Jendayi Frazer Oo Si Kulul U Naqdiday Siyaasada Dalkeeda Ee Ku Waajahan Uhuru Kenyata

0
510

 

 

Picture1Nairobi (Geeska)- Diblomaasiyad sare oo Maraykan ah, xil sarena haysay xilligii Madaxweyne Bush, ayaa ku dhaleecaysay wadankeeda inaanu si rasmi ah u aqoonsan guushii Uhuru Kenyatta ee doorahada Kenya.

Jendayi Frazer, oo hore u ahayd kaaliyaha xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka ee Arrimaha Afrika ayaa sheegtay in Maraykanka iyo Yurub ciyaar halis ay ciyaarayaan, ka baaqashadooda inay taageeraan guusha madaxtinimada Kenya ee Uhura. “Hadii Maraykan, Ingiriis iyo Yurub aanay doonayn la macaamilka Uhuru Kenyatta, Qorshe kale ayuu leeyahay,” ayey ka digtay.

Iyadoo ka hadlaysay wareysi uu la yeeshay telefishanka Maraykanka ee PBS, ayey Frazer sheegtay in Kenya tahay saaxiib muhiim ah oo Maraykan iyo saaxiibadii u ah la dagaalanka argagaxisada, marka laga tago ahaanshahiisa hoyga dhaqaalaha ee Barriga Afrika.

“Ganacsi badan oo Maraykana sida FORD, General Electric iyo kuwo kale ayaa xarumo ku leh, markaa waa gobol muhiim ah.” Ayey tidhi.

Sidoo kale waxay ka digtay, halista reer galbeedka ku gaadhaysa waayitaanka gobol muhiim ah.

“Xaalada juqraafi gebi ahaan wuu isbedelay, oo fursad u ah Shiinaha. Waxay damacsan yihiin buuxinta kaalinta Maraykan iyo Yurub hadday diidaan la macaamilka Uhuru.” Ayey tidhi.

Frazer oo sheegtay inay booqatay laba jeer Kenya sannadkan ayaa sheegtay in safiirka Shiinaha iyo wasaaradooda Arrimaha Dibeddu mar hore soo dhoweeyeen Kenyatta, doorashadiisa madaxtinimada.

Frazer ayaa ku eedeysay Maraykanka, kanada iyo Ingiriiska inay qasayaan arrimaha gudaha ee Kenya, iyagoo ugu hanjabay cuna-qabatayn ganacsi inay saarayaan hadii ay doortaan Uhuru.

“Xaalad halis ah ayey ku jireen doorashada horteed, waxay ugu hanjabeen shacabka Kenya, ‘Hadaad doorataan Uhuru Kenyatta, caqabado ayaad la kulmi doontaan, waxa laga yaaba inaan cuna-qabatayn ganacsi saarno, oo ka badbadis ahaa, maxa ayeelay kiiska Kenyatta ee maxkamadda weli lama caddeyn.” Ayey raacisay.