Raaligelin Ku Socota Muuse Biixi

0
615

Anaga oo ah ehelada Cali Cismaan (Cali Xaraaro) magacyadayduna hoos ku qoran yihiin waxa aanu raaligelin buuxda ka bixinaynaa qoraalo intii mudo ah si is daba jooga wargeysayda iyo website-yada ugu soo baxayey uu soo qoraayey Cali Xaraaro.

Nuxur kooduna ahaa weerar  iyo  sumcad dil, eedo aan meesha leekayn iyo hadal aan loo meel dayin, iyo ficilo aan sinaba ugu suurto geli. Hadaba Muuse Biixi waa nin wadanka u soo halgamay oo sharaf mudan, weliba kaalin gal ah, xurmo iyo tixgelina mudan. Aad ayaanu uga xunahay in si badheedh ah oo aan geedna loogu soo gaban loogu sheego hadalada dadka kala fogaynaya.

Mar labaad ayaanu ka raali gelinaynaa gudoomiyaha iyo intii kale ee dhibsatayba.

1.Caaqil Axmed Jirde Yuusuf

2.Maxamed Muuse Muxumed (Shiine Muuse)

3.Xasan Maxamed Cabdi

4.Khaliil Cismaan Saban

5.Xasan Aw Cali (Xasan Sandheere)

6.Xasan Max’ud Yuusuf (Xasan Xabashi)

7.Faysal Ibraahim Yuusuf (Faysal Taygero)

8.Maxamed Cabdilaahi Faarax

9.Xasan Cabdilaahi Xirsi (Xasan waraabe)

10.Cabdi Muuse Muxumed