Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Aanu Caafimaad Qabin Oo Ay Madaxa Buro Kasoo Baxday

0
343

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa guddoomiyaha Guurtidda ku bogaadiyay inuu taageeray xeerkii goleyaasha baarlaanku ansixiyeen.

Guddoomiyaha UCID wuxuu si sidaas ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa X (Twitter) ka, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa:-

“Maanta waxaan Hambalyo iyo mahadnaaq u dirayaa Saleiman Nuur Guddoomiyaha Guurtidda sida Odaynimada iyo xilkastanimada leh ee uu xeerkii badbaado qaran u Difaacay. ”

Sidoo kale wuxuu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud aanu caafimaad ahaan dhammayn oo ay buro ka soo baxday maskaxda

“Wuxuu is deldalayaa marka isfahamka la saxeexo ee Ethiopia ku dhawaqdo Ictiraafka Somaliland,”ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Dhanka kale, Gudoomiye faysal ayaa dhawaan ka sheegay in ay dalka somaliland imanayaan guddi xaqiiqo raaadin ah, kana socda Midowga Afrika. faysal ayaa soo dhaweeyey imaatinka uu sheegay waftida ka socda midowga Afrika, taas oo uu hogaaminayo madaxwaynihii hore ee dalka Naajeriya obusajo. Madaxwaynihii hore ee Naajeeriya Obusanjo ayaa somaliland yimi sanadkii 2018ka, isaga oo si madax-madaxbaanan uga wardoon ahaa dalka somaliland.

Wararka soo baxaya ayaa iftiiminaya in khilaafka Ethiopia iyo Somalia ka bilaambay ka dib markii wada-hadalada Somaliland iyo Somaaliya ay dhanna u dhici wayeen mudo 15 sano, taas oo keentay in somaliland Arimaheeda si gaara u gasho.