Guddiga Cadaaladda Oo Garsoorka Dalka Ku Sameeyay Isku Shaandhayn, Xil Ka Qaadis Iyo Bedel Saameeyay 22 Masuul

50
4671

Hargeysa(Geeska)-Gudida cadaalada JSL  ayaa isku shaandhayn balaadhan ku sameeyay garsoorka dalka, waxaanay sameeyeen xil ka qaadis, isku bedel, digniin iyo kuwo kale oo ay ka aqbaleen shaqo  ka tagis ay soo dalbadeen.

Guddiga cadaaladda oo ka kooban 9 xubnood, ayaa qoraal ay soo saareen waxa ay ku soo bandhigeen garsoorayaasha iyo madaxda maxkamadaha ee uu saameeyay go’aankani.

Qoraalkan ka soo baxay gudida cadaalada ee dalka oo soo gaadhay wargeyska Geeska Afrika Waxa uu u dhignaa sidan “Gudida cadaaladu waxay go’aamisay fadhigii labaad ee ay yeelatay 23/10/2018-ka

Bedal garsoorayaal

1-Cabdilaahi Cali Cismaan waxa laga badalay gasooraha maxkamada rafcaanka G/Awdal waxaana loo badalay garsooraha maxkamada racaanka ee gobalka Togdheer.

2-Cumar Jaamac Cabdi waxa laga badalay garsooraha maxkmada degmada Boorama waxaana loo badlay garsooraha maxkamada degmada Berbera.

3-Cali Ismaacil Maxamuud waxa laga badalay guddoomiyaha maxkamada gob/degmada Daadmadheeedh waxaana loo badalay maxkamada degmada Burco.

4-Jamaal Axmed Maxamed waxa laga badalay garsooraha maxkamada rafcaanka gobalka M/jeex waxaana loo badlay garsooraha maxkamada rafcaan gobalka Togdheer..

5-Xasan Cali Ibraahim waxa laga badlay maxkamada gobalka Maroodi-jeex waxaana loo badlay maxkamada gob/degmada Daadmadheedh.

6-Saleebaan Jaamac Xandule waxa laga badalay maxkamada degmada Hargeysa waxaana loo badlay maxkamada gob/degmada Gabilay.

7-Yuusuf Cabdilaahi Cali waxa laga badalay xafiiska ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee qaranka waxaana loo badlay ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee gobalka Saraar.

Dhamaan gudoomiyayaasha, garsoorayaasha iyo ku xigeenada xeer ilaaliyayaasha ee la badlay waa inay ku tagaan meesha loo badlay muddo dhan 10 cisho gudahood.

Qaybta labaad Shaqo Ka Saarid

1-Xamse Cabdiraxmaan Maxamed oo ah garsooraha maxkamada degmada Burco waxa laga saaray shaqadi garsoorka.

2-Saleebaan Cumar Ciise oo ahaa garsooraha maxkamada gobalka Togdheer, waxa laga saaray shaqadii garsooraka gobalka Togdheer, waxaana laga saaray shaqadii garsoorka.

3-Xamse Axmed Cali oo ahaa garsooraha maxkamada degmada Burco waxa laga saaray shaqadii garsoorka.

4-Cali Siciid Jaamac oo ahaa garsoorii maxkamada degmada Hargeysa waxa laga saaray shaqadii.

5-Cabdala Daahir Aadam oo ahaa kuxgeenka xeer ilaaliyaha guud ee gobalka Togdheer waxa laga saaray shaqadii garsoorka.

Qaybta saddexaad digniin.

1-Abiib Axmed Ducaale oo ah garsooraha maxkamada degmada Boorama waxa la siiyay digniin.

2-Cabdirisaaq Cumar Shiil oo ah garsooraha maxkamada degmada Boorma waxa la siiyay digniin.

3-Sharmaarka Faarax Ismaacil oo ah garsooraha maxkamada gobalka Sanaag, waxa la siiyay digniin.

4-Yuusuf Cabdilaahi Cali oo ahaa ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee qaranka waxa la siiyay digniin kama danbays ah.

  1. Cali Ismaaciil Maxamed

Qaybta afraad aqbalaad shaqo ka tagis

1-Cabdirisaaq Aadan Shukri waxa laga aqbalay codsigii shaqo ka tagista.

2-Yaasiin Cumar Xaaji Maxamuud waxa laga aqbalay codsigii shaqo ka tagista.

3-Yuusuf Biixi Maxamuud waxa laga aqbalay codsigii shaqo ka tagista.

4-Maxamed Jaamac Ibraahim waxa laga aqbalay codsigii shaqo ka tagista.

5-Cabdinajiib Muxumed Cali waxa laga aqbalay codsigii shaqo ka tagista.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here