Guddoomiye Baashe Iyo Cali Yuusuf Oo Badhi-furay Go’aankii Guddoomiyahooda Iyo Jawaabta Cirro

0
697

Picture8Hargeysa(Geeska)-Labada guddoomiye xigeen ee golaha wakiilada Md. Baashe Maxamed Faarax iyo Md. Cali Yuusuf Axmed, ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin isku shaandhayn uu guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ku sameeyay guddi hoosaadyda golaha wakiilada.

Baashe iyo Cali Yuusuf, ayaa qoraal ay wada jir u soo saxeexeen, waxa ay ku yidhaahdeen sidan: “Markii aanu arragnay qodobka 18-aad, fiqrada 5-aad ee xeer hoosaaska Golaha Wakiiladda oo u qoran sida hoos ku cad “Xubnaha Guddida la iskuma shaan-dheyn karo sanadka u horreeya iyo ka u dambeeyaba ee mudada Golaha Wakiiladda, mana banaana in xubnaha Gudida dhammaantood la wada bedelo mar kaliya”.

Sidaas daraadeed, waxaanu xubnaha Golaha Wakiiladda la socodsiinaynaa iyadoo la raacayo qodobka 18-aad fiqrada shanaad ee xeer hoosaadka Golaha Wakiiladda ee kor ku xusan in la qaatay qodobadan hoos ku qoran:-
1)- In isku shaandheyntii la joojiyay
2)-In Guddidu ahaanayaan sidii hore illaa amar dambe
3)-In Guddiyadu soo dhamaystiraan xeerarkii ay hore u hayeen
4)-In Isku shaandheyn la samayn doono markay haboonaato, iyadoo xeerarka la waafajin doono.”

Maxaa sababay?

Sida muuqata labada ku xigeen waxa ay cuskadeen qodobka 18aad ee xeer hoosaadka golaha wakiilada, faqradiisa 5aad, iyagoo sheegay inaan sannadka u dambeeya iyo sannadka u horeeyaba isku shaandhayn lagu samayn Karin guddi hoosaadyada. Hase yeeshe waxa ay su’aali ka taagantahay sababta ay labadan masuul isku shaandhaynta uga hadli waayeen dhawrka toddobaad ee ka dambaysay markii uu guddoomiye Cirro isku shaandhaynta sameeyay, balse ay uga gubteen markii xisbiga KULMIYE ee ay ka soo jeedaan lagaga guulaystay guddoomiyayaasha ugu muhiimsan guddi hoosaadyada golaha wakiilada?

Waa su’aalaha ay bulsho badani shalay isweydiisay markii ay shalay maqleen hadalka ka soo yeedhay labada ku xigeen oo weliba uu midkood shir guddoominayay shirarka lagu doortay guddoomiyayaasha guddi hoosaadyada.

Sida ay warbaahintu maalmihii u dambeeyay tabinaysay, xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE waxa ay si weyn uga gubteen laba guddoomiye guddi oo ay ku guulaysteen xildhibaan Ibrahim Mahdi Buubaa iyo xildhibaan Ibrahim Rayte oo labaduba ka tirsan xisbiga Waddani. Buubaa ayaa ku guulaystay guddoomiyaha guddiga joogtada ah ee golaha wakiilada, halka uu Rayte isna ku guulaystay guddoomiyaha guddiga arrimaha gudaha golaha wakiilada. Waana sababta la aaminsanyahay inay ka dambaysay go’aanka ay labada ku xigeen ku laaleen go’aanka uu hore guddoomiyahoodu u gaadhay.

Jawaabta Cirro

Guddoomiyaha Golaha wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa labadiisa ku xigeen ku gacan saydhay go’aanka ay ka soo daba saareen. “Xeer hoosadka Golaha wakiiladu waxa uu tilmaamaya in laysku shaandhayn karo guddi hoosadyada,kaasi oo uu  isku shandhan karaan  guddomiyaha iyo shirguddoonkuba, go’aankasi hore ee laysku shandhaynayey shirgudoonka oo dhan ayaa wada qaatay in golaha laysku shandheyo, waa arrin banaan oo uu xeer hoosadku ogol yahay, haddii wax la ilduufay waa la sixi karaa oo wax dhibaato ahi ma jirto, dee wixii la ilduufayna waa la saxayaa, isku shaandhayntuna way jiraysaa insha Allaha.”Ayuu yidhi Guddomiyaha Golaha Wakiiladu, oo u waramay Telefishanka HCTV.

Gunaanad

Si kastaba ha ahaate, dad badan ayaa ka walaacsan saamaynta uu go’aankan ay labada ku xigeen gaadheen iyo diidmada Cirro ku yeelan karo xaalada siyaasadeed ee dalka oo marka horeba muddooyinkan dambe daalaa-dhacaysay. Sidoo kale waxa iyana walaaceeda leh farogelin ay siyaasiyiinta mucaaradka ahi aaminsanyihiin inay xukuumadu ku hayso golaha wakiilada, kuwaas la aaminsanyahay inay salka ku hayaan ololayaal ka dhan ah guddoomiyaha golaha wakiilada oo kursiga ku fadhiya cod shacab.