Dugsiyada Nuuradiin Oo Qayb Libaax Ka Helay Natiijada Imtixaanka Dugsiyada Dalka

0
700

 

nuradinHargeysa(Geeska)-Dugsiyada gaarka loo leeyahay ee Nuuradiin School oo ah dugsi gaar loo leeyahay ayaa hantiyay kaalmaha ugu sareeya ee natiijada imtixaanka dugsiyada sare iyo dhexe oo ay wasaaradda waxbarashadu khamiistii ku dhawaaqday.

 

Dugsiyada Nuuradiin oo ka dhisan magaalada caasimadda ah ee Hargeysa, wuxuu sannadkan helay tirooyin soo jiitay indhaha rayul caamka. Tusaale ahaan natiijada imtixaanka ee dugsiyada sare ee guud ahaan dalka oo aanu ku jirin dugsiga SOS, waxa kaalinta 1aad, 2aad iyo 3aad galay ardayda kala ah  Maxamuud Muuse Cali Cige, Xamse Faarax Cabdillaahi Cabdi iyo  Cabdifataax Axmed Cabdi Sarhaye oo ka tirsan ardayda dugsiga sare ee Nuuradiin, halka tobanka arday ee guud ahaan dalka oo uu ku jiro dugsiga SOS ay ugu sareeyaan Maxamuud Muuse Cali Cige oo ka tirsan ardayda Nuuradiin, iyo Xamse Faarax Cabdillaahi Cabdi oo ka soo jeeda Nuuradiin, waxaana kaalinta 3aad galay Muuse Axmed Caynaanshe Odowaa oo ka socday SOS, halka uu kaalinta 4aad galay Cabdifataax Axmed Cabdi Sarhaye oo Nuuradiin ka tirsani. Tobanka hablood ee ugu sareeyay guud ahaan dalka waxa kaalinta koowaad gashay Salma Xasan Cismaan Ducaale oo ka socotay dugsiga Ilays, waxase uu  dugsiga Nuuradiin ka helay kaalinta labaad oo ay gashay Muwahib Aadam Maxamuud Xirsi iyo saddex hablood oo kale oo galay kaalmo sare oo kale.

Marka laga hadlayo dugsiga dhexe ee dalka waxa iyagana kaalinta 1aad galay arday ka socday dugsiyada Nuuradiin oo lagu magacaabo Mustafe Ismaaciil Maxamed Cismaan, sidoo kale kaalmaha 3aad iyo 4aad waxa galay arday ka socotay dugsiga Nuuradiin oo ah  hablaha kala ah Muuna Maxamed Aadan Jaamac iyo Muuna Aadan Maxamed Geele . Dhinaca hablaha dugsiga dhexe ka qalin jebisay waxa kaalinta 1aad gashay Muuna Maxamed Aadan Jaamac  oo ka tirsan dugsiga nuuradiin, sidoo kale kaalinta 2aad waxa iyana gashay Muuna Aadan Maxamed Geele oo ka socotay isla Nuuradiin.

Sidaas daraadeed, dugsiga Nuuradiin, wuxuu sannadkan qayb libaax ka helay natiijatii imtixaanaadka dalka, waxaana ardaydaas guud ahaan ka qalin jebisay dugsiyada Nuuradiin hambalyo iyo bogaadin u diray maamulaha guud ee Nuuradiin Schools Md. Mahad Ibrahim Maxamed, “Alle ayaa marka koowaad mahad oo dhan iska leh, marka labaadna waxa mahad leh macalimiinta wax u dhigaysay ardayda reer Nuuradiin ee guusha u soo hoysay waalidkood iyo dugsiga ay dhiganayeenba.” Sidaas ayuu yidhi Mahad, waxaanu intaas raaciyay, “Ardaydaas kaalmaha hore gashay ee isugu jira wiilasha iyo gabdhaha, waxaan u dirayaa hambalyo gaar ah, sidoo kalena waxaan bogaadinayaa waalidkood.”