Hargeysa(Geeska)-Gudidii darajo bixinta ciidamada ayaa si rasmi ah uga hadlay qaabkii ay u mareen darajo baxinta ciidamada,waxaanay daboolka ka qaadeen inay diyaar u yahiin xalinta waxii khaladaad ka soo baxa shaqadaas ay qabteen.
Sida oo kale waxaay gudidan xuseen inay arinkaas ku galeen daacadnimo, waxaanay ciidamada darajada qaatay ay u soo jeediyeen inay ilaaliyaan anshaxa iyo haybada darajada ciidamada.
Waxaay sidan ku sheegeen gudida darajo baxintu shir jaraa’id oo ay ku qabteen xafiiskooda. Saleeban Cumar (Kujoog) oo ah Guddomiyaha Guddida darajo bixnta ciidamada Somaliland oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa Faahfaahin ka bixiyey Hanaankii ay u qaybiyeen Darajooyinka ciidamada waxaanu yidhi “Halkan waxa ku sugan Guddidii loo magacaabay darajo bixinta oo uu madaxweynaha Somaliland digreyto ku magacaabay bishii Septenber 25-2012, kuwaasi oo ka soo tallo bixinayey soona qiimeeyan habkii darajooyinka ciidamada loo bixin lahaa, runtii hawshaasi darajo bixintu may ahayn mid dhib yar oo si sahal ah looga bixi karo, Runtii halkan aanu ka bilaabnay darajo bixintu waa halkii aanu ka unugnay ee ma ah mid dhamaystiran si hadhoowto halkaasi looga ambaqaado sidaasi ayaa loogu dhiiraday in darajooyinka la bixiyo, khaladku waxa uu yimaada marka wax la qabto, lakiin qof aan waxba qaban maba khaldamo, illahay uunba khaldamin anagu bini’aadam ayaanu nahay, ma lihin anagu waxayagii waanu sugnay, lakiin waxaanu isleenahay siddii ugu fiicnayd ee cadaaladana waafaqsanayd ee illahayna nagu ogyahay ayaanu ku bixinayn , illahoow eexna hanooga tagin aqoon darana hanagu cadaabin ayaanu taaganahay, cabasho way jiraysaa cabashadu ma ah mid dad kale cabanayaan, ku beello cabanayso ma ah, ma ah in siddii dad aan waxba kala garanayn loo xisaabtamo, cabashada waxa la imanaya ciddii cabanaysay qofkaa cabashada leh ee Cid kale ma laha, sarkaal ayaa cabanaaya askari ayaa cabanaaya lakiin mid caaqil ka cabanaya ama mid odey ka cabanaya ma ah cabashadu, waxaasi waa waxa aanu doonayno in laga gudbo, ninkii is leh waxbaa kaa maqan waa loo diyaar, dib ayaa loo qiimaynayaa guddida kale way la eegaysa taliyihii ayaa wixii khaldan, nin walba qof ahaantiisa ayaa loo qancinayaa qofka suuqa ka buuqaya ee dacaayada suuqa dhegeysanayaa isagay jirtaa.
Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “horta dadkana waxaanu leenahay qofkii xogogaal ahoow dadka u waran, lakiin kii kaloow dadka buuqa ka daa oo dadka tashuush hagalinin, Ciidamada galay 1993 ilaa 1994 ilaa imikan ku jira weeyi ciidamadu, mida kale dadku ha ogaadeen, haddii mid suuqa ku jiray oo ay yiqiineen ay arkeen oo maanta waxba la siinin, wuxu u heli waayey ciidankana kuma jirin, foomna ama waraaqo muu soo buuxin ninka illaa 1993kii intuu ciidanka la bilaabay ee 250 kun ee shilinka Somaliland u badheedhay in uu ku noolado ee illaa maanta u dul qaatay ee illa maanta joogay, ee Gambadha ka dagaal galay ee u hawlgalay qarankan iyo ninka kursi ku qaylaya ee maanta soo hambabaray isku mid noqon maayaan, runta in laysku sheego ayaa fiican, ninka soo hambabaray maanta adeer adigaa soo habsaamaye ciidamada cidna looma diidin waa lawada qoranayey nin walba waa galayey, lakiin ninka dantiisa ka waayey ee is yidhi lacagtaasi kugu filnaan mayso ee meelahas kale iska war wareeg,maanta hasoo hambabarine fursadu way ku seegtaye, ciidamada dib u gal hadii aad doonayso.”
Maxamed Cali Ismaciil oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay iny muddo dheer ay hawshaas ku jireen oo ay Ciidamada oo dhan laga soo buuxiyey Foomam kala duwan kuwaasi oo ay ku qornaayeen Taariikhda ay ciidamada soo galeen iyo Haddii ay haystaan shahaadooyin jamacadeed ama tababaro dibadeed ah oo loo diray, iyo waliba haddii uu Ciidamadii SNM ka mid ah ama kuwii Somaliya,waxaanu sheegay in qofka aqoontiisa iyo inta uu ku jiray la eegayey ee cid darajo layska siiyey aanay jirin.
Ismaciil Aadan Feeljeex oo isaguna gabogabadii halakasi ka hadlay ayaa sheegay in ciidamada kala duwan ee darajad la siiyey lagu dhiqidoono xeerka anshaxa Ciidanimo ee dhinca darajooyinka, isaga oo xusay in askarigii ama sarkaalkii lagu arko isaga oo darajo xidhan oo ku sugan meel xun in uu mutaysan doono in la rusqeeyo ama darajada laga rifo, waxa kale oo cidiimada Somaliland ee darajada la siiyey uga digeen in ay iska jiraan in meelaha Xun xun lagu arko isaga oo sheegay in darajadu tahay haybad loona bahan yahan in la illaaliyo.