Bayaan Laga Soo Saaray Dhismayaal Dawladda Hoose Ee Burco Iibinayso

0
774

Picture1Burco(Geeska)-Gudiga Guryaha booliska Burco ee Agagaarka Saldhiga Dhexe ayaa bayaan ka soo saaray Guryo dawladeed oo ay Dawladda Hoose ee Burco iibinayso ,kuwaasi oo ay degenyihiin Askar boolis iyo Xaasaskoodi.

Gudigan oo Ganafka ku dhuftay iibka Guryahan iyo waliba Dhismayaasha kale oo Golaha deegaanka Burco ka iibinaayo Ganacsato madax-banaan,ayaa Madaxweynaha Somaliland ugu baaqay in uu arintan si deg deg ah wax uga qabto .

Afhayeenka Gudigan Xuseen Axmed Maxamuud (Lumuumbe) oo bayaankan Saxaafadda u akhriyay ayaa yidhi.

" Madaxwayne haddii aanu nahay Ciidanka Booliska Degmadda Burco ee ku jira Lix iyo Tobanka Guri ee Ciidanka Booliska lahaa ee u dhow Saldhiga Dhexe  ee Caruurta iyo Xasaaskoodu ku jiraan ,ahna guryihii laga difacayay Saldhiga Dhexe hadii ay wax dhacaan,ayaa waxa dhacday madaxwayne in masuliyinta iyo xildhibanada golaha deegaanka Burco  in ay ganacsatada gobalka Togdheer usoo bandhigaan, in ay iibinayaan dhulkii dadwaynaha sida Garoonka Basket-balka Sheikh Bashiir,iskuulka Siyaad,iyo Guryihii Ciidanka Booliska ee aanu degenayn.

 

Madaxweyne dhawaqaasi anaga iyo Dadwaynihi reer Burcaba wuxuu ku riday fajaciso iyo argagax ka dib markii inta ay Saxafadda soo istageen ay yidhaadeen , Waanu iibinaynaa Dhismayaashii Qaranka ee Dadwaynuhu lahaa, Waana ayaan darro .Markaa Madaxweyne hadii aanu nahay Ciidanka booliska markii horaba Dowlada kumaanu qabin Daryeel iyo Waxbarasho midna ,Maantana hadii aad iibisaan guryihii ay noo deganayeen agoontu iyo Haweenku waa ayaan darro aad u wayn,

 

Markaa Madaxwayne horana Waxaad wareegto uga soo saartay in Aan la iibsan karin guryaha ummadda,maantana Dowladii Hoose ee Burco waxay leeyihiin Waxaanu Sidanaa Digreeto Madaxwayne adiguna ma tihid kii iibin lahaa garoomadda iyo guryaha eek ii dhisaayay ayaad tahay ,bal markaa Madaxweyne waxaanu kaa codsanaynaa in aad arintan wax ka qabato ,mana aqbalayno waxay maamulka Dawladda Hoose sumcadda Dawladaada u masaxayaan .

 

Mida kale Madaxweyne Maayirka Degmadda Burco iyo Ku xigeenkiisu ,Cashuurtii loo laban laabay ee ay shicibka ka qaadayeen way cuneen oo Burcona wax kagamay qaban Dawladda Hoose-na kama muuqato Xashiishkuna laamiyada ayuu yaalaa ,xiitaa dhulkii danta guud way dhamaysteen imikana dhismayaashii iyo garoomadii ayay usoo dhigteen markaa waxaanu kaa codsanaynaa in aad shicibka ka qabato ,waayo way ku ceebaynayaan”.

Waxa kale oo iyana bayaankan ku saxeexnaa Yaasiin Maxamed Faarax iyo Maxamed Ismaaciil Maxamed kuwaasi oo ka mid ah gudiga xaafadan.

Geesta kale cabashooyinka iyo baaqyadda lagaga soo horjeedo Dhismayaashan Dawladda Hoose ee Burco iibinayso ayaa mudooyinkii u danbeeyay soo xoogaysanaayay ,waxaana arintan si weyn looga dareemay Magaalada Burco.