Dawladda Ingiriiska Oo Shaaca Ka Qaadday In Ay Dawladda Somaliland Siinayso $ 2 Milyan Oo Ka Caawiya Ka Hortagga Argagaxisada

0
873

Picture9London (Geeska) – Dowladda Ingiriiska ayaa dhamaystirtay qorshe caawimo oo ay Somaliland ku siinayso lacag dhan 1.3 Milyan oo ah lacagta Pound-ka ee dalkaas, si kor loogu qaado awoodda ay u leedahay ka hortagga argagaxisada, gaar ahaan dhinacyada xuduudaha dhulka iyo hawada sare.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Ingiriiska William Hague ayaa warqad uu Salaasadii shalay u diray golaha sharci-dejinta ee dalkiisa ku faahfaahiyey qorshaha ay dowladda Ingiriisku doonayso in ay Somaliland iyo dalka Pakistan ku caawiso qalab, tababarro iyo khubaro La-Taliyeyaal ah oo kharashka ku baxayaa uu dhan yahay 7.7 Milyan oo doolarka Maraykanka ah, si loo tayeeyo, loona xoojiyo awoodda ay dalalkani u leeyahay ka hor-tagga argagaxisada.

Wargeyska caanka ah ee Edmonton Journal oo ah maalinle ka soo baxa dalka Canada ayaa sheegay in xoghaye Hague uu ku sheegay, warqaddan  uu u diray golaha sharci dejinta, in dowladdiisu ay diyaarisay caawimo qiimaheedu dhan yahay 1.3 Milyan oo lacagta dalka Ingiriiska ah una dhiganta 2.1 Milyan oo doolarka Maraykanka ah si hay’adaha maamulka hawada-sare/madaarada iyo xuduudaha ee Somaliland uga caawiso kobcinta kartidooda iyo tayada hawlahooda ka hortagga khataraha argagaxisada iyo weliba in kor loo qaado awoodda booliiska.

Dhinaca kalana xoghaye Hague waxa uu qoraalkiisan ku sheegay in uu sidoo kalana dalka Ingiriisku lacag dhan 5.6 Milyan oo doolarka Maraykanka ah ku caawinayo dalka Pakistan, si loo dhiso awoodda ay hay’adaha ammaanku u leeyihiin ka hortagga iyo la dagaallanka walxaha qarxa ee sida casriga ah loo diyaariyo. Iyo awoodda booliiska dalkaas.

Dalka Ingiriiska ayaa marar badan oo hore Somaliland siiyey caawimooyin dhinacyo kala duwan ah oo uu si toos ah u siiyey, taas oo muujinaya illaa xadka uu Ingiriisku danaynayo xidhiidhkiisa Somaliland iyo sida uu ugu heellan yahay gacan qabashada dawladda Somaliland.