Hababka Ugu Fiican Ee Xal Loogu Heli Karo Khilaafyada Lammaanaha Soo Dhexgala

0
354

Waa hubaal in lammaane kasta oo qoys ahi ay marayaan waqtiyada qaar uu khilaaf soo dhexgalo, waxa uu noqdaa khilaaf fudud oo isagu is xalliya iyo mid u baahda in ay si rasmi ah uga wada hadlaan xalna u raadiyaan, waxa kale oo uu noqon karaa khilaaf faraha ka baxa oo u baahda in cid kale soo farageliso ama keenaba in qoysku burburo.

Xeeldheereyaasha iyo waayoaragga cilmiga bulshadu aad ayaa ay uga hadlaan khilaafaadka qoyska iyo siyaabaha ay la tahay in loo xallin karo, waxaa ka mid ah hababka aynu ku soo qaadanayno qormadan oo aynu ka soo qaadannay maqaal ay Ada Nuno ku faafisay majaladda afka Spanish ka ku hadasha ee El Confidencial.

Khilaafka qoyska haddii aanay lammaanuhu si buuxda xal ugu helin, waxa uu abuuraa diiqad nafsadeed, soo noqnoqshadiisuna waxa ay burburin kartaa caafimaadka labada qof, waxa aanu marar badan sababaa in labadooda ama midkood ay ku dhacaan xanuunnada aan dawada lahayn, iyada oo ay daraasado badan oo caafimaad caddaynayaan in uu xidhiidh adagi ka dhexeeyo khilaafka qoyska iyo xanuuno ay ka mid yihiin wadne xanuunka, iyo xanuunka Leaky gut syndrome oo ah xanuun ku dhaca midhicirada.

Arrinta xiisaha leh ee dad badani qaladka ka fahmaan ayaa ah in lammaanahana oo aanu khilaaf dhex marin ay ka dhigantahay in ay xidhiidh fiican iyo si faham sare leeyihiin. Dr. Mark Burg oo ku xeeldheer caafimaadka nafsiga ah ayaa sheegay, “Qoyska oo aanu wax khilaaf ahi soo dhexgelin in aanu macnaheedu ahayn in ay caafimaadkooda u fiican tahay, balse macnaheedu waa in labada qof midkood aanu naftiisa ku qabin kalsooni ku filan in uu knilaafkaas rayigiisa ka sheegto ama ka gartamo, sidaas awgeed aanu dhaqan u fiican caafimaadka”

Xallinta khilaafka

Inta badan marka ay lammaanuhu doonaan in ay ka wadahadlaan xal u helidda khilaafkooda waxaa soo baxda arrin kale oo ah in mid kastaa uu dib u raaco dhacdooyin muddo hore soo kala maray oo ka cadhaysiisay, taas oo ay xeeldheereyaashu sheegeen in ay xalka sii fogeynayso.

Dr. Burg waxa uu sheegay in ay jiraan laba hab oo khilaafka lagu xallin karo, iyada oo lagu kala dooranayo hadba sida ay tahay shakhsiyadda iyo dabeecadda ninka ama gabadhu; waa in aad isku daydo inaad si bahalnimo ah u dagaalanto illaa aad ugu dambaynta guulaysato, ama in khilaafka aad u ogolaato in uu weligii sii jiro, iskuna daydo in aad indhaha ka laliso waxyaabaha aad diiddo ama kaa cadhaysiiya, labada hab midkoodna dhibaatada sooma afjaro, umana fiicna caafimaadka iyo waaritaanka xidhiidhka midna.

Mar kasta oo uu khilaaf soo dhexgalo lammaanaha, waxaa muhiim ah in mid kastaa gaarkiisa uu si fiican u daraaseeyo una qeexo waxa uu yahay iyo dabeecadda runta ah ee khilaafka iyo sida oo kale sababaha keenay. Kaddibna uu bilaabo sidii ay isaga iyo lammaanihiisu si wadajir ah u xallin lahaayeen.

