Hargeysa(Geeska)-Guddiga arrimaha gudaha ee golaha wakiilada iyo wasiirka arrimaha gudaha Md. Maxamed Nuur Caraale, ayaa shalay isku horfadhiistay kulan ay guddigu wasiirka ku boobeen su’aalo kala duwan oo khuseeya shaqada uu qaranka u hayo.
Guddiga ayaa wasiirka wax ka weydiiyay kulan uu ururka Islaax ee dalka Somaliya dhawaan ku qabsaday Hargeysa, saamaxaad uu dhawaan sheegay inuu Al-Shabaab u fidiyay iyo arrimo kale. Ka hor su’aalaha xildhibaanada wasiirku, wuxuu jeediyay hadal kooban oo uu kaga hadlay wada hadalada Somaliya iyo qodobo kale. Ugu horayn wasiirku, isagoo ka hadlaya arrimahaas, wuxuu yidhi “Somaliya maanta wada hadal ayaa inaga dhexeeya oo inoo socda, waxa tusaale inoogu filan labada dal ee adduunyada inoogu dhow ee madaxbanaani qaatay waa Ereteriya iyo koonfurta Sudan, labaduba waxay ku gaadheen wada hadalka ay la galeen ciddii ay wax ka dhexeeyeen, inaguna ka fursan mayno inaynu Somaliya wada hadal la wadno si aynu wixii inoo dhexeeyayay aynu u kala guran karno oo aynu u gaadhi karno heshiis ama la ina dhexdhexaadiyo, markaas anigu maanta waxaan ahay wasiirkii amniga dhamaan dhaqdhaqaayqada konfurta Somaliya ka jiraa saamayn ayay ku leeyihiin Somaliland, haddday nabadgelyo tahay, hadday siyaasad tahay, waxaan warbaahinta ka idhi waxyaabaha koonfurta Somaliya ka socda war baanu u haynay oo xogogaal baanu u nahay, markaas xogogaal baan u ahay aan mar kale ku celiyee.”
Wasiirku, wuxuu soo jeediyay in wada halada Somaliya culays la saaro si ay labada dal u kala gurtaan waxyaabihii ka dhexeeyay. “Markaa waxaan leeyahay Somaliya wax badan baa inaga dhaxaysee aynu maaweeladii ahayd ictiraafkii waa dhowyahay oo daaqaduu saaranyahay waan soo arkay oo hawshu meel fiican bay maraysaa waynu dhaafnay hadda, waxaynu maraynaa Somaliya wada hadal baa inaga dhexeeya, wada hadalkuna wuxuu u baahanyahay in laga midho dhaliyo, inaynu u dirano geesiyaal goob-jooge ah oo himilada umadan ka dhaliya, geesinmaduna waxay ku imanaysaa qof gartiisa sii naqsaday, markaas mar kalena waan ku celinayaa Somaliya iyo waxa ka jiraa saamayn ayay inagu leeyihiin.”
Ka hadalkaas wasiirka, waxa ay mudanayaashu weydiiyeen su’aalo kala duwan, Su’aalaha guddiga iyo jawaabaha oo aanu qaar ka mid ah soo qaadanay waxay u dhaceen sidan:
Wasiir xubnaha shirkii Islaax (Hargeysa) ma waxay ahaayeen xubno Somaliland iyo Somaliya ah.?
Islaax waa urur Salmi ah, waana urur diini ah, isdiidimaayaan inay urur siyaasi ah yihiin oo diinta iyo siyaasadu isma diidaan, waxay siyaasiyiin noqon karaan oo ay xoriyadooda siyaasadeed gali karaan iyagga oo diintiina sita, fikir qaloocan ayay ahayd in wadaadka loo daayo Masjidka, wadaadku waxa uu u xaq u leeyahay inuu tallada dalkiisa ka qayb-gallo, markaa maaha niman dagaal ku jira (Islaax).
Wasiir Al-shabaab dhibaatada ay dalkeena gaadhsiisay ee ay ilaa Madaxtooyadeena Qaraxyadii ka dhacay waad ogeyd, markaa marka hadalkaasi (Waanu saamaxaynaa) ka soo baxo, miyaanay u sii fududaynayn Al-shabaabtii awalba xagga Somaliland u soo firxanaysay?
Waxaan kula qabbaa inaan Al-shabaab la fudaydsan mana fudaydsano, laakiin ninka dhalinyarta ah ee fikirka la galiyey in laga reebana way haboon tahay, markaa waan qabbaa in aanay fududayn, laakiin daawooyinka aynu isticmaalaynaa hal dawo uun maaha, shacabka ayaynu wacyi-galinaynaa, shacabka ayaynu baraynaa khatartooda, waxa kale oo aynu ka reebaynaa dhalinyarada loo yeedhayo, markaa anaga iyo caalamkuna ma fudaydsan karno, waana wax halisteeda leh.
Wasiir Markaad soo dhawaysateen Madaxwaynaha Somaliya, miyeydaan is lahayn waxaad samayseen gef dublamaasiyadeed.?
Madaxwaynaha Somaliya kalmadihiisa ayaa la soo dhaweeyay, anaga ayaa sarnayna lama odhan, cid tidhina ma jirto, aniguna isma naqaano ayaan idhi.
Wasiir waxa adiga iyo Maayar Caasimada la idinku xamanayaa inaad dadka danyarta ahaa ee caasimada aad ka qaylisiiseen oo aad danyartii buulasha yaryar carruurtooda ku biilinayey aad ka afrogteen idinka oo aan meelna u diyaarin, taasi maxaad uga fiirsan waydeen.?
Tallaabooyinka aanu qaadanaynaa maaha kuwa u gaar ah aniga iyo Maayarka ee waa tallaabooyin go’aan xukuumadeed ah, haddii madaarka la xadaynayo, haddii badhasaabka dad laga rarayo waa tallaabooyin dawladeed, laakiin aniga oo Wasaaradii arimaha gudaha ah waa xoogii waxan dhaqaajinayey, maayarkuna jaangoyntii, markaa labadayada ayaa ka muuqanee, laakiin waa tallaabo dawladu nagula socoto, imika oo kale xarunta badhasaabka ee ugu dambaysay ee dadka laga raray, waxa laga dhisayaa xarunta cusub ee Wasaarada arimaha gudaha iyo xarunta wasaarada arimaha dibada, Duur iyo Jiciir islaamahooda gaysan maayaan, labadaa xaruumood in la dhisaana waa waajib dawli ah, markaa dan gaar ah maaha waxaanu wadnaa, maanta haddii aan dan gaar ah umadda danyarta ah ugu durduriyo ILAAHAY iyo Umadduba way I arkayaan.
Wasiir Baasaaboorkii Somaliya oo Hargeysa ka soo baxay ayaan hayaa, mar horena gacanta ayaad ku qabateen ee hadda maxaa isbedalay.?
Basaaboorka tirada saddex jeer ayaanu qabanay, laakiin mushkilada jirtaa waxa weeye dhuumaalaysi-baa jira, imikana ciidamada amaanku waxay amar ku qabbaan meel kasta oo lagu arko baasaaboorka Somaliya inay qabtaan, laakiin wixii waa Online oo Macluumaadkii halkan-baa laga dirayaa, qofkiina waa Koombuutarkaa war-wareegaya, laakiin waa sidii Idaacadii HORYAAL oo kale, laakiin ciidamada amaanku waxay amar ku qabbaan inay qabtaan cidii samaynaysaba, golaha wasiirraduna waxbay iska waydiiyeen.