Baaq Ku Waajahan Dilka Waxashnimada Ah Iyo Cadaawadda Ay Dawladdu Ku Caddeysatay Ururka Xaqsoor

3
761

baaq21Annagoo ah taageerayaasha xisbiga XAQSOOR ee ku kala nool darafyada caalmka waxaanu si aan kala hadh lahayn oo mug iyo baaxadba leh u caambaaraynaynaa Guddiga Komishanka Qaranka iyo dowladda qowlaysatada isu-bedahshay ee uu gadhwadeenka ka yahay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ee sida cadawtinimadu ku jirtay ee arxanka lahayn rasaasta la beegsaday dhallinyarada xaafadda Axmed Dhagax ee sida salmiga uga cabanayey sida qaawan ee badheedhka iyo ula kaca ah ee ay dowladdu iyo komishanka oo is-wataa ugu heshiiyeen in la boobo doorashada gaar ahaanna ururka XAQSOOR. Waxa haatan noo caddaatay oo aan in yarna caad naga saarnayn sida faashilka  ah ee loo soo qorsheeyey in codadkii ururka XAQSOOR, qaarna la boobo, qaarna la qubo, musharaxiintiisiina meelaha qaarkood laaluush lagu kala diro.

XAQSOOR waa urur dhidibada loogu taagay caddaalad si beelaha Somaliland oo dhan la isugu soo dhaweeyo oo ay calan qudha u wada hoos hadhsadaan si qaranimada iyo madax bannaanida aynu sheeganaynaa ay u noqoto mid macno samaysa oo meel mar ah. Waxase soo shaac baxaday oo haatan marag ma doonto ah in dowladdu aanay muraad ka lahayn in beelaha darafyadu ay Somaliland ka baxaan iyo inkale balse ay kaga warwar weynayd sidii jab loogu geysan ururka XAQSOOR iyadoo la adeegsanayo agabka, waqtiga, maaliyadda iyo cududda dowladda.

Waxaanu gaar ahaan tilmaamaynaa qodobada soo socda:

Boobkii Seylac

Waxa markhaati ma doonto ah in denbiga laga galay xisbiga XAQSOOR laga soo maleegay halka ugu sarreysa ee dowladda taasna waxa daliil u ah sida badheedhka ah ee xishoodka iyo maamuuska madaxtinimo ka reeban ee uu madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Seylici u boobay Seylac iyo Lughaye oo la iska garanyey inuu XAQSOOR codad badan ka helayey. Waxa  moodaa haatan in madaxweyne ku xigeenka lagu taliyey in xalka yahay inuu waddanka ka baxo ka dib markii uu soo boobay goobahaas isagoo ka qayb galay shir hoose oo aan loogu talo gelin madax darajadoodu gaadhsiisantahay madaxweyne ku xigeen balse badhasaabo ku siman. Ujeedada uu u cararyna waxay ahayd in aan wax laga weydiin arrintaas inta natiijado soo baxayso. Xubno ka kala tirsan xisbiyada XAQSOOR KULMIYE iyo WADDANI oo ka soo jeeda beesha Seylac ayaa isku wada raacay boobka halkaas ka dhacay iyo ceebta uu ka dhigay madaxweyne ku xigeenku.

Boobkii Sool

Waxa sidoo kale marag ma doonto ah in xisbul xaakimka KULMIYE oo guddoomiyihoodii gobolkaas uu is casilay maalmihii u dambeeyey ee olalaha doorashayooyinka uu waayay ruux reer Sool ah oo taageersan KULMIYE sidaa awgeed uu is-casilay oo uu ku biiray ururka XAQSOOR.

Markuu ogaaday xisbiga KULMIYE marxallada uu ka taagan yahay gobolka Sool intuu ku soo shubtay ayaa lambarka labaad iskamuu dhigin ee wuxuu iska dhigay inuu lambarka koowaad yahay.

