Guddoomiyaha Sool Oo Ka Hadlay Xaalada Gobolkiisa, Roobabka & Doorashooyinka

0
567

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa ka hadlay xaaladda Gobolkiisa,roobabka curtay iyo Doorashooyinka foodda inagu soo haya.ee bishan dhammaadkeeda dhacaya.

Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo la soo xidhiidhay Wargeyska Geeska Afrika wuxuu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Hadda xaaladda Gobolku aad bay u fiican tahay, coladdii dhawaan dhexmartay labada Beelood ee walaalaha ahi hadda way dantay, waxaana ku han-weynahay inay hawshaasi guul iyo gobonimo noogu dhammaato, labada Beeloodna waxaan leeyahay waxaad tihiin dad walaalo ah, waxaad tihiin dad wada dhashay oo is dhalay ee mar walba wanaagiina iyo nabadgalyadiina ilaashada, oo noqda dad isku duuban, cid kasta oo fidno idinka ka dhex abuuraysana iska ilaaliya”.

Mar uu ka hadlayey roobabka curtay wuxuu yidhi “Waa ILLAAHAY mahaddii ah mar haddii abaarihii wuu ALLE inaga qaaday, oo roobabkii inoo curteen, ee xamdiga ALLE aynu badino, oo aynu ka faa’iidaysano roobabkaas inoo curtay”.

Mar uu ka hadlayey Doorashooyinka ayuu yidhi “Doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka ayaa bishan aynu galayn dhammaadkeeda inoo dhacaya, dabcan Shacabka ku dhaqan Gobolka Sool iyo guud ahaan Shacabka reer Somaliland waa u diyaar inay wada galaan, inkasta oo aynu xaq u leenahay inaynu Beesha Caalamka ka helno aqoonsi maadaama aynu nahay dal buuxiyey shuruudihii looga baahna dal la aqoonsan yahay, haddana waxaa inoo guul ah in inagoo weli aqoonsi helin in haddana aynu Doorashooyinkeena ku qabsano si nabadgalyo ku dheehan tahay”.

 

Geeska.net/Hargeisa Office