Gudoomiyaha Waddani Oo Shacabka U Diray Hambalyo

0
596

Picture3Hargeysa(Geeska) :-Guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland ahna guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa shacbiga Somaliland iyo dhammaanba ummada Muslimiinta ah ugu hambalyeeyey xuska u-debbaal-degga ciidal Fidriga, waxaana uu Illaahay uga baryey in dhammaanba uu shacabka Somaliland uu sannadka sannadkiisa ku gaadhsiiyo nabad, horumar, bash bash iyo barwaaqo, waxa kale oo uu shacbiga u rajeeyey in ay sannadka sannadkiisa ay helaan ictraaf buuxa oo ka helaan beesha caalamka.

Waxaana sidan lugu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska warfaafinta xisbiga Waddani oo uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska warqabadka wargeyska Geeska Afrika, waxaana uu u dhignaa sida tan: War-saxaafadeed:

Guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland ahna guddoomiyaha xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa shacbiga Somaliland iyo dhammaanba ummada Muslimiinta ah ugu hambalyeeyey xuska u-debaal-degga ciidal Fidriga ee bisha Ramadaan. Guddoomiye Cirro, waxaa uu Illaahay uga baryeyaa in dhammaanba shacbiga  Somaliland uu sannadka sanadkiisa ku gaadhsiiyo nabad, horumar, bash bash iyo barwaaqo, intii xanuunsanaysa ee ku jirta cisbitaaladana uu caafimaad taam ah siiyo. Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxaa uu ugu danbeyntii Illaahay uga baryeyaa shacbiga reer Somaliland in ay sannadka sannadkiisa ay helaan ictiraaf taam ah.