Waxa soo if-baxday in tuulada Xuddun uu ka soo sharraxay ururka XAQSOOR 13 xildhibaan lacagtiina laga qabtay. Hase ahaatee, guddoomiyahay Komishanka Qaranka ayaa liistadii 13ka xildhibaan ahayd ka qaatay 5tii ugu sarreysay oo keliya, kuna wargeliyey masuuliyiinta XAQSOOR in 8da xildhibaan ee dhinaca Dhulbahante ay is-xambaar ku soo baxayaan. Xildhibaanadii Xuddun shir jaraa’id oo ay qabteen waxay sheegeen in nabadi ka jirto goobtaas sidaa awgeedna doorashada laga qaban karo. Shaqaaqo ayaa ka dhacday aagaas maalintii doorashado meeshaas ka dhici lahayd taasina waxay dhalisay in la yidhaahdo doorasho kama dhacayso goobtaas. Sidaa awgeed halkii la wada kansal garayn lahaa sanaaduuqdii Xuddun oo dhan degmo ahaan waxa la dhigay qaar ka mid ah meel la yidhaahdo BOHOL halkaasoo codkii ka soo baxayna la kala siiyey WADDANI iyo UMMADDA. 

Sanaaduuqdii loogu talo galay in lagaga codeeyo Xuddun, oo aan ka ahayn kuwa la dhigay BOHOL, waxa la geeyey xero milatari halkaasoo sida la doonayo looga soo cabbaystay.

Is-hortaagii Sanaaduuqda Sanaag Bari

Waxa Cad in gobolka Sanaag oo masuuliyiinta xisbiga XAQSOOR iyo komishanku ay ku heshiiyeen in la geeyo Dhahar iyo Badhan in daqiiqadii ugu dambeysay la iska dhigay magaalada Ceerigaabo taasoo lagu sababeeyey in ammaan darro ay ka jirto Dhahar iyo Badhan inkastoo ciidanka Qaranku uu si xoog ah u joogay goobahaas.

26kii November 2012, deegaanada Bariga gobolka Sanaag ayaa la sheegaya in ciidamada maamulka Puntland ee halkaasi ku sugnaa iyo masuuliyiintii maamulka ee kale ay iskaga soo baxeen dhammaan deegaanadaas kadib markii ay deegaanka soo galeen ciidamo aad u tiro badan oo ka yimid dhanka Somaliland. Magaalooyinka Dhahar, Laasqoray, Hadaaftimo iyo Badhan ayaa dhammaantood ay iskaga baxeen masuuliyiintii taabacsanaa Puntland iyadoo wasiir ku xigeenka amniga Cabdi Jamaal Cismaan uu ka mid ahaa masuuliyiinta halkaasi iskaga baxay.  Ammaan darrada ay dowladdu sheeganysaa waa mid ay marmarsiiyo ka dhiganayaso. Qorshuhu wuxuu ahaa yaanu XAQSOOR waxba ka helin halkaas.

 

 

 

 

 

Sanaaduuqdii loogu talo galay goobahaas waxa la geeyey xeryaha milatgariga ee Carmaale iyo Shimbiraale.

 

Tuurista Sanaaduuqdii Axmed Dhagax

Waxa kale oo marag ma doonto ah, marka ay dowladdu meel kasta ka soo weerartya in Hargeysa oo ahayd meel uu ku xoogweynaa ururka XAQSOOR in maalintii Arbacada ee 05/12/12 uu ninkii masuulka Xog-Haynta Doorashada loo xilsaaray uu masaxay tiradii ururka XAQSOOR ka haystay Hargeysa isla mar ahaantaana la waayay Sanaaduuqdii degmada Axmed Dhagax ee uu ururka XAQSOOR codka badankiisa ka filayey si wax la isu daba mariyo oo XAQSOOR meesha looga saaro.  Waa maxay caddeynta taas ka badan ee loo baahan yahay in la soo bandhigo in dowladdu cadaawad badheedha ah ku caddeysatay ururka XAQSOOR. Sidee loo waayi karaa sanaaduuqda Axmed Dhagax oo keliya?

