Hadal isugu jira Xaal-siin Wasiir. Maxamed Kahin, Talo u soo jeedin Madaxweyne iyo mid guud oo shacabka S/Land ku aaddan

22
3331

Abdi Halim M. Musa

Anigoo in muddo ahba iska ka gaabsaday arrimaha siyaasadda iyo kuwa dhaqankaba, sababo aan mar kale ka warrami doono awgood, waxaa maanta nusqaan iigula muuqatay inaan ka aamuso ama ka hadal la’aado arrimaha maalmahan soo noqnoqday ee ka dhashay madaxdhaqameedka hadalada foosha xun ee qabyaaladda iyo turxaanta leh isugu jawaabay markii dambena lasii kordhiyay ee baraha bulshada lagu sii faafiyay.

Waxaan marka hore aad u soo dhawaynayaa una mahdnaqayaa Suldan Ismaciil Suldaan Cabdiraxmaan iyo Suldaan Mawlid Sabeyse sida milgaha iyo sharafta leh ee ay u garteen hadalkii Suldaan Xassan Suldaan Cabdillahi ee xamaasaddaa kacday horseedka u ahaa inay ka xaal bixiyaan oo cid kastoo dhibsatay ay ka shaafiyaan. Waxaanan rajaynayaa in lagu wada qancay oo dhammaanba intii hadalkaa qoonsatay ay guddoomatay xaalkaa iyo raalligelintaas.

Waxaan kaloo jecelahay inaan halkan ka raalligeliyo oo ka xaal siiyo Wasiir Mohamed Kahin Ahmed oo aan si weyn uga damqanayay hadaladii aan munaasibka ku ahayn ee odayaashaydii aanu tolka ahayn kula dul kufeen kuwaasoo markaan qaarkood waraystay si qaldan loogu warramay.  Maxamed Kaahin waxaan qabaa intaan ka bartay inuu yahay shakhsi ballaadhan oo kaalinta loo dhiibay aan is leeyahay waa masuulkii ugu habboonaa (the right person). Waxaan qabaa inuu yahay masuul aqoon badan dadka iyo dalkaba u leh oo ummada isu soo jiida kara. Xilkaana hadday noqoto xag amni iyo mid maamulba uu khibradeedii, odeynimeedii iyo degenaanshaheediiba leeyahay.

Wasiir Maxamed waa nin dalkan tacab badan ku leh taariikhdiisana si wacan loo wada garanayo kana mid ah ashkhaasta birmageydada ah ee xurmada inaga wada mudan.

Maxamed waxan jecelahay inuu xaalkaa iga guddoomi doono. Inshaa Allah sidaan ka codsaday qaar ka mid ah odayaashii hadalada deelqaafka ahi kaga yimaadeena iyana raalligelin ayay ka saameyn doonaan wararkaa sida xun loogu tabiyay iyo hadaladii xanafta lahaa ee ay kaga jawaabeenba.

Intaa ka dib waxaan xukuumadda, gaar ahaan madaxweynaha, u soo jeedinayaa inaan fursad la siin sabab kasta oo cadawgeennu ka dhex faa’iidaysan karo, isla markaana uu u tanaasulo wixii macquul ah ee ay ka tabanayaan xisbiyada macaaradka iyo taageerayaashoodu. Madaxweynuhuna waa inuu marwalba ummadiisa u muujiyaa kalsooni iyo caddaalad iyo inaan cid ama reero gaar ahi iska xigsiin inta kale.

Waana geesinimo inuu ninku, ama madaxweyne ha ahaado ama masuul kale ha ahaadee, uu ka garaabo oo ummadiisa ka bogsiiyo wixii hadal ama ficil qoonsi leh ee intii kaambeynka lagu jiray ka dhacay.

Shacabka reer Somaliland-na waxaan guud ahaanba leeyahay dalkani cadow badan oo aan guul iyo nabadgelyo u ogolayn ayuu leeyahay. Sidaa darteed waa in laga gudbaa hadalada ummada kala fogaynaya cadowgana ka farxinaya, meelna looga soo wada jeestaa wixii ina midaynaynaya.

Waa in laga gudbaa erayadii loolankii kambaynka iyo xanaftii doorashada oo sidii la isugu hanneeyay  loola shaqeeyaa, fursad iyo waqtina la siiyaa xukuumadda uu maanta gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi si looga gudbo caqabadaha iyo dhibaatooyinka tirada badan ee maanta waddanka dhex yaala ee nabadgelyadii iyo noloshiiba halista ku ah.

Walaalayaal waddankan cidina cid kama yeelan karto, qofkii sidaa u fekera ee cid iska xigsiiyaana waa qof iska riyooday oon caqli badani ku jirin. Siyaasaduna gelin iyo daqiiqado ayay isku badashaa, waxaana gusheeeda hela qofka u samra ee maalintiisa suga.

Waxaan bulshadayda usoo jeedinayaa wada jir iyo in gacmaha la isu qabsado oo la wada difaaco qaranimada somaliland. Wixii dhexdeenna ahna aan uga wada hadalno si turxaan la’ oo lexejeclo ku jirto.

Waxaan kusoo gabogebeynayaa midho ka mid ah maansadii  Marxuum Gaarriye (AHUN):

Rag uu ka dhexeeyo Geel

Hadduu kala geeyo damac

Waxa isu geysa dane

Allow garansii nin moog.

Galool mudhay oo farcamay

dhudaha goonyaha u fiday

Hadday kala gaar yihiin

Guntay ka midaysan yihiin

Haddaad gorod diidan tahay

Ku koob dirirtaada gorod

Ha nicin gobolkuu ka yimid

Ha Giijin Xadhkaha ha jarin.

Ha goynin Waxa la isku yahay.

Somaliland Guul

Abdi Halim M. Musa

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here