Guddiga Dhaqaalaha Ee Golaha Wakiilada Oo Wax Ka Bedel Iyo Kaabis Ku Sameeyay Xeerka 10-ka Dollar

0
714

 

GolahaHargaysa(Geeska )-Guddi  hoosaadka dhaqaalaha golaha wakiilada , ayaa wax ka badal iyo kaabis ku sameeyay xeerka takaaliifta nabadgalyada madaarada dalka, oo dhawaan Wasaarada duulistu u soo gudbisay.

Guddida dhaqaalaha,  waxay wax ka badal ku sameeyeen qodobo uu ka mid yahay qodobka afraad ee xeerkaasi oo banaynayey in qof kasta oo sita tikidh diyaaradeed in laga qaado $ 10 doolar oo lacag ah, waxayna ka dhigeen in qof kasta oo ka yar da’da 15-jirka inaan laga qaadin wax lacag ah.

Sida oo kale qodabka shanaad  ee xeerkaas oo ahaa gacan ku haynta qalbka baadhitaanka ee madaarada waxa ka masuul ah xukuumada iyo cidii ay u  igmato, waxa ay  ku badaleen in xukuumadu ay ka masuul tahay.

Gudidan waxa ay ka dhigeen in habka jaan goynta takaaliifta  in  ay samaynayaan wasaarada maaliyada iyo wasaarada duulista, halka markii hore ay kula jirtay jaangoynta shirkada gacanta ku haysaa oo ahayd qodabka lixaad.

Ugu danbtyantii gudigani waxa uu  waxa kabdal ku sameeyay qodabka todabaad oo markii hore awood dadban u siinayay hanti dharka qaranka baadhitaanka isada loo maamulay cashuurtaa, balse si cadaan ah ayay awoodiisa u hoos geeyeen.

Golaha wakiilada ayaa maalmaha soo socda ka doodi doona xeerkan jidaynaya cashuurta madaarada dalka lagaga qaado dadka soo dagaya iyo kuwa dhoofaya,xeerkaas oo ay xukuumadu hor keentay golaha wakiilada.