Dawladda Somaliland Oo Heshiis Ka Kooban 3 Qaybood Oo Dhinaca Tiknoolajiyadda Ah La Saxeexatay Taiwan

0
716

Hargeysa (Geeska) – Dawladaha Somaliland iyo Taiwan ayaa kala saxeexday heshiis iskaashi,oo ku saabsan dhinaca Tiknooliyada.

Munaasibaddii heshiiskan dhex maray labada dal lagu shaaciyey, ayaa waxaa goob joog ka ah labada Safiir ee labada dal, iyo Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta Aamina Xuseen Maxamed, oo iyadu heshiiskan faah-faahin ka bixisay ayaa tidhi “Munaasibadda lagu kala saxeenayo heshiiska labada dhinac ah, oo ay wada galayaan Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jahmuuriyada Taiwan, oo ku aadan dhinaca Tiknooliyadda, mashruucan aynu halkan u fadhinaa wuxuu ka soo farcamay qorshaha horumarinta qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland, qorshahaas oo ay ka mid tahay in horumarin ballaadhan laga gaadho maamul wanaagga, waxaa lagama maarmaan ah in macluumad wanaagsan iyo shabakado isgaadhsiineed oo isku xidhan la helo, si loo helo xidhiidhka laamaha dawladda iyo bulshada, si loo gaadho himilooyinkaas ayaa Wasaaradda Tiknoolijiyaddu ay sameeysay Siyaasadda Dawladda sannadkii 2019, siyaasaddaas oo ka kooban qaybo badan, ayaa dalka Taiwan ee aynu la leenahay xidhiidhka diblamaasiyadeed, waxaynu la samaynaynaa iskaashi dhinaca Tiknoolijiyadda ah, kaas oo aynu rajeynayno inuu noqdo heshiis horumar balaadhan ka geysan doona dhinaca Tiknoolijiyadda..”

Mar ay ka hadlaysay qaybaha uu ka kooban yahay heshiiskani ayay tidhi “Heshiiskani wuxuu ka kooban yahay saddex qaybood, saddexdaas qaybood oo kala ah isku xidhka nidaamyada dawladda, mashruuca tayeynta iyo xirfad siinta ee aqoonta ICT-ga, ee Dhalinyarada iyo Bulshada, iyo mashruuca maamulka shabakada dawladda oo ay iyana nagala shaqayn doonaan”  

Agaasimuhu waxay sheegtay “Taiwan waxay halkaa ku soo gaadhay Adeegsiga Tiknoolajiyadda, sidaasi darteed waxaanu doonaynaa inaanu Somaliland ka dhigno Taiwan-ta Geeska Afrika..”ayay tidhi.

 

Geeska.net/Hargeisa Office