“Calanka Somaliland Ayaan U Dhaartay, Mana Dhex Fadhiisanayo Meel Calan Somaliya Uu Yaalo”

0
682

Picture1Hargeysa(Geeska):-Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee aqalka golaha wakiilada Somaliland Md:Baashe Maxamed Faarax, oo safar kaga soo laabtay munaasibadii dhaqan ee todobaadkii hore loogu caano shubaayey garaad Cabdirisaaq garaad Soofe oo ka soo jeeda deegaanka Buuhoodle, ayaa ka hadlay hadalo ay dhawaan qoreen qaar ka mid ah warbaahinta, kuwaasi oo sheegayey in uu ka soo cadhooday munaasibadaasi caano shubka ahayd oo ka dhacday magaalada Buuhoodle, waxaana uu ugu horeyn uu tilmaamay in ka dib markii ay dhamaatay munaasibadii caano shubka garaadka, meeshii laga khudbadaynaayey lagu sharaxay calanka Somaliya, sidaas awgeed-na uu diiday in uu ka hadlo sida oo kalena uu dhex fadhiisto meel  calanka Somaliya dhex yaalo, waxaana uu carabka ku dhuftay maadama uu u dhaartay calanka Somaliland aanay suurto gal ahayn in uu dhex fadhiisto meel calanka Somaliya dhexyaalo.

Md:Baashe Maxamed Faarax, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu magaalada Hargeysa ugu waramaayey qaar ka mid ah warbaahinta, waxaana uu ugu horeyn ka hadlay u jeedada ay tageen munaasibadaasi garaadka lagu caleemo saarayey iyo sida oo kale qaabkii loogu soo dhaweeyey magaalada Buuhoodle.

"Sida aad wada ogtihiin waxaa la caleemo saarayey garaad Cabdirisaaq garaad Soofe, oo ah garaad reer Buuhoodle ah, waxaa aanu ka qeyb galnay caleemo saarka, aniga oo hogaaminaaya wafti ka socda Somaliland oo uu ka mid yahay wasiirka hawlaha guud iyo wasiir ku xigeenka warfaafintu, waxaa aanu safarkaa ku tagnay Buuhoodle, Buuhoodlena runtii sifiican ayaa na loogu soo dhaweeyey, waxaana aan uga faa'idaysanayaa mahad-naq, sida ay dad weynaha ku dhaqan deegaankaasi ay noo soo dhaweeyeen ee wanaagsanayd. Arrinku muu ahayn arrin siyaasadeed, waxaa uu ahaa arrin dhaqan, dad badan oo kala afkaar ah ayaa meesha iskugu yimi, laakiin si wanaagsan ayaa loo maamulay oo loo abaabulay, aad iyo aadna dadku waa ay u fiicnaayeen oo cid kasta oo ka soo qeyb gasha si siman ayaa loo soo dhaweynaayey"Ayuu yidhi Md:Baashe Maxamed Faarax.

Guddoomiye ku xigeenka aqalka golaha wakiilada Md:Baashe Maxamed Faarax oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay tagitaankii uu tagay magaalada Buuhoodle, maadama oo intii uu siyaasada ku jiray ay ahayd markii ugu horeysay ee uu gaadho magaaladaasi, waxaana uu ka waramay waxyaabaha uu ku soo arkay.

"Runtii aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay, waxaa ay ahayd markii ugu horeysay ee aan Buuhoodle tago intii aan siyaasada ku jiray, qiima weyna waa ay iigu fadhiday in aan soo arko, waxaana aan soo arkay magaalo weyn oo aad u dhisan tay,oo si wanaagsan u dhisan, dad wax qabsanaaya oo isku tashaday oo iyagu aad dhisme fiican iyo hawlo fiican haysta, markaa dareenkaygu aad ayuu u fiicnaa, dad fiican oo aad iyo aad noo soo dhaweeyeyna waanu u tagnay"Ayuu yidhi Md:Baashe Maxamed Faarax.

Ugu danbeyntiina Md:Baashe Maxamed Faarax, waxaa uu yidhi isaga oo ka hadlaaya wararka ay warbaahintu ka qoreen."Jaraa'idka qaarkood ayaa ayaamahan, waxaa ay qor-qorayeen  guddoomiyaha ayaa waxaa uu ka soo cadhooday Buuhoodle, kama soo cadhoon ee waxa weeye, dhaqankii aan u tagay waa uu dhamaaday, caleemo saarkiina waa la sameeyey, markii uu caleemo saarkii dhamaadayna waxaa la soo dhigay meeshii laga hadlaayey calankii Somaliya ayaa lagu sharxay, dabadeedna hadalka ayaa lay siiyey, waxay ila noqotay inta aan hadalka la isiin aan ku idhi ha laga qaado(Calanka), maadamaa uu dhaqan yahay ama qolo walba calankeeda ha la soo dhigo, ama ha laga qaado calanka Somaliya, Annigu qarankan ayaan u dhaartay,calanka Somaliland ayaan u dhaartay, mana dhex fadhiisanaayo meel calan meel calanka Somaliya uu yaalo, haddii aan calanka Somaliya dhex fadhiisanaayo maan xamar aado"Ayuu yidhi Md:Baashe Maxamed Faarax.