Guddoomiye Ciro Oo Madaxweyne Siilaanyo U Soo Jeediyey In Uu Hirgaliyo Heshiiskii Xisbiyada Iyo Xukuumadda Ka Hor 26ka Juun

0
557

Picture6Hargeysa(Geeska):-Guddoomiyaha aqalka Golaha Wakiilada Somaliland ahna guddoomiyaha Xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), ayaa madaxweyne Siilaanyo u soo jeediyey in inta ka horeysa 26ka Juun ee sanadkan oo ku eeg muddo xileedkiisa uu ka shaqeeyo sidii loo hir-galin lahaa heshiiskii doorashooyinka ee ay si wada-jir ah isula meel dhigeen xisbiyada qaranka iyo xukuumadiisu, waxaana uu sida oo kale sheegay in heshiisyada la’ la’galaayo shirkadaha shisheeye aanay ansax noqon doonin haddii aan la soo marin Baarlamaanka Somaliland.

Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), ayaa hadalkan ka sheegay madal Xisbiga Waddani uu ku soo dhaweynaayey siyaasiyiin ka soo diga-rogtay xisbiga Kulmiye oo lagu qabtay hotel Crown ee magaalda Hargeysa, waxaana uu sida oo kale uu ugu baaqay dhammaanba shacabka reer Somaliland, gaar ahaana taageerayaasha xisbiga Waddani in ay si mugleh uga qeyb qaataan sidii ay isu diiwaan galin lahaayeen, si ay uga qeyb qaataan ayuu yidhi is-bedelka la doonayo in dalka laga hir-galiyo.

"Waxaad ka warqabteen in Komishanka Doorashooyinku uu gooyey wakhti ay diiwaan galintu bilaabmayso, madaxweynahuna uu ku soo saaray digreeto, waxba iskamay bedelin hawshaas, markaa xisbi ahaan, dhammaanba taageerayaasha iyo mas'uuliyiinta waxaan u soo jeedinayaa in aynu u diyaar garowno diiwaan galinta codbixiyeyaasha oo bilaabmi doonta sida qorashahu uu yahay ciida ka bacdi, muwaadin kastaana waxaa uu codeyn karaa uun marka uu is-diiwaan galiyo in uu codbixiye yahay, markaa rag iyo dumar oo qof kasta oo qaan gaadh ah oo sharcigu u banaynaayo waa in aynu u diyaar garawnaa in aynu is diiwaan galino si aynu u codeyno, codkeena ayaa aynu wax ku bedeli karnaa, qofka aan ka qeyb qaadan in uu is diiwaan galiyaana isbedelka kama qeyb qaadan karo.".Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Ciro.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), waxaa uu sida oo kale sheegay in heshiiskii dhawaan ay Xisbiyada Qaranka iyo Xukuumaddu isla gaadheen ay hirgalintiisu saaran tahay madaxweyne Siilaanyo, isla mar ahaantaana laga sugaayo sidii uu uga shaqeyn lahaa hirgalinta heshiiskaasi.

"Waxaa aynu ka warqabnay in wakhtigii doorashada ee madaxweynaha iyo baarlamaanku ay ku beegnayd 26.06.2015ka, maalmo yar ayaa innaga xiga, waxaa kale oo aynu ka warqabnaa gudiga doorashooyinka qaranku in ay taariikh taa ka duwan ay ku dhawaaqeen in doorashooyinku ku qabsoomaan oo ahayd 01.06.2016ka, hase-yeeshee malaha xukuumadda intaasi waa ay ku filnaan weyday, waxaana axsaabta iyo xukuumadduba ay isla waafaqeen oo isla ogalaadeen in bakhsiish dheeraad ah loogu darro oo ay doorashadu qabsoonto badhtamaha bisha 12aad ee 2016ka, waana markii Labaad ee qaranku uu si wada-jir ah ugu heshiiyo wakhtiga doorashada, waxaan u sheegayaa shacbiga reer Somaliland, waxaan u sheegayaa taageerayaasha Waddani, gudaha iyo dibaddaba, waxaan u sheegayaa madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland in hirgalinta heshiiska uu xilkaasi isaga saaran yahay inta ka horeysa 26ka bisha Lixaad ee 2015ka, waxaana aan ka sugaynaa madaxweynaha arrintaas hirgalinteeda iyo fulinteedaba isaga ayaa laga sugayaa.".Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi.

Md.Cabdiraxmaan Ciro, waxaa uu sida oo kale uu ugu danbeyntii sheegay in heshiisyada xukuumaddu ay gashaa aanay ansax noqon doonin haddii aan la soo marin Baarlamaanka Somaliland, waxaana uu carabka ku dhuftay in xukuumadda ay waajib ku tahay in ay waxii heshiisyo ah ee ay gasho keento Golaha Baarlamaanka.

"Waxaa baryahan innagu soo noq-noqonaysay heshiis xukuumaddu gashay oo ku saabsan dekadda Berbera, waxaa kale oo baryahaas aynu maqlaynay in buuraha Siimoodi shirkad kale la siiyey oo halkaas laga baadhayo macdan, waxaa kale oo aynu maqlaynay, shirkad hebel ayaa heshiis lala galay sida dastuurku qoraayo xukuumaddu iyada ayaa talada haysa iyada ayaa aynu dooranay heshiis way gali kartaa, laakiin heshiis kasta oo ay gasho waxaa ku waajib ah in Baarlamaanka keento si loo ansaxiyo, heshiis aan Baarlamaanku ansaxinin ansax ma noqon karo.".Ayuu yidhi guddoomiye Ciro.