Guddiga Doorashada Oo Baahiyay Tirada Rasmiga Ah Ee Codaynaysa Doorashada Iyo Is-Barbar Dhiga Dadkii Isdiiwaangeliyay Iyo Tirada Kaadhadhka Qaatay

0
850

Hargeysa(Geeska)-Guddiga doorashooyinka Jamhuuriyada Somaliland ayaa shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay tirada guud ee codbixiyaasha doorashada madaxtooyada ee 13 Nofember la qaban doono.

Munaasabad lagu qabtay xarunta Gudiga Doorashooyinka ayaa lagaga dhawaaqay in dadka la diiwaan geliyay oo keli ah codeyn doonaan.

Sida uu sheegay gudoomiyaha guddiga, Cabdilqaadir Iimaan, wuxuu sheegay in qofka codbixiyuhu uu ka codeyn karo oo keli ah goobtii uu hore isaga diiwaangeliyay ee gobolkiisa.

Goobaha codeynta ee Somaliland ayaa dhan 1,642, oo la sheegay in ay yihiin laga soo bilaabo min lawyacaddo ilaa taleex.

Sida guddiga doorashada uu sheegay degmooyinka Dhahar iyo laasqoray ee gobolka Sanaag kama aysan dhicin diiwaangelin.

Axsaabta siyaasadda ayaa soo dhoweeyay howsha uu qabtay guddiga oo soo bandhigay teknolojiyad cusub oo ay ka caawiyeen shirkado laga leeyahay Irland iyo Faransiiska.

Faraqa Jira

Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa tirada cusub ee gobal kasta ka qaadatay kaadhadhka iyo tiradii is diiwaangelisay, halkaas oo laga arki karo faraqa u dhexeeya dadkii isdiiwaangeliyay iyo dadka kaadhka qaatay ee doorashada codaynaya.