Xukuumadda Oo Ka Hadashay Gurigii Taliyaha Booliska Awdal Oo Shalay Dab La Qabadsiiyay

0
560

Picture4Borama(Geeska)-Dad gadoodsan ayaa shalay gelinkii hore dab qabad siiyay guriga taliyaha booliska gobalka Awdal, kaas oo aanay ciddi waxba ku noqon balse uu gurigii shuf beelay.

Dadka guriga gubay ayaa la sheegay inay guriga u daateen iyagoo dadkii joogayna u sheegay inay dibadda uga baxaan, markaas ka dibna waxay qabadsiiyeen dab. Dadkan ayaa ka cadhaysnaa wiil ku geeriyooday rasaas ay ciidamada Boolisku gelinkii dambe ee Axadii ka rideen garoonka Borama oo ay ku ciyaarayeen Hargeysa iyo Awdal taas oo uu buuq ka dhashay. Sidoo kale waxa rasaastaas ku dhaawacmay wiil kale.

Wasiir kuxigeenka gobolada iyo degmooyinka wasaaradda daakhiliga Axmed Faarax Cadarre, ayaa sheegay in dhalinyaro ka gadooday ciyaaraha iyo rabshadihii ka dhashay gubeen guriga taliyaha “ Guriga in la gubay waa jirtaa, waa dhalinyaradaas ciyaaraha ka gadooday, falkaas runtii waan ka xunnahay inuu dhaco, wuxuu ahaa fal dambi aad iyo aad u qadhaadh, dadkii waxaas ka dambeeyayna waa la baadhayaa, shilka shalayna sidii uu u dhacay ciidanka ayaa faraha ku haya oo baadhis baa ku socota,” ayuu yidhi wasiir xigeenku.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inay aad uga xun yihiin dhimashada wiilka yar “Sidaad la socotaan ciyaaruhu sidoodaba caalamka way iska hawlo badan yihiin. Ciidanka oo ammaanka sugayay uun bay dhimashadaasi ka dhacday, runtiina aad iyo aad baanu uga xunnahay inay dhimasho keento, waxaanan tacsi u dirayaa ehelada,” ayuu yidhi wasiir xigeenku

Laba wiil oo dhalinyaro ah ayaa Boorama ku dhintay intii ay socdeen Ciyaaraha gobolada Somaliland, waxaana ku dhacday rasaas boolisku riday, xilli ay dad kala caydhinayeen.