Beesha Caalamka Oo Soo Dhawaysay Heshiiskii Xisbiyada Ee Doorashada

0
556

Hargeysa(Geeska)-Dalalka beesha caalamka ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ayaa u sacabo tumay heshiiska ay dhawaan gaadheen xisbiyada siyaasadda Somaliland ee nuxurkiisu yahay inay doorashooyinka deegaanka iyo baarlamaanku qabsoomaan sannadkan 2020.

In ka badan 17 wadan iyo saddex urur oo caalami ah ayaa war-murtiyeed ay soo saareen waxay Madaxweyne Biixi, baarlamaanka, maxkamadda sare iyo xisbiyada ugu baaqeen inay kuraas gaar ah oo kooto ah u xidhaan haweenka iyo dadka laga tirada badanyahay.  “Saaxiibada caalamiga ah ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland waxay soo dhaweeyeen heshiiska ay gaadheen xisbiyada siyaasadda Somaliland ee la saxeexay 12 Julay 2020 si doorashada baarlamaanka iyo deegaanka loo qabto 2020.” Ayaa lagu yidhi war-qoraalka, waxaanu intaas raaciyay “Heshiiskan taariikhiga ahi wuxuu fursado cusub siinayaa in hore loo sii wado diyaar garowga doorashada waxaana looga baahanyahay guddiga doorashada inay 14 cisho gudahood wakhti farsamo ee jadwalka ku keenaan oo ka bilaabmayay 12 Julay 2020.”

Wuxuu warku sheegay in heshiiskan ah qabsoomida doorashadu fursad siinayo dhallinyarada haweenka iyo ragga leh ee aan weligood dooran wakiilkooda, “Iyadoo ay dadka reer Somaliland oo dhami qayb ka yihiin nidaamka doorasho, haddana waxa xusid mudan in dadka tirada badan ee da’yarta dumarka iyo ragga ee aan weligeedo u codayn wakiiladoodu ay helayaan fursad ay wax ku doortaan, waxaanay muhiim u tahay aasaaska dimuqraadiyada iyo degenaanshaha Somaliland.” Ayaa lagu yidhi warka.

Beesha caalamaku wuxuu Madaxweynaha, maxkamadda sare, xisbiyada iyo baarlamaanka ugu baaqay inay xaqiijiyaan in kuraas kooto ah ay helaan haweenka iyo dadka laga tirada badanyahay, waxaanay yidhaahdeen “Saaxiibada caalamiga ahi waxay ugu baaqayaan dhinacyada inay xaqiijiyaan in dumarka, dhallinyarada iyo dadka laga tirada badanyahay lagu daro inay codeeyaan oo ay murashixiin noqdaan, waxaanan Madaxweynaha, xisbiyada siyaasadda, Baarlamaanka, guddiga doorashada iyo maxkamadda sare ugu baaqaynaa inay go’aamadooda ku daraan kootada haweenka iyo dadka laga tirada badanyahay.”

Ugu dambayn waxa baaqan lagu yidhi “Waxa ay beesha caalamku si adag u  bogaadinaysaa geedi socodka Somaliland ee doorashooyinka waxaanay diyaar u yihiin inay taageeraan nidaamka doroasho ee Somaliland oo ay ku jiraan ilaalinta kootada haweenka iyo dadka laga tirada badanyahay.

Dalalka iyo ururada caalamiga ah ee baaqa soo saaray ayaa kala ah:

* Belgium, Canada, Denmark, Djibouti, Ethiopia, European Union, Finland, France, Germany, Intergovernmental Authority on Development (IGAD), Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, United Kingdom, United States, and United Nations.