Isu Eekaanshaha Socdaalka Rayaale & Kii Cabdiraxmaan Tuur Ee 2003 Iyo Waayaha Siyaasadeed Ee Shalay Iyo Maanta

0
576

Picture7Hargeysa(Geeska)-Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa khamiistii dib ugu soo noqday caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaanu rayul caamka guud ee Somaliland ku soo dhaweeyay qalbi furan.

In kasta oo uu Md. Rayaale intii uu xilka ka degey kadib, hadda ka hor uu yimid dalka, haddana markan waxa ay kaga duwanayd xilliga uu ku soo beegmay oo ay wadanka ka taagan yihiin xiisado siyaasadeed  oo hordhac u ah doorashada soo socota ee madaxtooyada iyo golaha wakiilada. Dadka siyaasadda falanqeeyaa waxay markiiba saadaaliyeen in Madaxweyne Daahir Rayaale dib ugu soo noqday laba mid, damac siyaasadeed iyo cid uu taageeero la garab istaagi doono.

Hase yeeshe Daahir Rayaale oo hore dalka uga soo noqday madaxweyne-ku-xigeen iyo madaxweyne ayaa casuumad uu Axaddii xisbiga mucaaradka Somaliland ugu weyn ee Waddani u sameeyey, wuxuu si cad uga sheegay inaanu u socon damac siyaasadeed islamarkaana uu dhex ka noqon doono xaaladaha siyaasadeed ee wadanka ka taagan, maadaama oo uu soo noqday hoggaamiyihii qaranka ugu sareeyay.

Hadalkan Daahir Rayaale waa mid ay ka filayeen dadka aqoonta durugsan u lihi, waxase haddana uu socdaalka Daahir Rayaale dad badan xasuusiyay safar uu Alle haw naxariiste Madaxweynihii u horeeyay ee Somaliland Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali, dalka ku yimid sannadkii 2003 wakhtigaas oo ay dalka ka socdeen olalayaal iyo khilaafyo siyaasadeed oo hordhac u ahaa doorashadii madaxtooyo ee dalka ka dhacday 2003.

Dad badan ayaa wakhtigaas uu Cabdiraxmaan safarka ku yimid Hargeysa sidan maanta oo kale falanqeeyay ujeedada uu u socdo iyo cidda uu taageeri doono. Casuumadan loo sameeyay Daahir Rayaale Kaahin mid la mid ah ayaa wakhtigaasna loo sameeyay Cabdiraxmaan Axmed Cali.

Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali laba casuumadood oo isku xiga waxa maalmahaas u kala sameeyay Daahir Rayaale Kaahin oo wakhtigaas ahaa Madaxweyne hoggaaminayay xisbigii UDUB iyo Axmed Maxamed Siilaanyo oo ahaa hoggaamiye mucaarad ah oo horkacayay xisbiga KULMIYE. Axmed iyo Daahir waxa ka dhexeeyay loolan siyaasadeed oo aad u adkaa. Laakiin labadooda midkoodna uma suurtogelin in Cabdiraxmaan Axmed Cali si cad u taageero oo uu u garab istaago ololihii ay ugu jireen hanashada kursiga.

Hase yeeshee waxa markiiba soo baxay in Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali uu si hoose u taageeray Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, ka dib markii uu safar gaar ah ku tagay magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer. Isagoo sidoo kalena shirar hoosaadyo uu ku qabtay Hargeysa iyo Burco dadkii uu la kulmay ugu baaqay inay taageeraan Daahir Rayaale Kaahin oo markii dambe ku guulaystay tartankii doorasho ee uu la galay Axmed Maxamed Siilaanyo.

Si kastaba ha ahaate, socdaalka Daahir Rayaale ee maantu wuxuu calaamado door ah la wadaagaa kii Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali, waxaanay dad badan oo siyaasadda faaqida la tahay in uu aakhirka taageeradii Cabdiraxmaan mid la mid ah siin doono dhinac ka mid ah dhinacyada loollanka doorashadu dhex yaallo, laakiin taasi waxa ay caddaan doontaa marka ay ololayaashu soo dhawaadaan.