Hadal Jabuuti Ka Soo Yeedhay Oo Shaki Diblumaasiyadeed Ka Abuuray Somaliland & Heerka Khilaafka U Dhexeeya Labada Dawladood

0
131

Jabuuti (Geeska) – Dawladda Jabuuti oo xilligan khilaaf ka dhexeeyo JSL, ayaa ka hadashay Jidka isku xidhaya Lawyacaddo iyo Boorama. Jidkan oo dhaqaalaha ku baxaya ay Somaliland ugu deeqayaan Midowga Yurub, Baanka Adduunka iyo Baanka Horumarinta Afrka, ayaa waxa ka hadashay Dawladda Jabuuti, waxayna sheegtay inay ku dhawaaqayso In Hay’adaha Maalgelinaya dhismaha Waddadaasi ay ballan-qaadeen inay meesha ka saaraan raagitaanka lacagta ay ugu talo-galeen dhismaha jidkaasi. Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas  Muuse Dawaale oo qoraal ku baahiyey bartiisa X ama Twitter-ka, ayaa yidhi “Waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo in Wada-hawlgalayaasha EU, Bangiga Adduunka & AfDB ay diyaar u yihiin inay qaadaan Farqiga Maaliyadda. Waa inaan si deg-deg ah dadkeena u gaadhsiino faa’iidada waddooyinkaasi laga filayo Somaliland ee qaybta Lowyacaddo illaa Saylac..” Hadalkan ayaa loo arkaa mid siyasaded, laakiin Jabuuti ay ku doonayso inay carqaladayso dhismaha jidka isku xidhaya Lowyacaddo illaa Boorama. Diblumaasiyiin falanqeeyay hadalka Wasiirka Maaliyadda Jabuuti, ayaa ku macneeyay in Jabuuti ka shaqaynayso inay soo celiso xidhiidhkii ka dhexeeyay Somaliland, ka hor heshiiska badda ee ay la gashay Itoobiya. Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas

Muuse Dawaale oo hore uga hadlay khilaafka Jabuuti & Hargeysa, ayaa sheegay in Dawladuhu yaqaanaan sida ay u xidhiidhaan haddii khilaaf soo kala dhex galo.

Hase-yeeshee, diblumaasiyiin kale ayaa shaki weyn ka muujiyey hadalka Wasiirka Maaliyadda Jabuuti ee cusub, maaddaama oo Madaxda Jabuuti ay hadallo iska hor-imanaya kaga hadlayaan arrimaha Somaliland, sida inay ka soo horjeedaan heshiiska ay la gashay Itoobiya, halka kuwo kalena sheegayaan inay horumarka Somaliland taageerayaan, taasi oo shaki leh, marka laga qiyaas qaato heerka uu marayo khilaafka labada dal