Midhihii Guusha Xamaas: Heshiis Falastiiniyiintu Ku Farxeen Oo Shalay Dhex Maray Israa’iil Iyo Falastiiniyinta

0
768

Picture2Qaahira (Geeska)- Waxaa xalay 8-deedii fiidnimo ee saacadda bariga Afrika, Marinka Qaza ee Falastiiniyiinta iyo Israa’iil ka dhaqan galay heshiis xabbad joojin waarto ah oo dhex maray kooxaha wax-iska-caabbinta reer Falastiin oo ay hormuud u yihiin ururka Xamaas iyo xukuumadda Israa’iil. Heshiiskan oo marka loo eego mawqifka marka hore labada dhinac kala taagnaayeen u muuqda in uu mucjiso yahay, ayaa waxaa qodobbadiisa ka mid ah:

– In si degdeg ah loo furo dhammaan marinnada u dhexeeya marinka Qaza iyo Israa’iil, si ay u fududaato in gargaarka bani’aadamnimo iyo qalabka dhismuhu ay dhaqso u gaadhaan Marinka Qaza.

– In dhaqso loo bilaabo caawimada iyo dib u dhiska marinka Qaza ee weerarrada Yuhuuddu sida aadka ah u burburiyeen.

– In Falastiiniyiinta Kalluumaysatada ah oo hore baddu uga xidhnayd loo ogolaado in ay ka kalluumaystaan masaafad dhan illaa 10 kilomitir oo ah badda Marinka Qaza.

– In la xalliyo mushkiladda laydh la’aanta ee Marinka Qaza, kadib markii Israa’iil ay duqayn ku burburisay warshaddii laydhka siin jirtay Qaza.

– In Israa’iil ay joojiso xad gudubyada, iyo gudo galka ay ciidamadeedu ku samaynayaan Marinka Qaza.

Heshiiskan oo uu wargeyskan Geeska Afrika ka soo xigtay Al-Jazeera oo qaybo ka mid ah soo bandhigtay waxa kale oo uu dhigayaa in dib loo dhigo ka wada hadalka qodobbada is-mari-waagu ka jiro oo ay ka mid yihiin furitaanka dekeddad iyo gegida diyaaradaha ee magaalada Qaza, taas oo ay marka hore aad ugu dheggenaayeen Falastiiniyiintu balse Israa’iil ku doodayso in ay ka cabsi qabto in hub ay soo marsadaan ururrada wax-iska-caabbinta ee reer Falastiin, iyo qodobka khuseeya in laga wada hadlo masiirka iyo is-weydaarsiga maxaabiista, qodobkan oo ay Israa’iil aad u doonaysay in wada hadalkan hadda lagu soo daro, balse Falastiiniyiintu diidanaayeen kuna doodayeen in ay u baahan tahay in mar dambe si gaar ah qodobkaas looga wada hadlo, iyaga oo ka cabsi qabay in haddii heshiiskan lagu daro laga qaato go’aan ay ku beddelanayaan wax ka yar inta ay ku doonayaan maxbuuska reer Israa’iil ee ay hayaan, labadan qodob waxaa la isla qaatay in wada hadalkooda la isugu yimaaddo Lix bilood gudahood, kadib marka uu heshiiska xabbad joojintu si fiican u dhaqan galo, iyada oo dowladda Masarna ay labada dhinacba siinayso damaanad qaad ah in qodobbadaas laga sii wada hadli doono oo aan halkaa lagu illaawayn.