Sannadkii 2011 kii majaladda ‘Dabiibka jinsiga ah iyo lammaanaha’ (Journal of Sex & Marital Therapy)  ayaa faafisay natiijada daraasad sheegaysa lammaanaha caadaysta in khilaafkooda ay xal ugu raadiyaan wadajir iyo iskaashi , in ay ku noolaadaan nolol qoysnimo oo raaxo badan.

Baro sida loo cudurdaarto

Dadka qaar ayaa aaminsan been ah in aanay sax ahayn in labada qof ee is jecel ay is raalligeliyaan. Waxaa hubaal ah in cafis aad ka dalbato mataankaagu ay tahay habka ugu fiican ee khilaafka lagu daweyn karo. Laakiin dhinaca kalana waxaa muhiim ah qofka raalligelinta bixinayaa aanu u fahmin ama doonin in raalligelintaasi ay bogsiiso khilaafkii oo dhan, marka uu kelmadda ‘Waan ka xumahay’ yidhaahdana dhibtii oo dhami soo afjarmayso. Waxa ay xeeldheereyaasha cilminafsigu sheegayaan in arrimaha dhibaatada ugu badan ka dhex abuura lammaanaha ay ka mid tahay, in midkood uu qaladkiisa si iska dul mar ah raalligelin uga bixiyo, isaga oo aan isku dayin in uu fahmo sababta qaladkan marka hore keentay ama cadhadaba dhalisay, kaddibna uu doono in ereygaasi noqdo dawada wixii jiray oo dhan. Waxaa muhiim ah in la raadiyo dhibta sababteeda kaddibna xalkeeda uu qofku ka fikiro, raalligelintuna taas fure u noqoto.

Cilmibaadhis la sameeyey sannadkii 2013 kii, waxaa lagu ogaaday in qofku haddii uu dareemo in uu mataankiisa ka helay raalligelin ku habboon qaladka uu tirsanayey in ay taasi u fududaynayso in uu si dhaqso ah oo fudud uga gudbo cadhadii iyo calool xumadii ka haysay gefka lagula kacay.

Taas macnaheedu ma’aha in labada qof uu midkood si joogto ah dusha ugu rito eedda, isaga oo doonaya in xal la gaadho, balse waa in qofku uu qaato masuuliyaddiisa oo run ah, si ay taasi qayb uga noqoto xal raadinta. Waxa kale oo ay xeeldheereyaashu sheegayaan in tallaabadani aanay ahayn mid ay qasab tahay in qofku uu qaado isla marka uu qaladku dhaco, waayo waxaaba dhacda in qofka raalligelintaas markaba ah la siiyaa uu u qaato in ay tahay niyad u dhis aan qalbiga ka iman, sidaas awgeed waxaa muhiim ah in marka uu khilaaf dhaco ay labada qof mid kastaa gaarkiisa u soo qaato waqti uu isku weydiiyo waxa dhacay iyo sida loo daweyn karo, kaddibna ay isaga yimaaddaan sidii ay xal si deggen ugu wada raadin lahaayeen. Markaas ayaa ay xeeldheereyaashu sheegeen in ay aad ugu dhowdahay in qofka la raalligeliyey uu dhaqso u qaato raalligelinta.

Albaabka ha isku xidhin!

Lammaanaha qoyskoodu cusub yahay, waxa inta badan jira dhinacyo ka baxsan oo taageero nafsi ah ay ka helaan, tusaale ahaan qoysaska iyo saaxiibbada, sidaas awgeed khilaafku dhaqso ayaa uu u demaa waxaana laga yaabaa in walaaca iyo qulubka khilaafku uu kaga yar yahay kuwa aan iyagu haysan cid kale oo ay ula tagaan khilaafkooda ama muddo qoyska ahaa ee ay adagtahay in ay cid kale soo dhexgasho.

