Guddoomiyaha Jimciyatu Towciya Al Islaamiya Oo Ka Waramay Tababar Ay U Qabteen Shan Dugsi

0
866

Picture2Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha Jimciyatu Towciya Al Islaamiya Sacad Maxamuud Sheekh Muuse ayaa ka waramay wakhtigii la aasaasay Jimciyadooda, doorka ay ku leedahay Dacwada iyo wacyigelinta Bulshada, waxaanu xusay in Tababar kala duwan oo ku saabsan Dacwada ay fuliyaan, kana fuliyaan Gobolada kala duwan ee Dalka, una qabtaan qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Guddoomiyaha Jimciyatu Towciya Al Islaamiya Sacad Maxamuud Sheekh Muuse oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa yidhi “Jimciyatu Towciya Al Islaamiya waxa la aasaasay 2/11/2001, waxa ay wax ka qabataa hawlaha Dacwada, Ardeyda Dugsiyada Dawladda, Dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo Dugsiyada dhexe oo ay hadda bilawday barnaamijyadooda, waxa kale oo Jimciyadu soo martay Gobolo badan oo hawlo badan ka soo qabtay, Goboladaas oo ay ka  mid yihiin Gabiley,Boorama, Burco, Berbera, Goboladaas wey soo booqatay Jimicyadu.”

 Guddoomiyaha Jimciyatu Towciya Al Islaamiya Sacad Maxamuud Sheekh Muuse mar uu ka waramayey Tababar ay u qabteen qaar ka mid ah Dugsiyada Magaalada Hargeysa ayaa yidhi “Jimciyatu Towciya Al Islaamiya waxa ay Jimcihii soo gabagabeeysay Tababar Islaamiya ama Diiniya, oo loo qabtay Ardeyda Dugsiyada dhexe, Dugsiga Samaraat, ee ku yaala Kililka, Xaafada Sheekh Nuur, Dugsiga Gacmo Dheere, Dugsiga Sheekh Bashiir iyo Dugsiga Sheekh Cali Ibraahim (Biyo dhacayga sare) iyo Dugsiga Biyo dhacayga hoose, Dugsiyadaas ayey Jimciyadu u qabtay Tababar socday Labada Todobaad, ardeyduna ay ku muujiyeen dadaal dheeraad ah iyo firfircooni badan, iyada oo markaas Ardeydu wacdi badan jeediyey, iyada oo la gudoonsiyey Jimichiina abaalmarino kala duwan oo ay ku farxeen, taas oo sida ay kala sareeyeen loo kala gudoonsiiyey, iyada oo Tartan loo qabtay Shanta Dugsi, waxaana kaalinta kowaad galay Dugsiga Samaraat, Kaalinta Labadna ay galeen Dugsiga Gacmo Dheere, waxa kale oo abaalmarino la gudoonsiiyey Macalimiintii, waxaana ka soo qeyb galay xidhitaankii Tababarkaas Sheekh Ismaacil Cabdilaahi Sheekh Cabdilaahi Hargeysaawi”.