Liin Dhanaantu Waxa Ay Laabta Ka Soo Jartaa Balqanka, Waxa Ay Ka Hortagtaa Kansarka, Waxa Aanay Dawaysaa Cuncunka IWM: Diyaariye Kamaal Axmed Cali

0
798

 

liintaCaafimaadka (Googooska Geeska)- Sida a y aaminsan yihiin taariikhyahannada Carabtu magaca liin dhanaanta loogu yaqaanno Afka carbeed ee Laymuun waxa uu asal ahaan ka soo jeedaa luuqadda Persians ka waxa aanu macnihiisu yahay jidhka oo laga nadiifiyo suntan iyo ka hortagga cudurrada.

 

Dr. Majdi Badraan oo ah dhakhtar ku xeel dheer caafimaadka carruurta xubinna ka ah jimciyadda dhakhaatiirta xasaasiyadda iyo hab-dhiska difaaca  ee dalka Masar isla markaana ka tirsan mac-hadka cudurrada carruurta ee jaamacadda Caynu Shams Liin dhanaanta waxaa loo isticmaalaa habab kala duwan oo ay ka mid  tahay in dhadhanka cuntada lagu wanaajiyo iyo in sharaab laga dhigto, si kasta oo loo isticmaalaba waxa uu Dr. Badraan sheegay in ay liin dhanaantu leedahay faa’idooyin ay ka mid tahay dhuunta iyo laabta oo ay ka soo jarto balqanka, waxa ay daawo ka tahay durayga, waxa ay joojisaa cuncunka maqaarka, waxa ay sidoo kale daweysaa casiraadda. – – Faa’idooyinka liin dhanaantu intaas kuma koobna ee waxa sidoo kale ka mid ah in loo isticmaali karo nadiifinta weelka iyo meelaha la rabo in laga dilo jeermiska, in laga dhigto udug, in dahabka iyo dheemanta lagu nadiifiyo si dhalaalkoodu aanu u guurin iyo in lagula dagaalamo xasharaadka guryaha ku dhasha.

– Liin dhanaantu waxa ay wanaajisaa wareegga dhiigga, waxa aanay si gaar ah u caawisaa dadka qaba xanuunnada yareeya awoodda wareeg ee dhiigga, xaglo xanuunka, astaamaha gabowga, xanuunnada ku dhaca xididdada dhiigga iyo welina iyada oo ka hortagta kansarka.

 – Liin dhanaantu waxa ay xakamaysaa kor-u-kaca macaanka iyo dufanka (Kalastaroolka) la socda cuntada sidaa awgeed waxaa aad u fiican in cuntada kadib uu qofku cabbo koob liin macaan ah.

– Koobka sharaabka ah ee liin macaanta waxaa ku jira Faytamiin C xaddigiisu yahay 112 milligram, haddii diirka lagu miirana waxa ay noqonaysaa 128 Milligram.

– Liin dhanaantu waxa ay  jidhka ka caawisaa in uu sameeyo barootiinka lagu magacaabo collagen oo u fiican maqaarka oo uu ka dhigo jileec sida xariirta ah kuna beero awood difaac. Waxa ay maqaarka ka caawisaa in uu ilaashado midabkiisa dabiiciga ah. waxa ay xoogaysaa lafaha waxa aanay furfurtaa xididdada dhiigga. Waxa ay jidhka ku beertaa dhalaal dheeraad ah iyo firfircooni, waayo waxa ay ka caawisaa in uu si fiican u nuugo xadiidka ku jira cuntada.

– Liin dhanaanta waxaa ku jira Faytamiin B6 oo haddii uu jidhka ku yaraado maqaarka iyo carrabka ku keena caabuq, isla markaana qofka lagu arko matag, muruqyada oo guntama, dhiig la’aan iyo diiqad nafsi ah.

– Liin dhanaanta oo ay ku badan tahay maadadda Kalshiyaamtu waxa ay muhiim u tahay caafimaadka neerfayaasha, lafaha, ilkaha iyo dhaqdhaqaaqa. Waxa ay dejisaa acsaabta oo ay qofka ka dhigto mid aad u xasiloon, waxa ay soo celisaa isu dheelli tirnaanta unugyada iyo dareerayaasha, waxa aanay xoojisaa awoodda jidhka iyo maskaxda.

– Liin dhanaantu waxa ay caloosha ka saartaa naqaska, waxa ay firfircooni ku abuurtaa shaqada midhicirada, waxa aanay gubtaa dufanka dhiigga raaca.

– Liin dhanaantu waxa ay wanaajisaa shaqada xammaytida, waxa aanay burburisaa dhagxaanta ku samaysma.