Cabdillaahi-Jawaan Oo Madaxweynaha Ugu Baaqay Inuu Xakameeyo Beeshiisa Oo Uu Sheegay Inay Dalka Ku Celinayso 1991

0
842

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyihii ugu horeeyey ee Komishanka Doorashooyinka ee ugu horeeyey dalka Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdillaahi Jawaan),isla markaana xilka la taliyaha Madaxweynaha ee Doorashooyinka ahaa, iskana casilay, ayaa si adag uga hadlay shirkii Magaalada Burco ku dhexmaray Beelaha Subeer Awal iyo Habar-jeclo, waxaanu wax aad loola yaabo iyo ayaan daro ku tilmaamay in Salaadiintii meeraysanayso Gobolada, waxaanu Madaxweynaha ugu baaqay inuu talaabo ka qaado beeshiisa iyo beelaha kale, ee qabyaalada wax ku doonaya, Muuse Biixna uu Xisbinimo ku taageero, balse reernimo aanu ku taageerin,

Guddoomiyihii ugu horeeyey ee Komishanka Doorashooyinka ee ugu horeeyey dalka Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdillaahi Jawaan),oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale  ka hadlay  natiijada dadka isku diiwaangeliyey Doorashada Madaxtooyada ee kaadhka codbixinta qaatay, ee shalay Komishanku ku dhawaaqay, waxaanu tilmaamay inuu filayey in dadka kaadhadhka la siiyey ay intan noqdeen ka bataan, oo ilaa hal milyan noqdaan, balse abaarihii dhacay ay sabab u noqdeen in tiradu yaraato, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya tirada dadka qaatay kaadhka codbixinta “Dadka in ka badan baa codka bixin jirtay ama la diiwaangelin jiray, waxaana filayey anigu in dadka la diiwaangeliyey inay intan ka badnaato, oo dadka is diiwaangaliyey inay milyan ku dhawadaan ayaan eegayey, oo ilaa sagaal boqol oo kun iyo in ka badan inay noqoto, marka loo eego Doorashadii aanu soo qabanay iyo Diiwaangelintii laakiin imika abaaro ayaa jiray, oo dadka badankiisu muu iman, oo lambarka dadku aad buu u yar yahay, oo duruufihii markaas taagnaa iyo abaarihii ayaa sababay”.

Cabdillaahi Jawaan mar uu ka hadlaayey Shirkii Burco ku dhexmaray Beelaha Subeer Awal iyo Habar-jeclo ayaa yidhi “Waxa aad u fool xun wixii ka dhacay Burco, ee Dimuqraadiyadii ilaa iyo 2001-kii, aanu ku soo dadaalaynay, ee aftidii Dastuurka ka soo bilaamaysay, oo shan Doorasho oo madax banaan lagu galay, in maanta loo bedelo wax qabiilooyin hadyad isku siiyaan, waana arin aad u fool xun oo god madaw taariikhda geedi socodkii Somaliland ku ridaysa, haddii aan laga joojin, markaas waxaan Madaxweynaha ugu baaqayaa inuu xakameeyo oo uu joojiyo qabaa’ilka,oo laga daayo Beelaha Awal iyo Habar Jeclo, ayaa Xisbi iskugu tagay oo hebel soo saaraya, Dimuqraadiyadu waa nin walba ninka uu doonayo waa inuu codkiisa siiya, Madaxweynaha waxaan ugu baaqayaa inuu ka soo saaro amar, oo laga joojiyo Salaadiintan ku meeraysanaysa Gobolada, ee wixiiba u bedeshay qabiil, in laga kaxameeyo, Madaxweynuhu waa Madaxii Qaranka ee waxani Doorasho ma noqonayse, dhibaato ayaa inagaga imanaysa, inuu Madaxweynuhu ka joojiyo ayaan ugu baaqayaa, waana beeshisii, Madaxweynuhu wuxuu yidhi Muuse waan soo saarayaa, Xisbinimo ha ku soo saaro, laakiin reer ha ka daayo, haddii reer la iskugu tago natiijada aynu soo marnay ee khasaaraha weynu ognahay, markaas Madaxweynaha Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), waxaan ugu baaqayaa talaabada kala gudboon inuu ka qaado, oo beeshiisa iyo kuwa kaleba uu la hadlo, Madaxweynuhuna waa inuu talaabo ka qaado reerkiisa, haddii kale Doorasho dhici mayso, oo 1991 iyo 1994 wixii aynu ahayn ee laga soo gudbay ee foosha xumaa, oo boogihii aynu dhaynay ayaa dib loo damqayaa, ee Madaxweyne ka hor qaad waxan dadka, umadda reer Somaliland waxaan leeyahay arintaas cadho ha ka qaadine ee is dejiya, habkii Dimuqraadiga ahaa ee aynu ku soconayna nin waliba ninka uu doonayo ha ugu coddeeyo, oo taas dib ha loogu soo noqdo

Cabdilaahi Jawaan mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko dacwada ka dhanka ah Agaasimaha Komishanka la dagaalanka AIDS-ka, Cabdikariin Xinif, ee Guddida Anshaxu u gudbiyeen Hay’adda Shaqaalaha,ayaa ku jawaabay “Madaxweynaha ayaa magacaabay Cabdikariim Xinif, Guddida Anshaxa waa inay Madaxweynaha u qoraan, halkay Hay’adda Shaqaalaha uga qorayaan, isaga iyo Ragga kale ee Guddiyada Komishanada kale ka shaqeeyaba ama Saraakiisha Ciidamada, Madaxweynaha ayaa u  masuul ah, xitta Guddida Anshaxu iyaga ayaa go’aan gaadhi kara, oo odhan kara hebel talabadaas ayaanu ka qaadnay, ama waxaas ayaanu ganaaxnay, oo Madaxweynaha ayey u gudbinayaan, Hay’adda Shaqaalahana shaqadooda maaha, wixii dambi galana waxa ku shaqo leh Hay’addaha Garsoorka, markaas in Hay’addaha Garsoorka loo gudbiyo, oo talaabo ka qaadan, haddii anshaxa la doonaynaa Guddida Anshaxa laftooda ayaa awood leh ee inay awooda ku shaqeeyaan weeye, wixii iyaga ka weyna Madaxweynaha ayey u gudbinayaan, madaama uu Madaxweynuhu yahay madaxii ugu sareeyey ee Xukuumadda”