Guddoomiye Cirro Oo Ka Hadlay Socdaalka Madaxweynaha Iyo Iibinta Wershada Laydhka Berbera

0
666

Picture2Hargeysa(Geeska):-Guddoomiyaha aqalka golaha wakiilada Somaliland, sida oo kalena ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Ciro), ayaa si adag uga hadlay safarkii madaxweyne Siilaanyo uu muddooyinkii danbe ku maraayey qaar ka mid ah gobalada dalka, waxaana uu sheegay in haddii safarkaasi aanu ahayn mid wax ka qabanaaya tabashooyinka jira aanu ahayn safar wax ka badali kara jawiga hada jira.

Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Ciro), oo muddooyinkii danbe safar ugu maqnaa dalka dibadiisa isla mar ahaantaana maalintii shalay dalka dib ugu soo laabtay, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu warbaahinta kula hadlaayey qolka nasashada ee madaarka Hargeysa, waxaana uu ugu horeyn uu ka warbixiyey u jeedada safarka uu dalka dibadiisa ugu maqnaa.

"Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan ku soo nabad noqdo dalkayga hooyo, safar gaaban ayaan dibada ugu maqnaa, safarkaasi mid gaar ah ayaa uu ahaa markii hore, laakiin waxaa ii suurta gashay intii aan maqnaa ee aan joogay dalka Imaaraadka Carabta, in aan la kulmo guddoomiyaha baarlamaanka Jaamacada Carabta, mudanayaal ka tirsan dawladaha Carabta baarlamaankeeda, masuuliyiin kale, ganacsato,jaaliyada Somaliland iyo Odey dhaqameedyo reer Somaliland ah oo iyaguna halkaasi ku sugnaa oo ka soo jeeday gobalka Sanaag gaar ahaan Suldaan Siciid. Markaa waxaan isleeyahay hawshii shakhsiga ahayd iyo tii qarankaba intii aan ka soo qaban karaynay waan ka soo qabanay haddii Alleh yidhaahdana hawsha qaranka ee halkan taalana waa aan ka qeyb galaynaa haddii Illaahay yidhaahdo".Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro).

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Md:Cabdiraxmaan Ciro, oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa  isaga oo ka hadlaaya safarka madaxweyne Siilaanyo uu ku maraayo qaar ka mid ah gobalada dalka uu yidhi:"Safarku hadduu ahaa mid wax ka qabanaaya tabashada, waxaa ay ila tahay in ay munaasib ahayd, laakiin haddaan waxba laga soo qabanayn, safarka waxa laga yaaba in aanu wax badan aanu ka badalayn jawigii jiray".

Ugu danbeyntiina guddoomiye Cabdiraxmaan Ciro, waxaa uu sida oo kale uu ka hadlay warshadii Korantada magaalada Barbera ee dhawaan ay xukuumadu u gacan galisay dad ganasato ah, waxaana uu sheegay in magaalo xeebeeda Barberi ay tahay magaalo ka cimilo kulul marka loo eego magaalooyinka kale ee dalka, isla mar ahaantaana ay tahay in ay hesho Koranto qiimaheedu aad u jaban yahay oo ay gacanta ku hayso dawladu, waxaana uu sida oo kale uu tilmaamay mawqifkooda xisbiga Waddani ee ku aadan dhinaca Korantadu uu yahay in la helo koranto jaban.

"Saaxil cimiladeedu waa ay ka duwan tahay sida aad ka warqabtaan gobalada kale intooda badan, ama dhul xeebeedka Somaliland,Laydh-ku waa mushkilada ugu adag ee shacbiga deegaamada xeebaha, gaar ahaan dakada Barbera, Markaa dadku waxaa ay u baahan yihiin Laydh jaban, Laydh jabana dee inta badan waa in uu noqdaa mid ay dawladu leedahay oo la kabo. Markaa mawqifkayagu waxa weeye in uu shacbigu uu helo Laydh jaban, Laydhkuna uu ahaado mid ay umaddu leedahay ama shacbi ha xukumo ama ha ahaado mid ay dawladu leedahay".Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Ciro).