Maxaa keenay intaan natiijada Hargeysa lagu dhawaaqin, iyadoo aan dhibaato jirin, in ciidamo la sii tubo degmada Axmed Dhagax?

Waxa wax lala yaabo ah, oo muujinaya daallinimada dowladan ay qawlaystadu ku bahawday,  in guddoomiyaha XAQSOOR oo dacwad u gudbiyey madaxweynaha, wasiirka daakhiliga iyo guddoomiyaha komishanka ay intuba dhegaha ka fureysteen inay ka jawaabaan dacwadda la soo hor dhigay oo ku adkaatay waxay kaga jawaabaan.

Haddii aanu nahay taageerayaasha XAQSOOR waxaanu cambaaraynaynaa dilka waxashnimada ah ee ay geysteen ciidamada amnigu iyo boobka ay ku bahoobeen dowladda iyo komishanka qaranku ee anshaxa dowladnimo ka baxsan, taariikhdana meel madow ka geli doona.

Marnaba ma xalaalayn doono, mana aqbali doono natiijada xaaraanta ah ee komishanka qaranka iyo dowladdu soo wada maleegeen.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

1)   Xamse Xaaji Xasan

2)   Cabdiraxmaan Maxamed

3)   Yasir Maxamuud Ibraahim

4)   Xuseen Cabdillaahi (wanaagsane)

