Guddoomiye Cirro Oo Sharaxay Laba Qodob Oo La Iskula Qaatay Kulan Saddex Geesood Ah Oo Lagaga Hadlay Deegaanada Waqooyiga Hargeysa

0
505

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha golaha wakiilada ahna guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sharaxaad ka bixiyay laba qodob oo la iskula qaatay kulan saddex geesood ah oo shalay dhex maray saddexda xisbi qaran, komishanka doorashooyinka iyo wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, kulankaas oo ku saabsanaa xiisada ka dhalatay go’aankii xukuumadda ee ahaa in diiwaangelin laga bilaabo deegaanada Waqooyiga Hargeysa.

2

Md. Cirro, wuxuu xalay sheegay in kulankaas la iskul qaatay laba qodob oo uu nuxurkoodu yahay

1. In wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ay kala xadeyso goobaha lagu muransan yahay in ay diiwaan-gelintu ka qabsoonto. 
2. In Komishanka Doorashooyinka Somaliland na uu diyaariyo siddii uu deegaanaddaas uga qaban lahaa Doorashooyinka soo socda oo idil.

Dhan kale waxa uu guddoomiyahu mar kale ku celiyey in ay ka xisbi ahaan weli aaminsan yihiin Mawqifkoodii hore ee ahaa kala xaddeynta goobahaas ka hor inta aan diiwaan-gelinta laga sameynin, la na raaco kala xadeyntii 60kii iyo weliba dastuurka qaranka Somaliland.