Guddiga Jidka Baligubadle Iyo Hargeysa Oo Ka Hadlay Lacagaha Uga Soo Xarooday

0
940

Picture2Hargeysa(Geeska)-Guddiga dhismaha waddada Hargeysa iyo Baligubadle ayaa ka war bixiyey dhaqaalihii u soo xarooday mudooyinkii ugu danbeeyay.

Guddidan oo shir jaraa,id ku qabtay Hotel Caydiid oo ku yaala magaalada Hargeysa ayaa waxay ka war bixiyeen dhaqaale uga soo xarooday maalintii ciidii garoonka weyn ee Hargeysa Stadium kaas oo ay ku deeqeen dadweynihii salaada ciida iskugu yimid garoonkaasi.

Ugu horayna waxa shirkan jaraa,id ka hadlay Sheekh Mubaarig Muuse Faarax oo ka mid ah gudida dhismaha waddada isku xidhaysa Hargeysa iyo Baligubadle kaas oo ka waramay dhaqaalaha u soo xarooday, isaga oo fariimana gaadhsiiyey dadkii ku dhawaaqay lacagta,xoolaha iyo dhulka ee

 aan wali soo xarayn, shacabka Somaliland ugu baaqay inay ka qayb galaan dhismaha wadddaasi oo qaranka muhiimad gaar ah ugu fadhida iskuna xidhaysa Ethiopia iyo Somaliland.

Ugu horayna Sheekh Mubaarig Muuse Faarax oo ka hadlaya dhaqaalaha u soo xarooday maalintii ciidal fidriga ee ay ka ururiyeen dadkii iskugu yimid garoonka Hargeysa Stadium ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu shirkan jaraa,id u qabanay  inaanu si faah faahsan oo qurux badan u sheegno dhaqaalihii na soo galay ciidal Fidrigii ee aanu ka ururinay garoonka Hargeysa Stadium, waxaana nooga hir galay dhaqaale aad u fiican, wixii aanu  dadka ku qornay waxay noqdeen $44,597,  dhulk ii lagu  deeqayna waxa uu noqday 18 baloog oo qiimahoodu noqday $200,00 waxaana intaas dheerayd madaxweynaha oo oo maalintaas ku deeqay $100,000 aadna aan uga mahad naqaynaa lacagtaas uu sida gaar ah ugu deeqay anaga oo waliba ka rajaynayna in madaxweynaha iyo xukuumadiisu ay gacan mug leh oo xoog badan ka gaysan doonaan, waxa kale oo aanu aad ugu mahad naqaynaa dhamaan dadkii wax bixiyey haday tahay shirkii Afgarad 3 iyo haday tahay ciidal Fidrigii oo qof waliba bixiyey wixii uu helayey, waxaanan leenahay ilaahay haydinka abaal mariyo oo khayr ka hela miisaanka xasanaadkana ilaahay haydinku diro, xoolahiina iyo ubadkiinana ilaahay haydinku barakeeyo.” Geesta kale, waxa hadalka soo gunaanaday xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ah guddoomiyaha guddiga wadada Hargeysa iyo Baligubadle. Xildhibaan Nac Nac ayaa ugu baaqay cid kasta oo shirkii Afgarad 3 iyo salaadii ciidal fidriga ee lagu tukaday garoonka Hargeysa Stadium ku yaboohday lacag,xoolo ama dhul inay si deg deg ah u soo xareeyaan. Ugu horayna xildhibaan Nac Nac oo fariin u diraya dadka aan wali soo xarayn wixii ay kaga qayb galeen dhismaha jidkaasi ayaa waxa uu yidhi “waxaynu u baahanahay inaynu bixino lacagtii aynu ku dhawaaqnay tii lagaga dhawaaqay shirkii balli-gubadle ee Afgarad3 iyo tan danbe ee lagaga dhawaaqay salaadii ciida ee garoonka Hargeysa Stadium, lacagtii lagaga dhawaaqay shirkii Balli-gubadle waxyar ayaanu ka haynaa, waxaana loo baahan yahay in si deg deg ah loo soo xareeyo.”ayuu yidhi xildhibaan Nac Nac . Sidoo kale xildhibaan Nac Nac waxa uu sheegay in madaxweynaha Somaliland laga heli doono lacagtii uu ugu deeqay jidkaasi maalintii ciida waxaanu yidhi “Waxaanu leenahay dadkii is qoray iyo kuwii kalaba walaalayaal lacagtii waa laynooga fadhiyaa madal ayaanad kaga dhawaaqdeen, waxaanu doonaynaa inaad lacagtii u soo shubtaan wadddada, madaxweynahana waynu ka helaynaa lacagta uu ku dhawaaqay aadna wuu u mahadsan yahay, madaxweynuhuna meeshii uu dhagax dhigayba wuu furayaa ilaahayna ha la qabto.” Ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac Nac. Xildhibaan Nac Nac waxa uu sheegay inay xukuumada ka go,an tahay sidii ay wadanka u dhisi lahayd, waxaanu tilmaamay in meel kasta oo madaxweynuhu dhagax dhigay uu dhisi doono isla markaana uu furi doono.