Fuaad Aadan Cadde Oo Maydkiisa La Keenayo Sabtida Beri

0
511

Picture4Hargeysa(Geeska)-Marxuum Fuaad Aadan Cadde oo ku geeriyooday wadanka Turkiga ayaa la filayaa in maydkiisa dalka la keeno Sabtida beri haddii Alle idmo, iyadoo Hargeysa loogu samayn doono aas qaran.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa magacaabay guddi qaran oo qaban qaabinaysa aaska marxuumka, waxaanay guddiga oo shalay saxafadda la hadlay sheegeen in maydka marxuumka barqada beri la keeno doono Hargeysa, islamarkaana lagu aasi doono xabaalaha naasahablood ee magaalada Hargeysa.

Marxuum Fuaad Aadan Cadde, ayaa ahaa siyaasi miisaan ku lahaa Somaliland, waxaana geeridiisa si weyn u tabay shacabka Somaliland.