5)   Aadan Cali Xamari

6)   Axmed Cabdillaahi

7)   Maxamed Cabdi Keyd

8)   Shukri Cabdi Xuseen

9)   Siciid Baashe

10)                Cabdiqani Axmed Mire

11)                Dayib Aadan Xabashi

12)                Maxamed Qawdhan

13)                Muxumad  Cali Aw Xuseen

14)                Faysal Cali Aw Cabdi

15)                Maxamuud Aw Aadan

16)                CaliDucaale Seed

17)                Cabdirisaaq Cali Ducaale

18)                Maxamuud Jibriil

19)                Xasan Cali Ducaale

20)                Cabdiqani  Diiriye

21)                Xasan Sheekh Axmed

22)                Cabdsamad Cali Ducaale

23)                Cabdikariim Cali Ducaale

24)                Xuseen Cali Ducaale

25)                Mahdi Cabdillaahi Cumar

26)                Khadar Cabdillaahi Cumar

27)                Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cumar

28)                Cabdiwahaab Naasir

29)                Khalid Yusuf Axmed Xandule

30)                Sulub Aw Cabdi Cambalaash

31)                Khadar Aw Diiriye Muxumad

32)                Maxamuud Qasabeeye

33)                Siciid Qasbaaye

34)                CaliBasbaas

35)                Ibraahim Muuse Xasan Walay

36)                Kornayl Faysal Cali Qaafil

37)                Yusuf Muuse Dage

38)                Axmed Macalin Cusmaan

39)                Dr. Cabdi Suudi

40)                Dr. Ibraahim Jama

41)                Ingineer Cabdirisaaq Cali Xasan

42)                Axmed Jaamac Cabdillaahi

43)                Rashiid Xasan Xirsi

44)                Axmed cali Qaafil

45)                Sheekh Maxamed Amiin Sh. Bashiir

46)                Ibraahim Cabdillaahi Caalin

47)                Cabdi Ruush Xuseen

48)                Khadar Xasan Xirsi

49)                Radwaan Dayib Cabdillaahi

50)                Cabdiraxmaan Abiib Cabdillaahi

51)                Cabdikhadar Xasan Cabdillaahi

52)                Guleed Cabdillaahi Axmed Rooble

53)                CaliCabdi Rooble

54)                Idiris Xuseen Cabdillaahi

55)                Jaamac Maxamed Cawaale

56)                Cabdiqaadir Ciise Kaahin

57)                Cabdi Dahir Aadan

58)                Xasan Nadalo

59)                Maxamuud Jaanyar

60)                Maxamed Cabdi Haybe

61)                Maxamed cabdi Gool

62)                Ayaanle Maxamed

63)                Ibraahim Cabdi Habreed

64)                Khadar Khayre Carablow

65)                Rashiid Xasan Xirsi

66)                AdenIbraahim

67)                Khadar Gadaawe

68)                Cabdicasiis Khadar Gadaawe

69)                Axmed Mahdi

70)                Xuseen Fiiraan

71)                Daahir Axmed Jees

72)                Ibraahim Daahir Colow

73)                Xuseen Cali Rooble

74)                Maxamed Ibraahim Muuse

75)                Siciid Hugul

76)                Nuur Cali Kooke

77)                Maxamed Jaamac Dhalaax

78)                Jaamac Axmed cagabaruur

79)                Nuur Jaamac Maxamed

80)                Cabdiraxmaan Jaamac Maxamed

81)                Khadar Siciid

82)                Cabdiraxmaan Xuseen Xasan Gubadle

83)                Ibraahim Salaan

84)                Axmed Sheekh Cabdi Wali

85)                Maxamed cabdillaahi Cabdi

86)                Maxamed Xaaji Cismaan

87)                Ilyaas Cali Rooble

88)                Liibaan Qaambiil

89)                Xayd Adan Jaamac (Jaanyar)

90)                Jibriil Jaamac Jaanyar

91)                Khadar Naasir Ayjeex

92)                Maxamuud Xaashi

93)                Cabdiqani Diiriye Aw Maxamuud

94)                Axmed Dhagoole

95)                Cabdishakuur Mawliid

96)                Abusite Jibriil

97)                Abdisalaan Sheekh Daahir

98)                Sahrmaarke Baadari

99)                Mohammed Yusuf Madadse

100)             Cabdirisaaq cali Qaafil

101)             Maxamed Daahir Hagoogane

102)             Siciid Cabdi Xirsi Madadaal

103)             Daariq Xaaji Yuusuf

104)             Cabdikhadar Warsame (Afyare)

105)             Faaruuq Cabdillaahi Doob Ilkoole

106)             Xariir Maxamed Jaamac

107)             Axmed Cabdillaahi Jawaan

108)             Faysal Cabdi Cilmi

109)             Axmed Guuleed Xirsi

110)             Fuaad Ibraahim Odowaa

111)             Cabdinaasir Hagagaar

112)             Xasan Cabdi Cilmi

113)             Axmed Deeq Cabdi Cilmi Dixood

114)             Cabdillaahi Daahir

115)             Maxamed Cali Mooge

116)             Dayib Cismaan Quule

117)             Anwar Cali Xiid

118)             Xuseen Aden Cadde

119)             Cabdi Aden Cadde

120)             Mustafe Xaaji

121)             Cabdi Diyaar

122)             Baashe Abdi Abdillaahi

123)             Maxamed Aden cadde

124)             Najax Tulux

125)             Koosaar caydiid

126)             Cabdulqaadir Cabdullaahi Xirsi

127)             Cabdi Xirsi Adar

128)             Khadar Caydiid

129)             Maxamed Koosaar Caydiid

130)             Khadar Masmas

131)             Mustafe Yusuf

132)             Cabdiqaadir Axmed Wali

133)             Maxmed Ismaaciil

134)             Cabdisalaan Cali Akshan

135)             Cabdifataax Cali Waraabe

136)             Yusuf Maxamed Dage

137)             Cumar Cali Jabaan

138)             Maxamed cabdiqaadir Foodyare

139)             Maxamed Amiin Sheekh Bashiir

140)             Axmed Jaamac Dheere

141)             Khadar Axmed

142)             Cawl cabdi Timir

143)             Cusmaan Xaaji Cali

144)             Mustafe Xaaji Maxamed

145)             Mawliid Abiib Sodan

146)             Xukun Cabdin Tuur

147)             Professor Maxamed Dalab

148)             Mahdi Cabdi Tuur

149)             Maxamed Jiriiban Xaaji Jirde

150)             Yusuf Ibraahim

 

Comments are closed.