Gudida Dhaqaalaha Wakiilada Oo Ka Cowday Dhaqaale La’aan Caqabad Ku Noqotay Xog Ururintooda

12
3616

Picture3Hargeysa (Geeska) –  Guddi hoosaadka dhaqaalaha, ganacsiga iyo Maaliyadda ee Golaha wakiilada Somaliland, ayaa shalay Mudanayaasha u akhriyey war-bixin ku aadan odoroska Miisaaniyad sanadeedka 2014-ka oo dhawaan Wasiirka Maaliyaddu u gudbiyey Golaha Wakiilada.

Guddida dhaqaalaha oo muddo kooban hayey Odoroska Miisaaniyadda isla-markaana si ay uga talo-bixiyaan kulamo la yeeshay Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, Guddoomiyaha Baanka iyo Maareeyaha Dekedda Berbera si ay war-bixino uga siiyaan odoroska Miisaaniyadda iyo korodhka ku yimid dakhliga iyo mushahar kordhinta Shaqaalaha iyo ciidamada kala duwan ee qalabka sida.

Guddoomiyaha guddida dhaqaalaha golaha wakiilada Somaliland Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi oo faahfaahinaya arimaha ay ka wadahadleen Wasiirka Maaliyadda oo ay ka mid yihiin hay’adaha Madaxa-banaan ee iyagga oo aan sharciyad lahayn Miisaaniyadda gaarka ah leh sida Telefiishanka qaranka ayaa yidhi “Guddidu Waxay kulan la yeelatay wasiirka Maaliyadda si ay uga xog-wareysato nuxurka ay xambaarsan tahay Miisaaniyadda 2014-ka, waxyaabaha laga wadahadlayna waxa ka mid ahaa korodhka Miisaaniyadda , kordhinta Mushaharka shaqaalaha Iyo Ciidamada, hay’adaha sharciyadooda la sugayo, hay’adaha ay ka muuqato kharashka dheeraadka ah sida Tv-ga qaranka iyo ilaalada Madaxtooyada”

Guddoomiyaha Guddida dhaqaalaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu sheegay “Wasiirku wuxuu sharaxaad ka bixiyay korodhka korodhka ilaalada Madaxtooyada, isagoo sheegay in 300 oo askari oo dheeraad ah laga soo wareejiyey booliska laguna kordhiyey ilaalada Madaxtooyada, lana gaadhsiiyay 500 oo askari, taas oo keentay korodhka ka muuqda kharashka ilaalada Madaxtooyada”

Guddoomiye Xaashi, waxa kale oo uu sheegay inay xog-waresyi arimaha odoroska Miisaaniyadda kala yeesheen guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland, maadaama oo uu baanku yahay laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, waxaanu sheegay inay kala hadleen lacagaha uu soo daabaco dhaqaalaha ku baxa, waxaanu xusay inay Arbacada bari arintaasi u balansan yihiin “Maanaan arag meel ay ku xusan tahay in lacagta la soo daabacayaa uu baanku leeyahay, cidda wax laga qarsanayaana tahay dadkii masuuliyaddu ka saarnayd ee loo doortay” ayuu yidhi Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi, waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay in duruufo dhaqaale la’aaneed oo guddidooda haysta awgeed aanay awoodin inay xog rasmi ka keenaan odoroska Miisaaniyad sanadeedka 2014-ka oo ka kooban $ 212 Milyan oo doolar “Inaanu xog badan ururino oo odoroska Miisaaniyadda ah waxa naga hor taagan duruufo ta dhaqaaluhu ka mid tahay” ayuu yidhi.

Guddoomiyaha guddida dhaqaaluhu wuxuu halkaasi ku soo bandhigay talooyin dhaxalgal ah oo haddii sidooda loo hirgaliyo, waxayna kala yihiin:-

 In Siyaasadda guud ee Miisaaniyadda sideeda loo fuliyo.

In Wasaaradda Maaliyaddu samayso waax ka shaqeysa Ascaarta, waayo Sicir bararka ayaa faro baas innagu haya, Wasaaradda Maaliyaddu waa in aanay ku koobnaan uun inay lacag badan hesho.

In si dhakhso ah Golaha lo horkeeno sharciyadda hay’adaha aan sharciga lahayn.

In dib u eegis lagu sameeyo jirintaanka hay’adaha badan oo la isbarbar dhigo waxtarkooda iyo kharashka ay soo kordhinayaan (ku Baxaya).

In Madaarka Ceerigaabo saami laga siiyo lacagta loo qoondeeyay Madaarada dalka.

In Wadatashiga Miisaaniyadda la balaadhiyo, Mudnaantana la siiyo Golaha Wakiilada.

Guddidu Waxay soo jeedinaysaa in la ansixiyo odoroska Miisaaniyadda sanadka 2014-ka.

Comments are closed.