Ha la tartamo laakiin xaragada yaan laga tagin…Eng. Baashe Cabdi Gaboobe

0
671

download (19)Somaliland waxey qaadatey nidaamka xisbiyada badan ( Multi party system ) oo seddex xisbi ah oo ku tartama shanti sannadood mar, doorashooyinka golaha deegaanka , golaha wakiilada ( Guurtida arrinkeedu wa laalan yahey ,xeer ba qeexi doona !!! ) iyo madaxtooyada . Doorashooyin kaaso maamuladdi Somaliland soo wada marey ay ku fashilmeen iney waqtiga sharciga ah ku qabtaan , Soomaalidu waxey ku maah maah da ‘’ Meyd maxa uu dambeyeey iyo kaa imika la sii sido ‘’ waxaana ugu dambeyey fashilaadda, maamulka madaxweyne Silaanyo oo hadda ku fadhiya muddo kordhin 22 bilood ah . Haba se ahaate ,doorashooyinki hore uu dhacey sii nabad gelya ah ayey inoogu qabsoomeen marka laga reebo ti golaha deegaanka 2012 ee xukuumadda kulmiye qabatey . Haddaba mar haddi seddexda xisbi qaran ee S/L ,Kulmiye ,Ucid iyo Waddani ay tartan joogta ah ugu jiraan hanashada quluubta iyo maskaxda cod bixiyaasha reer Somaliland ‘’ winning the hearts and minds of the Somaliland electorates ‘’ ,waxa la gudboon seddexda xisbi iney dhawraan anshaxa , akhlaaqda suuban ee diinteenu inna fareyso iskana ilaaleyaan xurgufaha iyo wax allaale wixi cunfi iyo gacan ka hadal keenaya . waayo waxeynu oggnahey in kasto muddo labaatan sannadood shacabka S/L nabad ku naaloona haddana xaqiiqadu waxey tahey inaaney dawladnimadeenu caga adag ku taagneyn oo cudur qabyaalad la yidhah ragaadiyeey oo aafeyeey wada jirkeena iyo horumarkeena ba, waxana sii xoojeyey maamuladi S/L soo marey oo ku dhaqmaayey maamul xumo, qabileysi qaraaba kiil,musuq maasuq iyo cadaalad darro iwm …( Xukuumaddda kulmiyena ha ugu sii darnaatey ) .. Inkasto aynu joogno qarnigi kow iyo labaatanaad haddana madaxda axsaabta qaar markey hadlayaan waxaad moodda iney joogaan shagashanaadki qarnigi hore ( waqtiga oo taariikh madow ku ah Somaliland ) ..

Alla mahad leh ,

Eng Bashe C. Gaboobe

E mail : Gaboobe _3@hotmail.com