Waxa kale oo ay xeeldheereyaashu ku taliyeen in ay fiican tahay in ay jirto cid saddexaad oo khilaafka xal u raadintiisa la soo gelin karo, gaar ahaan marka uu yahay khilaaf weyn. Waxa ay sheegeen in aragti saddexaad oo labadooda ka baxsani ay keeni karto in ay fahmaan xaqiiqada khilaafkooda. Gaar ahaan waxaa fiican in qofka saddexaad uu noqdo ruux lagu tuhunsan yahay waayoaragnimo iyo xirfad dhinaca xidhiidhka ah.

Ereyada aad odhanayso ka feejignoow

Lammaanaha mid kasta waxaa la gudboon in uu ka feejignaado ereyada uu odhanayo marka uu khilaaf soo dhexgalo. Tusaale ahaan in uu ka fogaado hadallada khilaafka iyo muranka sii hurinaya. Sida ugu fiicanina waa in dhaqso hadalka loo jaro oo qof kastaa uu soo qaato waqti uu ka soo fikiro waxa dhacay iyo sida loo xallin karo. Isla markaana uu fahmo qaladkiisa iyo qaladka uu qofka kale ka tirsanayo. Markaas kaddibna ay bilaabaan ka wada hadalka xal u helidda khilaafkooda iyaga oo raadsanaay dood maangal ah kana fogaanaya qaylada iyo cadho abuurka.

Waxa ay xeeldheereyaashu aaminsan yihiin in wadahadalka khilaafka xalliyaa uu yahay kan ay labada qof ka dheeraadaan is canaanashada iyo in mid kastaa uu kan kale la jeclaado in uu dembi qirto ama eedda waxa dhacay dusha u saaro. Waxa habboon in qofku uu ku dheeraado dareenka uu qabo ee niyadwanaagga ah iyo sida ay dhacdadani u dhaawacayso dareenkiisaas, si qofka kale u fahmo dhibaatada uu gefku ku keeni karo mustaqbalka xidhiidhkooda.

Tusaale ahaan in labada qof oo midkood taleefanka kan kale ka qaban waayey kaddibna cadho iyo khilaaf ka dhashay la xalliyaa, waxa ay ku fiican tahay in halkii uu midkooda laga qaban waayey talefanku uu ku celcelin lahaa in uu qofku qaato eedda waxa dhacay iyo dembiga oo ah in talefanka uu qaban waayey, ay ka fiican tahay in uu ka hadlo dareenkiisa ka dhashay qabasho waagaas taleefanka. “Wehel la’aan iyo cidlo ayaan dareemaa marka aad ka mashquusho in aad taleefanka iga qaban weydo” ayaa ka fiican in uu yidhaahdo, “Maxaad ka ku mashquul tahay mar kasta ee aad taleenka iga qaban weydaa?!” midda hore waxa ay qofka ku kallifaysaa in uu dareenkiisu dabco oo ka xumaado dhaawaca uu dareenkaaga gaadhsiiyey, sidaas awgeed dhaqso ayuu u bilaabayaa in uu raalligelin bixiyo. Laakiin hadalka dambe waxa uu qofka ku abuurayaa dareen ah in uu is difaaco, isaga oo u arka in la aaminsan yahay in aanu waxba hawl ah oo kale qaban.

Waxa kale oo fiican in lammaanuhu ay marka horeba ku heshiiyaan in khilaaf kasta oo soo dhexgala aanay ka wada hadal illaa uu waqti ka soo wareego oo mid kasta ay cadhadu ka degto. Taasi waxa ay keenaysaa in marka cadho soo dhexgasho uu mid kastaa is xakameeyo isaga oo og in dib laga wada hadli doono la isna qancin doono. Muddada wadahadalka la sugayana cadhadii waa ay dhammaanaysaa oo waxaaba dhici karta in mid kastaa ka khajilo macnadarrada waxa ay isku hayeen.