Guddoomiyaha KULMIYE UK Oo Hargeysa Lagu Soo Dhaweeyay

0
615

Picture2Hargeysa (Geeska)-Gudoomiyaha Xisbiga taladda Dalka haye ee  Kulmiye ee Wadanka UK Xariir Xirsi Ader ayaa Dalka dib ugu soo laabtay, waxaana si diiran u soo dhaweeyey qaar ka mid ah Madaxda Xisbiga Kulmiye.

Munasibadii soo dhaweeynta  ee Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Wadanka UK, waxa ka qayb galay dadweyne ka tirsan taageerayaasha KULMIYE.

Xoghayaha Dawladda Hoose ee Magaalad Hargeysa Md.  Ibaarim Axmed Raabi oo halkaas ka hadlaly ayaa yidhi  “ Guddoomiye waxaanu ku leenahay soo dhawoow oo ku soo dhawoow Wadankaagii hooyo Waxaad noo timid maalin khayr leh farxad badan waxaanu kugu soo dhawaynaynaa Wadankaagii hooyo aadna waanu ugu faraxsanahay in aan maanta ku soo dhawayno” .

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Md. Xasan Siciid Yuusuf  oo isna sidoo kale halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Maanta waa laba farxadood oo is biirsaday waayo midi waa ta Ciidda midna waa ta soo dhawayinta Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Wadanka UK waxaanu ku leenahay soo dhawoow Guddoomiye kuna Soo dhawoow Wadankaagii Hooyo Iyo Gacmo furan waa noo farxad in aan Maanta halkan kugu soo Dhawayno”.

 Ugu dambeyntii  waxa hadalo mahadnaqa ah ka soo jeediyay halkaas Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ee Wadanka Uk Xariir Xirsi Ader waxaanu yidhi “ Fursadan anoo ka faa’iidaysanaaya ka salaamayaa guud ahaan Umadda Reer Somaliland waxaan si gaara u salaamayaa Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye gudo iyo dibadba, waxaan si gaara ugu mahad-naqayaa Inta Isoo Dhawaysay Dhammaan.

Waxaan aad ugu faraxsanahay halka wanaagsan ee aad maanta Dalku Maraaya halkaasna ALLE ka sakow waxa gaadhsiiyay Idinka Xisbiga Kulmiye Waa Xisbiga Ugu Weyn Wadanka UK Iyo guud ahaan Wadamada Qurbaha marka loo eego Xisbiyada Kale runtii waxyaabo badan ayaan dheernahay Xisbiyada Kale” .