Haayada GAVO Oo Qabatay Tababar Kor Loogu Qaadayo Tayada Adeegyada Caafimaad Ee Xarumaha Dhimirka

0
595

Picture1Hargeysa(Geeska):-Haayada wadaniga ah ee GAVO ayaa tobabar kor loogu qaadayo adeegyada dhinaca caafimaadka xanuunada dhimirka ah u qabatay 25-qof oo ka kala socday xarumaha dhimirka ah ee lagu xanaaneeyo dadka qaba xanuunada dhimirka.

Tobabarkan oo soconaaya muddo laba cisho ah isla mar ahaantaana ay soo qaban qaabisay Haayada GAVO oo ay iska kaashanayaan Haayada GRT oo ka shaqaysa xanuunada dhimirka ah ayaa lagu qabtay Hotel Summer Time ee magaalada Hargeysa.

Madaxa Mashruuca xanuunada Dhimirka ah ee Haayada wadaniga ah ee GAVO Mr:Cabdirashiid Cabdilaahi Ismaaciil oo halkaasi ka hadlay ayaa faah faahin ka bixiyey u jeedada tobabarkan ay u qabteen,waxaana uu sheegay in ay uga dan leeyihiin sidii kor loogu qaadi lahaa tayada adeegyada ay bixiyaan xarumaha caafimaadka ee u adeega dadka qaba xanuunada Dhimirka.

"Waxaanu soo qaban qaabinay tobabarkan oo soconaayey muddo laba cisho ah iyada oo aanu kor ugu qaadayno xirfada dadka ka hawl gala goobaha adeegyada Caafimaadka ee Dhimirka ee ka furan gobalka Maroodi Jeex,dadka aanu isagu yeedhnayna ay tiradoodu tahay 25-qof oo ka hawl gala Xarumaha dadka Xanuunka dhimirka qaba lagu xanaaneeyo ee Magaalada Hargeysa,waxaanu doonayna in aanu kor u qaadno tayada Xirfadooda si ay dadka ay u adeegayaan ay u helaan adeeg wanaagsan ama shaqo wanaagsan,waxaana ay labada cisho ku baran donaan Xanuunada dhimirka wax yaabaha ay u kala baxaan,Calaamadaha lagu garto iyo sida lagu ogaado oo ah in Xog laga Ururiyo oo warbixin laga qoro qofka Xanuun sanaaya Calaamadihiisa Xanuun walba,Labada Cisho oo ay maanta(Shalay)kow tahay iyo Beri(Maanta) ayaa uu tobabarkani ku eeg yahay,maahana tobarbarkani markii ugu horeysay ee aanu qabano oo aanu sidan oo kale isagu yeedhno dadka ka hawl gala Xarumaha Caafimaadka dhimirka oo imika mudooyinkii ugu danbeeyeyba haddaanu nahay ururka GAVO waxaanu ku hawlanayn ka shaqaynta Xanuunada dhimirka ee Somaliland markaa aad ayaanu ugu farax sanahay in aanu qabano tobar noocan oo kale ah,waxaana naga gacan qabatay oo aanu iska kaashanay ururka caalamiga ah ee GRT oo isna ka shaqeeya arrimaha dhimirka"Ayuu yidhi Mr:Cabdirashiid Cabdilaahi Ismaaciil.

Mr:Cabdirisaaq Maxamed Warsame oo ah madaxa mashruuca xanuunada dhimirka ah ee Haayada GRT oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu dhankiisa tafaasiil ka bixiyey u jeedada ay tobarkan  uga qayb qaadanayaan isaga oo tilmaamay in ay ka Haayad ahaan ay ka shaqeeyaan sidii ay dadka xanuunada dhimirka ah qaba ay goobaha lagu xanaaneynaayo uga heli lahaayeen daryeel caafimaad oo aad u heer sareeya.

Cabdirisaaq Maxamed Warsame"Haayada GRT waa haayada Talyaani ah oo imbadan ka shaqaynaysay Xanuunada dhimirka,waxaanu halkan maanta ka wadnaa tobabar loogu tala galay sidii kor loogu qaadi lahaa adeega Caafimaadka dhimirka oo aanu halkan isagu keenay dhamaanba Xarumaha Caafimaadka ee ka shaqeeya Xanuunka Dhimirka ee ka jira magaalada Hargeysa,waxaana uu tobabarkani uu qayb ka yahay tobaradii aanu hore u samayn jirnay waxaana wada wada Haayadaha GRT,GAVO,iyo Wasaarada Caafimaadka Somaliland”ayuu yidhi Mr:Cabdirisaaq Maxamed Warsame.