Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Shalay La Wareegay Xilkii Loo Magacaabay

0
917

 

high court in somalilandHargaysa(Geeska) Gudoomiyaha maxkamda sare Md. Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa shalay xilkii kala wareegay gudoomiyihii hore ee maxkamda sare Md. Maxamed Ismaaciil Xirsi (Oomane), waxaana munaasibada lagula kala wareegayay xilka ay ka dhacday xarunta maxkamada sare ee magaalada Hargeysa. waxaana ka soo qayb galay, qaar kamida garssoorayaasha maxkamada sare, ururka qareenada, xildhibaano iyo bulsho kale oo aad u tiro badan.

 

Ugu horaynba waxaa halkaas ka hadlay gudoomiyihii hore ee maxkamda sare Maxamed Xirsi Oomane oo ku dheeraaday dardaaran uu u soo jeedinayay gudoomiyaha cusub ee uu xilka ku wareejinayay, sidoo kale Md. Oomane waxa uu sheegay inay cadaaladu tahay mid loo baahan yahay in lawada sugo, waxaanu ku eedeeyay siyaasiyiinta, xildhibaanada iyo odayaal uu gudoomiyuu ku sheegay inay sitaan cumaamado uu ku tilmaamay in dalka lagu cashariyay inay iyagu cadaalad darada koow ka yihiin oo ay soo hor kacayaan dhinac kamida dhinacyada iskula jira maxkamdaha, hadaladiisiina waxa kamida  “Waxa ugu daran kuwa xildhibaanada ah oo dhanaya ummad dhan oo i dooratay ayaa dabada iga wada , xilkaa layga xayuubinayaa  haddii aanan kiiskaa wax ka qaban waxay xaqdarada la sheegayaa  ku timaadaa siyaabo badan,  siyaasiga ayey  ka soo bilaabmaysaa, oo dadweynaha ay ka soo bilaabmaysaa, oo odayaal sita cumaamado badan oo dalka lagu cashariyo ayay ka imanaysaa, xildhibaanku waxa uu ku odhanayaa waa nigii barigii ku ansixiyay , waxaas oo dhan baa  jira  waa ay kugu wada qaanabayaan waana dayn ansixintu”

Sidoo kale gudoomiyii hore Oomane isaga ka hadlaya xil wareejinta waxa uu yidhi “Xilka aan wareejinayaa waa xilkii maxkamada Sare, xilkii garsoorka, waxaana aan xilkii maxkamada sarre ee qaranka ku wareejiyay Gudoomiyaha cusub ee maxkamada sare Yuusuf Ismaaciil Cali, intii aanu soo haynay waanu soo haynay ,xilka maalinba nin baa jooga, ceeb ma leh xilku, waxa weeye in qof laga qaado qof kalena loo wareejo, waa in uu qofba mar hayo, waxaan balan qaadayaa inaan la shaqaynayo gudoomiyaha cusub wixii tallo iyo toosin ba’ ah diyaar ayaan ula ahay.”

Sido kale waxa kulanka xil wareejinta ah ka hadlay gudoomiyaha cudub ee maxkamda sare Yuusuf Ismaaciil Cali ee uu dhawaan soo magacaabay madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed maxamuud siilaanyo, waxaana gudoomiyaha hadalkiisa ku yidhi  “Waxan balan qaaadayaa inaan garsoorayaasha kula dhaqmo sida ay xeerka u toosiyaan, garsoorayaasha iyo xeer ilaaliyayaasha, waliba xeer ilaaliyaha guud ee u xilsaaran hawsha guddida cadaalada inaan kula xisaabtano shaqadooda u hufnaantooda iyo waliba daacadnimadooda iyo sida ay xeerka ugu dhaqmaan. Garsooraha is yeel yeelaya waan garanayaa iyo garsooraha sida wanaagsan u danaynaya shaqadiisa labadaba waan kala garanayaa."

Xil wareejintan ayaa waxa ay ka danbaysay markii dhawaan uu madaxwayne Axmed Siilaanyo xilkii maxkamda sare ka qaaray Maxamed Oomane, isla markaana ay labada gole madaxwaynaha ku raaceen xilka qaadistaas. Waxaanu madaxwaynuhu soo magacaabay gudoomiyaha cusub ee maxkamda sare ee shalay xilka la wareegay.