Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo Beeniyay In Gabadh Shaqaale Ah Si Nidaam Darro Ah Loo Eryay

0
649

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Farxaan Aadan Haybe, ayaa beeniyay qoraal shalay baraha bulshada aad loogu baahiyay oo sheegaya in gabadh shaqaale ah lagu eryay farriin loogu soo diray telefoonkeeda gacanta.

Farxaan oo qoraal soo saaray ayaa wuxuu yidhi “Waxaan arkayay fariin tilifoon oo la wareejinayo iyadoo la leeyahay waa hayadii shaqaalaha dawlada. Hayada shaqaaluhu fariin SMS ma isticmaasho sinaba iyo goornaba kamana mid aha dariiqyadeeda xidhiidhka iyo xogwadaaga ee rasmiga ah (Official commanication channels) haday la xidhiidho arin dacwad shaqaale waxay samaysaa yeedhmo, xog baadhis, waraysi, dacwad dhegaysi iyo go’aanka oo hab-qoraal ah ayay soo saartaa iyadoo raacaysa qodobada xeerka Anshaxa iyo sharciga guud ee Shaqaalaha lana wadaagtaa wasaarada qofkaasi ka tirsanaa iyo wasaaradaha/ Hayadaha fulinta go’aanka kaalin masuuliyadeed ku leh.”