qaybaha iyo unugyada jidhka ee u baahan, sidaa awgeed marka aad subaxdii kacdo jidhku waxa uu u baahan yahay in shidaal dambe lagu shubo, quraacda ayaana ah shidaalkaas oo haddii aad ka booddo waxa aad filataa daal iyo daal nafsi ah iyo caajis aanad wax qabad diyaar u ahayn.
Weliba waxaa muhiim ah quraacda ay ku jiraan midhuhu sida cuntooyinka laga sameeyo gallayda sida boorashka, iwm, cuntooyinka duxda (Dufanka caafimaadka qaba), cuntooyinka barootiinta leh, khudradda, caanaha aanu dufanku ku badnayn, beedka, iwm.
– Cuntada aan nafaqada lahayn: Cuntada ay sonkortu ku badan tahay, waxa ay badisaa macaanka dhiigga, waxa aanay sababtaa burbur iyo daal nafsi ah. cuntooyinka fiican waxaa ka mid ah digaagga oo welib ah ka duban laakiin iska jir ka la shiilo, baradhada, saladhka iyo khudradda iwm.
– Waxa aanad odhan karin ‘MAYA’: Waxa aad ogaataa in raalli gelinta dadka iyo ka farxintoodu ay kaaga baahan tahay tamar iyo in aad marar badan adigu farxaddaada iyaga u hurto. Haddii ay tahay macallinka carruurtaada oo kaa dalbada in aad keeg iy cunto fudud u soo samayso dhammaan ardayda ay isku kooxda yihiin, ama maamulahaaga shaqada oo kaa dalbada in aad maalinta jimcaha ee fasaxa aad tahay shaqayso, waxa aad ogaataa in ay fiican tahay in aanad mar kasta “HAYE” odhan, naftaada ku tababar in ay mararka qaarkood, “MAYA” tidhaahdo. Haddii kale waxa aad naftaada u horseedi doontaa diiqad iyo calool xumo joogto ah oo aakhirka kugu keenta daal iyo caajis nafsi ah oo aad danahaaga ka qabsan kari weydo.
Xafiiska aad ku shaqayso ayaan habaysnayn: Miiska aad ku shaqaynayso oo aan habaysnayn ama aad u fool xun iyo xafiiska oo isku dhex qubani waxa ay nafta ku beeraan daal iyo niyad jab caqabad ku noqda wax-qabadkaaga, isla markaana xakameeya awoodda ay maskaxdaadu u leedahay in ay lafa-gurto warka ay hayso, sidaas waxaa lagu xaqiijiyey cilmi-baadhis ay samaysay jaamacadda Princeton ee dalka Maraykanka. Marka aad shaqadaada dhamaysato maalin kasta waxa aad ku dadaashaa in aad kala nidaamiso xafiiskaaga, isla markaana nadaafaddiisa meel ku ogaato si subaxda dambe aad shaqada ugu bilowdo iyada oo naftu ku faraxsan. La soco..