Gudiga Mihnadlayasha Caafimaadka Oo Amaro U Diray Xirfadlayaasha Caafimaadka Ee Dalka Ka Shaqeeya

0
622

Picture3Hargeysa (Geeska)- Komishanka Mihnadlayaasha Caafimaadka ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku dhawaaqay inay tallaabo ka qaadi doonaan dhakhaatiirta iyo mihnadlayaasha caafimaad ee caddaymahooda xirfadaha ay barteen ku soo gudbin waaya muddo saddex bilood gudahood ah.

Guddoomiyaha Komishanka Mihnadlayaasha Caafimaadka Dr. Axmed Xaashi Oday oo shir jaraa’iid  ku qabtay xafiiskiisa, waxa kaloo uu ka digay xayeysiiska loo sameeyo dhakhaatiirta aan ruqsad shaqo ka haysan Komishankooda, isla markaan aan la hubin heerkooda aqooneed, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi uu ku bilaabay “Komishanku waxa uu ku amrayaa dhamaan goobaha bixiya adeegyada caafimaadka, sida; cusbitaalada iyo outpatient-da ay iska soo diwaangeliyaan komishanka mihnada caafimaadka. Somaliland waxaa ku sugan dhakhaatiir iyo shaqaale caafimaad oo ajnabi ah, kuwaasoo ka hawlgala xarumaha caafimaadka ee ku kala yaala Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland, shaqaalahan ajnabiga ah oo tiradoodu badantay ayaan qaar ka mid ah aanay soo gudbin waraaqahoodii iyo shahaadoyinkooda caafimaad. Sidaa awgeed; waxaa la amrayaa dhamaan dhakhaatiirta iyo shaqaalaha caafimaad ee ajnabiga ah ee ku sugan Somaliland in ay ku soo gudbiyaan shahaadooyinkooda iyo caddaymahooda aqooneed muddo saddex bilood ah oo ku eeg 31 December 2015.  Cidda soo gudbin wayda waxaa laga qaadayaa tallaabo sharci ah,” ayuu yidhi Dr. Axmed Xaashi Oday. Guddoomiyaha Komishanka Mihnadlayaasha Caafimaadku ayaa mar uu ka hadlaayey marxaladihii uu soo maray Komishankani Caafimaadku waxa uu yidhi; “Komishanka Qaran ee Mihnadaha Caafimaadka (NHPC), kuna dhisan  xeerka Lr. 19/2001, waajibkooda ugu weynina waa inay hubiyaan in mihnadlayaasha caafimaadka, xarumaha adeegga caafimaadka, sida cusbitaallada iyo farmasiiyada, iyo mac-hadyada, dugsiyada iyo kulliyadaha barashada caafimaadku ay gaadhsiisan yihiin heerkii laga filayey, si muwaaddinka Somaliland uu u helo adeeg caafimaad oo tayo leh.

Komishanka Qaranka ee Mihnadaha Caafimaadku (NHPC) tan iyo markii la aasaasay sannadkii 2001-da, waxa uu ka soo gudbayey caqadabo iyo taakooyin kala dambeeyey, mid kastaana dhibtiisa iyo dib-u-dhiciisa keenayey, waana sababta keentay in ay fadhiid noqoto ilaa sannadkii 2006-da, markaas oo ay dib u kulmeen danneeyeyaal reer Somaliland ah, mar labaadna ku nuux-nuuxsadeen baahida weyn ee loo qabo hay’ad leh awood sharci oo ay ku maamusho, kuna xakamayso mihnadlayaasha caafimaadka, Komishanku waxa uu awood u leeyahay in uu galo goob kasta oo caafimaad, si ay hubiyaan in shaqadeeda iyo dhaqaalaheeduba waafaqsan yihiin xeerka mihnadaha caafimaadka.

1-In uu anshax-mariyo hawlwadeennada iyo goobaha caafimaadka, mid gaar ah iyo mid guud ahaaneedba, iyo Mihnadlayaasha caafimaadka, go’aanna ka gaadhi karo.

2-Inuu anshax mariyo hawlwadeenada iyo goobaha caafimaad mid gaar ah iyo mid guud ahaanadba iyo mihnadlayaasha caafimaadka , go’aana ka gaadhi kara

3-Komishanku waxa uu awood sharci u leeyahay ogolaanshiyo siinta iyo ka qaadista goobaha adeegyada waxbarashada iyo barnaamijyada caafimaadka bixiya.

4-Inuu rukhsad siiyo, kalana noqon karo dhammaan Mihnadlayaasha caafimaadka isaga oo waafajinaya shuruucda u dejisan arrintaas.

5-Komishanku waxa uu qaranka uga masuul yahay ansixinta xuduudaha ay ka hawlgeli karaan Mihnadlayaasha caafimaadku. 6-Dabo-galka iyo dib-u-eegista heerka tayo ee diiwaangalinta, rukhsad siinta, ku shaqysisga, tacliinta hab-dhaqanka mihnadlayaasha, joogtaynta hawl-gudasho ku dhisan aqoon iyo karti iyo ilaalinta agabka adeegyada caafimaad.

Guddoomiyaha Komishanka Mihnadlayaasha Caafimaadka, ayaa sidoo kale mar uu ka hadlaayey guulaha ay ilaa hadda gaadheen, waxa uu  yidhi; “Komishanka ilaa hadda waxa u suurtogashay inuu diwaangeliyo 2150 (laba kun, boqol iyo konton) qof oo shaqaale caafimaad ah oo isugu jira muwaaddiniin iyo ajnabi, wuxuunna ruqsad siiyey

51 qof, kuwaas oo ah kuwa kaliya ee sifo sharci ku shaqeeya.

Komishanka waxaa u suurtogashay inuu qiimayn ku sameeyo 5 jaamacadood oo dhiga cilmiga caafimaadka iyo 12 cusbitaal, kuwaas oo ku kala yaal gobolada dalka.”

Guddoomiyaha Komishanka Mihnadlayaasha Caafimaadka Dr. Axmed Xaashi Oday, oo hadalkiisi sii wata waxa uu yidhi“Komishanka oo kaashanaya Wasaaradda Waxbarashada, iyo Komishanka Tacliinta Sare, waxa uu wargalinayaa dhamaan ciddii dannaynaysa in ay furtaan jamacad ama kuliyad caafimaad in ay soo maraan Komishanka Mihnadaha caafimaad ka hor inta aan la furin.”

Goobaha adeegyada caafimaadka bixiya

Komishanku waxa uu ku amrayaa dhammaan goobaha bixiya adeegyada caafimaad sida cisbitaalada inay iska soo diiwaangaliyaan komishanka mihnada caafimaadka

Dhakhaatiirta iyo shaqaalaha caafimaad ee ajinabiga ah

Somaliland waxa ku sugan dhakhaatiir iyo shaqaalle oo caafimaad oo ajaanib ah kuwaas oo ka hawl gala xarumaha caafimaadka ee ku kala yaala Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland, shaqaalahan ajnabiga ah oo tiradoodu badan tahay ayaa qaar ka mid ahi aanay soo gudbin waraaqahoodii iyo shahadooyinkoodii caafimaad sidaas awgeed waxa la amrayaa dhammaan dhakhaatiirta iyo shaqaalaha caafimaad ee ajnaabiga ah ee ku sugan Somaliland inay ku soo gudbiyaan shahaadooyinkooda iyo cadaymahooda aqooneed muddo saddex bilood ah oo ku eeg 31 december 2015 cidii soo gudbin weyda waxa laga qaadii doonaa talaabo sharci ah.”