Dawladda Itoobiya Oo Baarlamaanka U Gudbisay Heshiiska Ay La Gashay Somaliland

0
147

Addis Ababa (Geeska) – Wasiirka Gaadiidka iyo saadka Dawlada Itoobiya, Alemu Sime, ayaa Shalay baarlamaanka dalkiisa horgeeyay heshiiska ay Itoobiya la gashay Somaliland, heshiiskaas oo ku saabsan, in Itoobiya ay saldhig Ciidan ka hesho badda cas ee Somaliland.

Alemu Sime, ayaa xildhibaanada u sheegay in heshiiskii is-afgaradka ahaa (MoU) ee Itoobiya iyo Somaliland ee January 01 uu ka dhigan yahay heshiis  dhab ah  oo Itoobiya ka caawinayo helitaanka marin-badeedka.

“Tani waxay ka dhigi doontaa rabitaanka Itoobiya ee ah helitaanka marin badeed, taasoo keenaysa isbeddel aasaasi ah waxqabadka saadka iyo iskaashi cusub,”  ayuu yidhi wasiirka gaadiidka Itoobiya.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii Mac-hadka Arrimaha Dibadda ee dalka Itoobiya uu marti galiyay wada-hadalladii 2-aad ee Badda Cas, kaas oo ka dhacay magaalada Addis Ababa, hal ku dhiggiisuna uu ahaa baahida Iskaashi Goboleed ee badda cas.

Madaxa fulinta machadka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Jacfar Bedru oo warbaahinta la hadlay, ayaa ka hadlay muhiimada ay Itoobiya u leedahay gobolka Bada Cas, wuxuuna sheegay in Itoobiya ayna marnaba ka tanaasuli doonin doonisteeda badda cas.

“Itoobiya iyo badda cas waxaa ka dhaxeeya xidhiidh taariikhi ah. Itoobiya waligeed waxay halgan taariikhi ah ugu jirtay badda cas, waana arrin ku xidhan

jiritaankeeda. Waddamada dariskeenna ah waxaa ka go’an inay meesha ka saaraan doonisteenna badda cas” ayuu yidhi Jacfar Bedru.

Jacfar Bedru oo hadalkiisa sii wata ayaa ku eedeeyay wuxuu ugu yeedhay cadowga Itoobiya ee taariikhiga ah, inay maleegayeen sidii Itoobiya looga saari lahaa wada hadallada ku saabsan badda cas.

Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya ayaa doonaysa inay ka dhabayso fulinta heshiiska ay la gashay Somaliland, kowdii bishii January ee sanadkan, kaasoo ku saabsan in Itoobiya ay qeyb ka hesho badda cas isla-markaana aqoonsato Somaliland.

Dhanka kale, Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda ee Somaliland Rooda Jaamac Cilmi oo ka hadashay heshiiska la hor-geeyay Baarlamaanka Itoobiya,

ayaa tidhi “Qaar ka mid ah daawadayaasha, gaar ahaan kuwa ka soo horjeeda horumarka wanaagsan ee Geeska Afrika, ayaa laga yaabaa inay u arkaan (Heshiiska loo gudbiyey Baarlamaanka) mid aan raali-gelin, Laakin reer Somaliland iyo Itoobiya, ereyadan wasiir Alemu Sima, waxay calaamad u yihiin bog cusub oo taariikhda Afrika ah, oo kolkuu rumowdo keeni doona barwaaqo iyo xasilooni mandaqada ah