Muuse Abu Marsuuq oo ah ku-xigeenka guddoomiyaha xafiiska siyaasadda ee ururka Xamaas ayaa sheegay in hadda waxa la gaadhay uu yahay is-faham ah in xabbad joojin la sameeyo, Isaga oo qiimaynaya culayska ay qodobbada la isla gartay u leeyihiin dhinaca Falastiiniyiintana waxaa waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxa ay tani muujinaysaa awoodda adkaysiga shacabkayaga, iyo guusha ay gaadhay wax-iska caabbintu” dhinaca kalana afhayeenka Xamaas Abu Zuhra ayaa mar uu warbaahinta la hadlay sheegay in Xamaas ay muujisay miisaankeeda, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Israa’iiliyiinta deggen deegaannada ku teedan Qaza, hadda kadib waa ay ku soo noqon karaan guryahoodii ay ka qaxeen.. go’aanka ay ku soo noqonayaanna waxaa iska leh Xamaas ee ma’aha go’aan ka yimi oo uu fulin karo raysalwasaarahooda Benjamin Netanyahu” Abu Zuhri waxa uu sheegay in go’aanka Israa’iil ay dhowaan gaadhay ee ah in la sameeyo guddi heer qaran oo soo baadha hawl-gudashada iyo kartida ciidamada Israa’iil ee dagaalka Qaza ay marag cad u tahay guusha wax-iska-caabbintu gaadhay.

Abu Zuhri waxa uu sheegay in heshiiskani uu yahay mid taariikhi ah maadaama oo sida uu ku dooday uu soo hooyey guul ay hore u soo hoyn kari waayeen ciidamada Carabta oo isku dhami, waxa aanu tiriyey qaar ka mid ah guulaha ay Xamaas dagaalkan ka gaadhay oo ay ka mid yihiin, “In ay xayiraad cirka ah saartay Israa’iil kadib markii diyaaradihii dunidu iyaga oo ka baqanaya gantaalaha Xamaas ay joojiyeen duulimaadyadii ay ku tegi jireen Israa’iil, in ay gantaalaha Xamaas markii abid ugu horreysay gaadheen goobo aad u muhiim ah, in Malaayiin Yuhuud ahi ka qaxeen guryahoodii oo ay maalmo badan ku baryeen gabboodyo dhulka hoostiisa ah iyo in ay jabiyeen haybaddii ciidamada Yuhuudda ee ay Israa’iil u bixisay magaca ah, ciidanka aan la muquunin. Ugu dambayntii afhayeen Xamaas waxa uu ku dooday in heshiiskan qiimihiisu aanu ahayn in la furayo marinnadii Qaza galayey oo keliya, balse uu muujinayo in la fuliyey intii badnayd ee dalabaadkii ay Falastiiniyiintu la tageen miiska wada hadallada.  Waxa aanu ku soo gabagabeeyey in guushani ay bilow u tahay jidka lagu xoraynayo Qudus.

Heshiiskan oo yimi xilli saacado yar ka hor uu gantaalkii ugu dambeeyey ee ay Falastiiniyiintu ku rideen Israa’iil dilay Laba askari oo Yuhuudi ah saddex kalana ku dhaawacay, ayaa dadka arrimahan  falanqaynayaa ay ku tilmaameen in uu laba guulood oo is barkan u yahay Falastiiniyiinta, taas oo ah in Israa’iil oo jebin kari weyday isku duubnimada Falastiiniyiintu ay u hoggaansantay in ay qaadato qodobbo badan oo nusqaan ku ah sarraynteeda, sida in lagu qasbo in ay xuduudkeeda u furto Qaza, iyo guusha labaad oo ah in ururradani ay Masar oo marka hore ka indho lalinaysay, kuna tilmaamtay argagaxiso ay ku qasbeen in ay la fadhiisato, ballan-qaadyo u samayso, lana saxeexdo warqad keliya.

Tobannaan kun oo qof ayaa xalay fiidkii illaa saacadihii dambe damaashaad iyo farxad isugu soo baxay waddooyinka magaalada Qaza si ay u cabbiraan farxadda heshiiskan ay u arkaan in uu guul u yahay wax-iska-caabbintooda, waxa aanay si gaar ah ugu mahadnaqayeen ururka Xamaas oo la arkayey iyada oo afhayeenka ururka Abu Zuhra iyo rag kale oo badan ay dadku inta ay kor u qaadeen farxad la yaacayaan shaaracyada.