Badhasaabkii Hore Ee Saaxil Oo Xil Ka Qaadistiisa Ku Masaalay Maalintii La Dilay Cabdillaahi Xaaji Siciid Oo Ay Dawladii Siyaad Barre Xaqdaro Ku Toogatay

0
670

 

8787Berbera(Geeska)-Badhasaabkii hore ee gobalka Saaxil ee uu Madaxweynuhu xilka ka qaaday Md. Maxamuud Saleban Cali (Ramaax), ayaa xil ka qaadistiisa ku maseeyay maalintii ay dawladii Maxamed Siyaad Barre dishay  Cabdillaahi Xaaji Siciid, oo u dhashay Somaliland.

 

Alle haw naxariiste, Col. Cabdillaahi Xaaji Siciid, waxa ay dawladii Maxamed Siyaad Barre toogatay 27 January 1982, wakhtigaas oo uu madax u ahaa ciidankii gaarka ahaa ee ugu awood badnaa ciidamadii Somaliya oo degenaa deegaanka Dharkan-geeyo ee gobalka Sool. Marxuum Cabdillaahi Xaaji Siciid, waxa uu si hoose xidhiidhiye ugu ahaa saraakiil milatari oo reer Somaliland ah oo markaas abaabulayay inay  bilaabaan halgankii SNM, waxaana ay dawladii Maxamed Siyaad Barre marxuumka ku qabatay magaalada Burco oo uu u yimid ka qayb galka aroos walaalkii samaysanayay, 

waxaana lagu dilay duleedka xerada ciidamadii uu madaxda ka ahaa ee Dharkangeeyo. Waxase uu dilkiisu sii huriyay halgankii SNM, iyadoo afar cisho ka dib dilkiisa ay dhinaca SNM u talaabeen afartii sarkaal ee ugu horeeyay saraakiishii hoggaaminaysay halgankii SNM.

Wasiirka Arrimaha gudaha Md. Maxamed Nuur Caraale (Duur), ayaa shalay xilka u kala wareejiyay badhasaabkii hore Mr. Ramaax iyo badhasaabka cusub ee Saaxil Mr. Cali Maxamed Cilmi, waxaanu Mr. Ramaax halkaas ka soo jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo la xidhiidha xil ka qaadistiisa.  “Khaalid binu waliid markii xilka laga qaaday ummad badan oo Islaam ah, 120 kun oo ciidan ah ayuu xukumayay asxaabtii oo dhami way yaabtay, iyadoo ciidankii baxayo oo diyaar yahay ayaa Khaalid xilkii laga tiriyay, halkaana xikmad Rabaani ah baa ku jirta, Nebiguna goobjoog buu u ahaa, bedelka Ramaaxna Berbera waxba u noqon maysaan leeyahay.” Ayuu yidhi Badhasaabkii hore, waxaanu intaas raaciyay “Dhinac kale waxay ka meteshaa maalintii Cabdillaahi Xaaji Siciid la dilay, markii maxkamadda loo qaadayay intii aan la qabanin, ayaan anigu Geed ku yaala talista ciidanka Burco aniguu gaadhi magaalada Burco ugu qurux badan wata idhi soo fuul, wuu iga diiday inaan qaado, isagoo ogaa in la dilayo ayaa wuxuu yidhi aabahay salaan iga gaadhsiiya halkaa aan imika fadhiyo markay laygu yimaado in Ilaahay ii naxariisto iigu soo duceeya, markii maxkammadii dhammaatay waa la qaaday, waxaana lagu yidhi maxaad weydiisanaysaa maxkamadda? Wuxuu yidhi Salaadda intaan tukanayo, intaan cadayanayo iyo intaan laba sunne ah tukanayo, intaasaan idin weydiisanayaa inaan lay toogan, qisadaa wxaaan uga jeeda bedelkaygu meel buu ka metelaa.”

Ramaax oo ka hadlaya bedelkiisa iyo sida uu u arko, waxa uu yidhi “Bedelkaygu waxa kale oo uu metelaa Nebi Yuusuf, ku dheeraan maayee waxaan leeyahay Ceel dalam ku sii kii dadka u xigay, taana waxaan u dhaafayaa cid kastoo wax fahmaysa.”

Wuxuu si gaar ah uga hadlay dibad baxyadii lagaga soo horjeestay xil ka qaadistiisa, waxase uu sheegay inaan dibad baxyo loo samayn xil ka qaadistiisa. “Berberi waa Berbera, Saaxilna waa Saaxil, taariikhdu way qorantahay, qalinku wuu qalalay, waxaa weeye kuwaan layliga baran ee aan fardo-fuulka aqoon ee baradka siyaasadda ku jira, Berbera laba daammood iyo saddex daamood midna noqon mayso. Berbera maamul isku xidhan baanu ahayn, maamulka cusubna waxaan u rajaynayaa inay halkii ka sii wadaan, amaanna kuma lihi waxaannu qabanay.”

Ugu dambayn, wuxuu si dad ban u ammaanay maayarka cusub ee Berbera oo ay doorashadiisii ahayd sababta xilka lagaga qaadya sida ay dad badani aaminsanyihiin, “Dadweynaha waxaan leeyahay Berberaay kumaan dayicin haddaan Cabdishakuur (Maayarka cusub) kaaga tegay.” Ayuu yidhi badhasaabkii hore ee saaxil, oo reer Saaxil u soo jeediyay inay nabadgelyada ilaaliyaan.