Hargaysa( Geeeska )-Komiishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa mar kale ka hadlay caqabadaha ilaa hadda ka hor-taagan inay cayimaan wakhtiga doorashada golayaasha deegaanku dhacayso.
Komiishanka doorashooyinku waxa uu sheegay in habka astaanta ee dhawaan golaha Guurtidu meel mariyey in lagu galo doorashada deegaanka ay mushkiladeeda leedahay, maadaama bay yidhaahdeen astaamaha musharixiintu samaystaan ay aad u yar-yaraanayaan marka hal warqad lagu wada dhajiyo astaamaha 225 musharaxa oo gobolka Hargeysa oo kale ka tartamaya.
Guddoomiyaha komiishanka doorashooyinka Qaran Ciise Yuusuf Xamari oo Mudanayaasha golaha Wakiilada war-bixin ka siiyay hawlaha doorashada deegaanka ayaa yidhi isaga oo sharaxaya astaamaha musharixiinta iyo mushkiladaha ka iman kara “Haddii aynu soo qaadano Hargeysa waa 25 xubnood oo Golaha Deegaanka ah, 25 Xubnood oo ku yaala hal Warqad oo sagaal Xisbi min 25 soo sharaxayaan, waxa weeyaan 225 Musharax ayaa Warqada codaynta ku oolaya, taas oo keenaysa in codkii Muwaadinku in aanay ku dhicin gacantuu doonayey oo ah marka uu 225 lagu soo qoro Warqad codayneed oo kaliya in ay ku keento sidii aynu hore u soo aragnay doorashadiinii inuu Qofku kala garan-waayo 225 sumadood.”
Guddoomiye Xamari waxa uu sheegay inay sameeyeen doorasho tijaabo ah si loo ogaado in habka Sumada doorashada lagu gali karo, balse khaladaadkii ka soo baxay ay ku garowsadeen in habka Lambarka dadka ay uga fududahay in doorashada lagu gallo “Waxaanu u yeedhnay 200 qof, 100 Qof oo wax akhriya iyo 100 oo aan waxba akhriyin, waxa nagala shaqeeyay Ururada bulshada rayidka ah oo aan ka dalbanay inay noo keenaan 25 Qof oo iskugu jira Dad waaweyn iyo dhalinyaro oo Rag iyo Dumar-ba leh waxa nooga soo baxay qaladaad yar-yar oo farsamo oo Qofku ku dhacay markii uu codaynayey oo laga sixi karo daabacaada dambe, laakiin waxaanu si wacan u helnay oo nooga soo baxay in dadku lambarka ku faa’iidi karayaan”ayuu yidhi Guddoomiyaha Komiishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland, waxaanu intaa ku daray in habka Lambarku ka kharash badan yahay habkii ururka ama xisbiga la dooran jiray “Markii Lambarka lagu soo kordhiyey waxa yimid inuu kharashkii ka kordho sidii markii liiskii xidhnaa”.
Guddoomiyaha Komiishanku waxa kale oo uu sheegay inay xukuumadda ka hayaan kharashkii dawladu ku daraysay doorashada golaha deegaanka, balse deeq-bixiyayaasha caalamiga ah ay ilaa hadda wax ka dhiman yihiin “kharashkii xaga Dawlada waanu ka haynaa, laakiin qaadhaan-bixiyayaashu sidii ay qaadhaanka isku saareen waxbaa ku laaban oo wali qabyo ku ah oo kharashkii soo kordhay markii tan loo guuray may wada daboolin. Waxay noqotay in doorashadii kharashkeedii iyo hawsheedii inay saddex laab ka badato wixii aynu haysanay, marka aynu taa eegno in aanay suurto gal ku ahayn haddii ay noqotay amaan ku filan”.