Hargaysa( Geeska )-Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Md. Ciise Yuusuf Maxamed (Xamari), ayaa si rasmiya u shaaciyey inay Hakiyeen natiijadii hordhaca ahayd ee Degmada Hargeysa.
Guddoomiyaha Komishanka ayaa sidoo kalena waxa uu sheegay Ururada Siyaasada iyo Asxaabta Qaranka in ay isla garteen in dib loogu noqdo Tirinta Codadka Degmada Hargeysa, oo Cabashooyin laga muujityey.
Gudoomiyaha Komishanka doorashooyinka Ciise Xamari waxa uu arimhaasi kaga hadlay waraysi uu siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, isaga oo arimhaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “ Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxa uu go’aansaday Maadaama markii Natiijadii Codbixinta Hargeysa lagu dhawaaqay degmada Hargeysa ay ka bilaameen Rabshado, isla markaasina ay dhimasho dhacday, in la hakiyo Natiijadii hordhaca ahayd ee Degmada Hargeysa Dib u eegisna aanu ku samayno Sanaaduuqdii Hargeysa.” ayuu yidhi Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinku.
Waxa uu sheegay Gudoomiyaha Komishanku inay Ururada iyo Xisbiyada isla qaateen in dib loo tiriyo Codadka ka soo baxay Hargeysa “ Ururada iyo Asxaabta waxaanu ku qancinay dib u eegista aanu samaynayno, waanay nala wada qaateen, ururka Xaqsoor isaga Masuulyiintiisa waanu la xiidhidhnay waxay Yidhaahdeen Jawaabta aad cabashadaya ka bixinaysaan Warbaahinta noo soo mariya, farriintu dadka ay ku socoto waa ka mid.”
Gudoomiye Ciise Xamari Waxa kale oo uu sheegay in odayaasha deegaanada Saylac oo cabashooyin doorashada la xidhiidhaa ay ka soo yeedheen ay wada hadleen islamarkaasna ay isla garteen in ay cabashadooda u gudbiyaan Maxakamada Gobolka Awdal.
Lama oga in dib u tirinta guddiga doorashada ka dib uu isbedel ku iman doono natiijadii ku meelgaadhka ahayd ee ay hore ugu dhawaaqeen, laakiin bulshada ayaa si weyn ugu dheg taagaysa go’aanka soo bixi doona dib u tirinta ka dib oo saamayn ku yeelan doona su’aalo badan oo jawaabo loo raadinayo. Doorashadan oo ah tii ugu horaysay ee uu qabto Madaxweyne Siilaanyo mudadii uu talada hayay, waxa ka dhashay muran iyo buuq badan oo halis ku ah amniga qaranka.