“Kuwa Leh Wadada Ceerigaabo Dorasho Ayaa Lagu Doonayaa, Waxaan Leeyahay, Waa Lagu Doonayaa”

0
2513

Picture1Hargeysa (Geeska) – Guddoomiye ku xigeenka Labaad Ee Golaha Wakiilada Somaliland Mudane Cali Yuusuf Axmed, ayaa ka hadlay waddada Ceerigaabo Iyo Burco isku xidhaysa ee ay xukuumaddu ololaha ugu jirto dhismaheeda, waxaanu ku tilmaamay inay ka mid tahay waxqabadka xukuumadda.

Dr Cali Yuusuf Axmed, oo shalay xarunta Golaha Wakiilada ugu Waramay Wargeyska Geeska Afrika iyo Telefiishanka HCTV, ayaa isaga oo ugu horeyn ka hadlaya xaaladda dalku marayo ayaa yidhi “Xaladda dalku aad ayay u Wanaasgan tahay oo nabadgalyo ayaynu ku noolahay, mandaqada aynu ku nool nahayna waad aragteen waxa dhibaato iyo qaraxyo ka dhacaya iyo dagaalo, ILAAHAY wuu innaga badbaadiyey, noloshuna way iska wanaagsan tahay, sanadkana reer miyigu way barwaaqeysnaayeen, xoolahooduna aad iyo aad ugu dhoofeen, lacag faro badanna way ka heleen”

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha wakiiladu waxa kale oo uu ka hadlay dhismaha waddada Ceerigaabo “Ninka Ceerigaabo iyo agagaarkeeda arkay iyo nimcada ay ku nooshahay Gobolka Sanaag ayuunbaa qiyaasi kara qiimaha ay leedahay waddadaasi, Gobolkaa annigu dhowr jeer ayaan tagay wuu barwaaqo badan yahay, haddana Ingiriisku dhowr iyo siddeetan sanadood ayuu ina xukumayey, waddadaa cid soo qaaday ma jirto, dawladihii ka horeeyayna may soo qaadin, tii Siyaad Bare oo 21 sanadood ahaydna may soo qaadin, innagu dhowr iyo labaatan ayaynuu maraynaa, laakiin maanta ka hor cidi may soo qaadin, waxa loo soo qaadi waayeyna waa wado dheer oo dooxooyin badan, taasaa laga baqayey, sidaad ogtihiin wado Magaalo iyo ilaa Magaalo ah ama tuulo ilaa tuulo ah Miisaaniyad dawladeed laguma samaynin, intii aynu Soomaaliya ka mid ahayn waddo kasta oo la sameynayo dawlad-baa inoogu deeqaysay, dawladihii hore ee Soomaaliya ee aynu ka mid ahayn 1KM oo Magaalo ka baxsan waligeed may samaynin, laakiin imika waxaad moodaa inaynu innagu isku tashanay oo sidan weligeen eegayn mayno, anniguna waxaan qabaa inay waddadaasi hirgaleyso oo ay dhamaanayso.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxa jira dad badan oo yidhaahda dawladdu buur-bay isku qaaday aanay waxba ka qaban karaynin, kuwo yidhaahda doorasho ayay ku doonayaan, buurta qudheeda waa loo baahan yahay in la isku qaado haddii faa’’iido ka imanayso, kuwa leh doorasho ayaa lagu doonayaana, waa lagu doonayaa, maxaa loogu dooni waayay dadku waxay wax nagu siinayaan oo Kulmiye ay ku dooranayaan waa Wax qabad, tana waxqabadkiibay ka mid tahay, qolooyinka caaridaya eel eh waxbaa lagu doonayaa wax ha qabtaan baylaho faro badan baa waddanka jiree wax ha qabtaan, markaa waa mid xalaal ah in xukuumaddani ku tartantanto waxqabadka ay umadda u qabatay inay kursi ku raadsato waa shay loo baahan yahay”

Dr Cali Yuusuf Axmed, oo la waydiiyay in shir-guddoonka golaha Wakiiladu isku seegay xeerarka sida dhakhsaha xukuumaddu u marsato Golaha wakiilada ayaa ku jawaabay “Shir-guddoonka wax khilaaf ahi kama dhex jiro, waayo shir-guddoonka shaqadiisu waxa weeyaan inuu guddoomiyo, go’aankana waxa leh xildhibaanada, xildhibaanadu dhinaca ay u bataan ayuunbaa la raacayaa, iyada oo aan loo eegayn Mucaarad iyo Muxaafid”ayuu yidhi.