Guddoomiyaha Gobolka Sool Oo Sheegay Inaan Somaliland Ku Dhaceyn Dabinada Cadowgeedu Soo Maleegayo

0
596

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa ka hadlay qiimaha ay nabadgalyada iyo qaranimadu leedahay, waxaanu sheegay in aad la iskaga ilaaliyo wararka been abuurka ah ee ka dhanka ah Somaliland.

Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Qaran iyo dal jira oo ka mid ah Caalamka ayeynu nahay, shardi kasta oo looga baahan yahay dal la aqoonsan yahayna waynu buuxinay, waliba heerka aynu gaadhnay waxaa jira Wadamo badan oo la aqoonsan yahay oo aan gaadhin, imikana waxaa dalkeena ka dhacaya oo aynu isku diyaarinaynaa Doorashooyin, markaas wax kasta oo lagu buun-buuninayo wax yeelo qaranimadeena lala rabo  iyo dabin kasta oo cadawgeenu inoo dhigayo ku dhici mayno, waxbana la inagu yeeli maayo, maxaa yeelay calankeena waa calan uu ku xardhan yahay tawxiidka ALLE, marka hore waxaynu ALLE uga mahadnaqaynaa nabaddaas uu inaga siiyey, oo ALLE ayey mar walba mahadi u sugnaatay, waxaan kale oo aan Shacabkeena meel kasta oo ay joogaan leeyahay marnaba run ha moodina wararka been abuurka ah ee buun-buuntu ku jirto, ee qaranimadeena iyo dawladnimadeena lidka ku ah”.

Mar uu ka hadlaayey Madaxweynaha ayuu yidhi “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi, waxaan uga mahadnaqayaa, oo aan ku bogaadinayaa talaabadii iyo go’aankii uu qaatay, ee ahaa in kharashka ay Xukuumaddu ka bixiso Haweenka iyo Musharixiinta laga tirada badan yahay ee u tartamaya Doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka, waa talaabo lagu farxo, waa talaabo uu Madaxweynuhu ku muujiyey sida uu mar kasta u qiimaynayo dadkiisa iyo dalkiisaba…”.  

Dhinaca kale, wuxuu sheegay inay Ciidamada kala duwan ee Somaliland mar kasta diyaar u yihiin inay qarankooda iyo dadkoodaba difaacan, kana difaacaan cid kasta oo isku dayda inay waxyeelo u geysato.

 

Geeska.net/Hargeisa Office